Guddoomiyaha Hayβadda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Hayβadda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) oo ay hoggaaminaysay madaxa hayβadda ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlayΒ muhiimadda ay leedahay howsha ka hortagga leexsashada gargaarka, arrimaha u adkaysiga aafooyinka, Xasilinta deegannada la xoreyay iyo arrimaha la xariira abaaraha soo noqnoqday.
Guddomiyaha Hayβadda SoDMA, ayaa aad uga mahadceliyay Hayβadda USAID hawlaha gargaar iyo horumarineed ay ka waddo dalka, isagoo ballanqaaday dhankiisa in la sii xoojin doono ka mira dhalinta qodobbadii laga wada hadlay.

