Haddii aad tahay arday dhigata dugsi, Mac-had, ama jaamacad oo imtixaankii kaabiga ku soo hayo, waxa laga yaabaa inaad isku daydo inaad xasuusato casharadii aad baratay wakhti hore, xilli imtixaanku qarka kuu saaranyahay, waxaana dhici kartaba in aad gabi ahaanba ilowday casharradii aad soo qaadatay.
Ilowshaha wixii aad soo baratay ayaa la aaminsanyahay in ay tusaale u tahay in aaddan markii hore si wanaagsan ugu fiirsan cashirrada waqtigii aad baraneysay.
Nasiib darro, isku dayga ah inaad xafiddo macluumaad badan hal mar waa hab aan waxtar lahayn, waxaase aad hab-dhaqankaaga ku xoojin kartaa in aad habka xifdinta ka dhigto mid waxtar u leh diyaarinta imtixaankaaga.
Waxaa jira cadeymo badan oo cilmi baaris ah oo ku saabsan sida xasuustu u shaqeyso waqti ka dib. Marka hore si dhakhso ah ayaynu u hilmaannaa macluumaadka cusub, laakiin mararka qaar waxaa si tartiib tartiib ah hoos u dhacaya habka ilowshiyaha.
Ficil ahaan, tani waxay ka dhigan tahay in xaaladaha walaaca leh ay u muuqdaan inay kordhiyaan hilmaanka.
Sida ugu wanaagsan waa in la isku dayo in la barto maaddo gaar ah si tartiib tartiib ahna loo barto, iyadoo waqti dheer la siinayo. Habkan waxa loo yaqaan ‘saamaynta xusuusta ‘ ama ‘ku celcelinta ‘ waxayna sababtaa in xirfadaha iyo aqoonta qalbiga lagu sii hayo si wanaagsan muddo dheer.
Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in dadku ku wanaagsnayihiin dib u xusuusashada wixii ay barteen marka ay fasaxa ku jiraan oo waxbarashada wakhti nasasho ah laga qaato. Wxayaabaha kale ee cilmi-baaristu muujineyso waxaa ka mid ah dib u eegista muddo kadib in ay tahay wax wanaagsan.
Haddii sidaas la sameeyo waxaa ka dhalaneysa natiijooyin wanaagsan waqti yar gudahood. Markaad isku daydo inaad barato qayb kooban oo macluumaad ah, sida dhawr kelmadood ama jumlad, ku qaado dhawr ilbiriqsi si aad ugu celiso, habkani waxa kale oo uu faa’iido u leeyahay marka casharada waxbarashadu ay dheeraadaan.
Xilliga aad ka nasaneyso fasalka waxbarshada in aad dib u daalacato cashirradii aad horey u qaadatay ama ka shaqeynta cashir lagu soo siiyay waxay la micno tahay adoo fasalkii jooga, haddii xitaa aad toddobaad kadib sameeyso.
Ugu yaraan waxay muujineysaa in aad qalbiga ku hayso waxa ku sugaya iyo in lagaa rabo, waana farriin direysa in aaddan hilmamain wixii aad baratay.
Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ayaa ku tilmaamay waqtiga ugu wanaagsan ee lagu celin karo casharka waa marka aad ku dhowdahay inaad illowdo, ma aha ka hor ama ka dib.
Laakin ma ahan inaadan wax baran inta lagu jiro sanad dugsiyeedka, hase-yeeshee ardayda waxaa ku soo dhawaada imtixaanka, iyagoo ilaabay casharadii hore ee loo dhigi jiray. Tan ayaa la micno ah in aad baraarugto waqti aadan isku diyaari karin.
Sida aad wakhtigaada u kordhin karto
“Haddii aan hilmaanno cashar bil ka dib, ma habboona in loogu yeero ‘waxbarasho’. Laakiin haddii aad u baahan tahay inaad ka gudubto imtixaanka, inaad wax ku barato waqti yar waxay ku siin kartaa niyad wanaagsan,” ayaa lagu yiri warbixinta cilmi-baarista.
Waxaa intaa dheer, waxaad ku dari kartaa saameynta ku celcelinta joogtada ah ee diyaarintaada si aad u noqoto mid waxtar leh
Waxaa jira talooyin guud oo loo soo jeedinayo ardayda.
Way fiicantahay in lagu celceliyo aqoonta mawduuca toddobaadyo, markaa haddii aad haysato wakhti ka hor imtixaan muhiim ah, qorshee inaad ku daboosho wax ka badan hal mawduuc jadwalkaaga dib u eegista.
Halkii aad laba saacadood markiiba u qoondayn lahayd mawduuc gaar ah, isku day sal saac, ka dibna saacad todobaadkii.
Haddii aadan haysan waqti intaas le’eg, waxaa fiican inaad ku darto nasasho gaagaaban oo aan caajisan kaa galineyn waqtiga dib u daalacshada.
Haddii imtixaankaagu berri yahay, ku celceli mowduucyada muhiimka ah maanta, subaxdii ilaa fiidkii.
Isku dayga inaad dib u xasuusato macluumaadka adoo diirada saaraya xusuusta ayaa aad uga waxtar badan marka loo eego dib u akhrinta qoraaladaada.
Habka ugu wanaagsan ee tan loo sameeyo waa inaad doorato hal mawduuc, si taxadar leh u akhri oo aad istijaabiso waxaad akhriday nasasho yar ka dib adigoon meel ka aqrineyn.
Dariiqa xitaa taa ka sahlan waa inaad wax barato oo aad nasato si aad ugu qorto waxa aad ka xasuusato mawduuca xaashi ama waraaq adoon dib u eegin qoraaladaadii hore.
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in macalimiintu ay isku raacaan inay muhiim tahay in mawduuca loo fahmo intii la xifdin lahaa qoraal ahaan.
Macallimiinta shaqadu ku badantahay waxay isku dayaan inay ka faa’iidaystaan wakhtiga ay haystaan, laakiin farsamada isticmaalka xusuusta macnaheedu maaha inay macallimiintu isbeddel weyn ku sameeyaan hab-dhaqankooda iyo abaabulkoodaba.
Cilmi baaris ayaa muujisay in habka ugu waxtarka badan ee loo sii wadi karo casharka ay tahay in la qaado imtixaanka laga bilaabo bilowga fasalka ka dibna la qaado imtixaanka ugu yaraan saddex jeer waqtiyo ku habboon.
Tusaale ahaan, fasalka koowaad ka dib, waxaa jiri kara tababar dheeraad ah oo leh hawlo dhowr maalmood ka dib iyo nooc imtixaan ah oo lagu ogaanayo fahamka guud ee aradayda..
Waqtiga imtixaanku wuxuu noqon karaa xusuusta ugu adag ee qof arady ihi wajaho, iyadoo natiijadu noqon karto in si fiican loo sii haysto aqoonta iyo xirfadaha muhiimka ah mustaqbalka fog.
Ardayduna waxay sidoo kale heli doonaan faham wanaagsan oo ku saabsan sida wax loo barto.