Sannad walba 21-ka bisha May waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Dhaqamada kala duwan, taas oo looga golleeyahay in lagu hormariyo wadahadal dhex mara bulshooyinka adduunka ku dhaqan, si loo gaaro nabad, xasillooni iyo horumar waara.
Bulshooyinkaas dhanqanku noloshooda ku lifaaqan yahay waxaa ka mid ah Soomaalida oo leh Hidde iyo Dhaqan soo jireen ah oo ahmiyad gaar ah siiya wada noolaansha bulshada. Waxaana jira xeerar iyo caadooyin lagu saleeyo calaqaadka ka dhexeeya bulshooyinka deriska ah, gaar ahaan marka ay noqoto xallinta khilaafaadka.
Sida lagu sheegay warbxin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Dhaqanka, cilmiga iyo Waxbarashada ee UNESCO, 89% dhammaan colaadaha xilligan ka dhex oogan dalalka dunida waxay salka ku hayaan dhaqamo is diidden, gaar ahaan bulshooyinka isdhexgalkoodu hooseeyo.
Qormadan waxaan ku eegeynaa kaalinta uu dhaqanku ka qaadan karo ilaalinta nabada iyo wada-noolaansha bulshada iyo sida loogu baahanyahay in la tixgaliyo dhaqamada ummadaha qalaad ee ay Soomaalida is mutaan.
Abwaan Cali-deeq Maxamed Xaashi oo ah xeel-dheere ka faallooda arrimaha dhaqanka iyo nabadda, islamarkaana door firfircoon ka soo qaatay hawlaha dib-u-heshiisiinta Soomaalida, ayaa mar BBC-du wax ka weydiisey dhaqanka iyo kaalinta uu uga jiro nolosha aadanaha ayaa tibaaxay in “Dhaqanku udub dhexaad u yahay jiritaanka aadmiga, islamarkaana uu yahay muraayad mar kasta laga dheehdo sooyaalka ilbaxnimada ummadi leedahay”.
“Waxaaba la yiraahdaa Aadanuhu waa Xayawaan Dhaqan leh” ayuu yiri Abwaan Cali-deeq, taas oo uu ula jeedo inm Dhaqanka suubban yahay waxa qura ee kala sooca Dadka iyo Dugaagga ama Duunyada.
Abwaanka oo ka hadlayey dhaqamada bulshooyinka laga eego marka la doonayo in la tixraaco sooyaalkooda taariikheed, ayaa farta ku godey arrimaha nolosha ku mataansan ee qaabiyeeyey jiritaankooda ummadeed, sida afka, diinta, xeerarka iyo hababka bulshooyinka, qoomiyadaha iyo dalalka kala duwan ee dunida”.
“Xayawaan Xeer Leh”
Abwaan Cali-deeq oo sii hadlaya ayaa intaas ku daaray: “Waxaa kale oo dhaqanka ka mid ah guurka, barbaarinta, xaqdhawrka, xiriirka, iskaashiga iyo mudnaano kale oo ay ka mid yihiin hoyga, huga ama dharka, qaabka loo labbisto, fanka, suugaanta, farsamooyinka, farshaxanka, qalabka, agabka, dhaqandhaqaalaha iyo waxsoosaarka kala duwan.
Marka la qooraansado Maahmaahyaha Soomaalida oo ah muraayadda ugu habboon eel aga dheehan karo dhaqanka Soomaalida ee ku qotoma, waxaa ku jira qaar si cad u qeexaya tixgelinta la siin jirey wadahadalka lagu doonayo in lagu tidco heshiis ku dhisan nabad ikyo wadanoolaansho; ha ahaado mid Soomaalidii dhex mara ama dadyow kale oo ay xiriir lahaayeen kala dhexeeyey.
Haddaba Abwaan Cali-deeq Maxamed Xaashi oo guudmaraya dhaqanka Soomaalidii hore ee ku aadden tixgelinta dadyowga ay ku kala duwanaayeen dhinacyada afka, diinta iyo isirka ee si uun ay u xeerin jireen, ayaa wuxuu soo qaatay Maahmaahyo uu ka xusay:
- “Gar waa loo wada Islaan”, oo macneheedu yahay “in qofka muslinka ah iyo qofka aan muslinka ahayn ay Garsoorka Soomaalida u sinnaan jireen”.
- “Kor biliseed kabbo isma dheera”, macneheedu uu yahay “in wixii qof aadane dhib ku ah uusan u adkaysan karin qof kale oo aadane ah. Dadka oo idilna isku danqasho yahay”.
- “Nebi Alloow ninba afkiisa kugu ammaan”, oo dulucdeedu ay tahay “aqoonsi iyo garowshiyo Soomaalidii hore ay siisay kala-duwanaanta afeed ee qoomiyado wada Muslim ah”.
Marka haddaba la shidaal qaato maahmaahaas kor ku xusan, waxaa kuu soo baxaya in Soomaalidu ay leeyihiin dhaqan fac weyn oo ku qotoma ilaalinta iyo difaacidda kala-duwanaanshaha afafka, isirrada, diimaha iyo dhaqannada aadanuhu uu ku kala geddisanyahay.
Dhanka kale marka ay joogto Soomaalida dhexdeeda, waxaa jira hidde iyo dhaqan ku lifaaqan sooyaalka taariikheed ee ummadda, iyo sidoo kale xeerar laga soo guuriyey diinta Islaamka oo mar walba laga tixraaco xiriirka ka dhexeeya bulshada.
Dhaqankaas oo aan marnaba duugoobin waxaa haga xeerar lagu heshiiyey oo si qeexan u sugaya xiriirka ka dhexeeya bulshada, wax mudankeeda ah iyo waxa meel-ka-dhaca ku ah, iyo sida looga xaalayo haddii wixii beelaha dhex mara xumaan iyo samaan.
Laakiin waxaa jirta bulsho Soomaaliyeed oo dantu isku geysey ummado kala kaan ah oo laga yaabo in dhaqamadoodu kala duwan yihiin.
Haddaba si looga feejignaado xiisad ku saleysan cunsurinimo, taas oo ugu dambeynta u xuubsiibata colaad dhex marta bulshooyinka kala duwan, khuburada ku xeeldheer arrimaha bulshadu waxay qabaan indho fiyow lagu eego dhaqamada qalaad.
Tusaale ahaan, Soomaalida ku ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, waxaa la deggen ama ay deris yihiin qowmiyado ay dhaqan ahaan kala duwan yihiin, balse xarig-jiid dheer ka dib dantu ay bartay xeer jajab ay wada noolaadaan.
Sida uu BBC-da u sheegay Dubad Cali Camey oo ah Guddoomiyaha Xoolo-dhaqatada Maamul Goboleedka Gaarisa, “dadka Afrikaanka ah waxay leeyihiin dhaqan soojireen ah oo odayaasha dhaqanku xeerbeeg ka yihiin, kaas oo ay uga xaajoodaan dhiig iyo dhabaqo wixii dhexmara.
“Walow aan wax walba isku aragti laga ahayn, haddana waxay beelaha deriska ah wada garowsan yihiin ahmiyadda ay leedahay in wax walba oo dhaca wadahadal lagu dhammeeyo, laguna heshiiyo in nabad lagu wada noolaado,” ayuu yiri Oday Dubba oo ka hadlaya xeerka xallinta khilaafaadka ee ka dhexeeya bulshooyinka jaarka ah ee wada dega gobollada Bari iyo Waqooyi Bari ee Kenya, ku waas oo ay ka mid yihiin Soomaali, Orma, Pokomo, Kamba, Meru iyo Borana.
Soomaalida oo u badan dad xoolo dhaqato ah, waxaa u caado ah in xilliyada jiilaalku daba-dheeraado ay guurto dhulalka weli daaqu ku sii dambeeyo ee ka baxsan deegaanka Soomaalida, taasina waxay aalaaba gorodda u gelisaa bulshooyinka kale oo u badan beeraley.
Oday Dubad ayaa mar uu ka hadlay beelaha ay xoolaleyda Soomaalida badanaa isku dhacaan waaxaa ka mid ah qoloda Pokomo oo ku nool jiinka webiga Tana, halkaas xoolaha Soomaalidu ka cabaan. Haddana wuxuu sheegay in xoolaleyda Ijara iyo beeraleyda Tana River ay xeer leeyihiin.
“Mararka qaar waxaa dhacda in xoolaha aroorka ama fulliinka ah ay galaan beero Pokomo oo ku yaal webiga jiinkiisa sidaasna ay dalag beereed ku daaqaan. Marka taasi dhacdana waxaa durbadiiba garta u fariista guddi labo-geesood ah oo qaabilsan hadba malkada ama hilada wax ka dheceen, ku waas oo ka gaara xal ku saleysan diinta Islaamka,” , ayuu yiri Dubbad.
Sidoo kale, waxay Soomalida is gaaraan beesha Kambada ee degta degmada Kitui ee gobolka Bari, halkaas oo ay in muddo ah ka jirtey xiisad soo noqnoqota oo uy dhexeysa dadka deegaanka iyo geelley Soomaali ah.
Soomaalida ayaa xilliyada abaartu jirto waxay xoolaha keenaan dhul daaqsimeedka dihin ee qabiilka Kambada, sidaasna waxaa dagaal mararka qaar dhiig ku daato uu dhex maraa xoolaleyda Soomaalida iyo dadka deegaanka oo geeddiga Soomaalida u arka dhul fidsi.
“Afrikaanku xitaa haddii uu kala diin yahay, waxaa jira dhaqan Afrikaanimo oo ku saleysan in la wada fariisto oo la isla hadlo,” – Oday Dubbad.
Dubba Cali Camey oo isagoo hoggaaminaya guurtida Xoolaleyda Soomaalida marar badan ka qaybgalay kulamo lagu xallinayey xiisadda labada beelood, ayaa mar aan wax ka weydiinney waxa ay u cuskadaan xallinta khilaafaadka dhex mara bulshooyinka kala dhaqanka ah, wuxuu ka dhawaajiyey dhaqan ay ka mideysan yihiin bulshooyinka Afikaanka ah oo ku saleysan.
“Afrikaanku xitaa haddii uu kala diin yahay, waxaa jira dhaqan Afrikaanimo oo ku saleysan in la wada fariisto oo la isla hadlo,” ayuu yiri Oday Dubbad oo intaas ku daray in tan iyo xilligii gumeystaha uu jirey xeer dhaqameed lagu xalliyo xiisadaha dhex mara beelaha kala duwan ee Kenya wada dega, maadaama la garowsaday kaalinta dhaqanku ka qaadan karo isku-haynta bulshooyin kala kaan ah.