Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa maanta goβaan rasmi ah ka gaaray wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah waxayna si aqlabiyad leh ugu codeeyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka dalka.
Aqalka sare 42 Senator ayaa ogolaatay wax ka beddelka dastuurka, ayaga oo Haa ugu coddeeyay afarta cutub ee dooddooda maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka.
Sidoo kale 212 Xildhibaan ayaa iyagna Haa ugu coddeeyay, waxaana sidaas cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.
Haddaba sidee looga faceliay tallaabada baarlamaanka Soomaaliya?
Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u boggaadiyay tallaabada ay qaadeen xildhibaanada ee ku aadan ansixinta dastuurka.
Khaalid Aadan Cabdifitaax βMashallah guul wayn ayay ummada Soomaaliyeedmaanta gaartay mar haddii dowladnimada Soomaaliya salka dhulka loo dhigayβ.
Cabdullahi Maxamed Xaashi βHalkaan waa lagu kala adkaaday, diid ama yeel 4-ta cutub ee dastuurkaβ.
Bahja Cabdalle βKuwii diidayay malmahaan aween mise fawda lee ka ahayd?#8221;.
Axmed Taatiko ayaa isaguna falcelintiisa ku yiri βDastuur dhameystiran waa qaran dhameystiranβ.
Khadar Cabdullahi βWaligey ma, arkin maanta kahor ayadoo howshu bilaa buuq bilaa diidmo iyo bilaa fowdo kusoo dhamaatay wada ogol isla ogol dalxoreeye guuleysoβ.
Cabdicasiis Beereed βMaanta waa maalin taariikhi qaranka somalia iyo shacabka Soomaaliyeed weey guuleysteen hambalyoβ

