Sidee Iran ugu guuleysan karta dagaalka Israa’iil iyo reer galbeedka?
Dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil ayaa galay waji cusub oo khatar ah, kadib weerarro is-daba joog ah oo labada dhinac ah, kuwaas oo saameeyay gudaha Telaabiib, Tehran iyo goobo kale oo istaraatiiji ah. Inkastoo Israa’iil ay leedahay awood ciidan iyo sirdoon oo sare, hadana Iran ma ahan dal si sahlan lagu cabburin karo. Waxa ay leedahay xulafo hubeysan, juqraafi muhiim ah, awood weerarrada dhinaca Internetka (cyber) iyo dhaqaale, taasoo keeni karta in dagaalka uu yeesho wejiyo kala duwan.
Qormadan wuxuu si qoto dheer u falanqeynayaa meelaha ay Iran ka heli karto fursado istaraatiiji ah oo ay kaga adkaan karto Israa’iil iyo xulafadeeda reer galbeedka, iyada oo la adeegsanayo is barbar dhig milatari, juquraafi, siyaasadeed iyo sirdoon.
Iran iyo juqraafiga: Goobo halis ah oo ay maamusho
1. Marinka Hormuz – Wadnaha tamarta adduunka
Iran waxay gacanta ku haysaa marinka Hormuz, halkaas oo ku dhowaad 30% saliidda adduunka ay marto. Haddii Iran ay go’doomiso marinkaasi:
•Qiimaha shidaalka ayaa kor u kici kara si xad dhaaf ah.
•Dhaqaalaha reer Galbeedka (Yurub iyo Mareykanka) wuxuu gali karaa jahawareer.
•Israa’iil si toos ah uma ilaalin karto marinkan, taasoo Iran siineysa awood istiraatiiji ah.
2. Badda Cas iyo Yemen – Xuutiyiinta iyo maraakiibta ganacsiga
Iran waxay si buuxda u maamushaa dhaq-dhaqaaqa hubka iyo weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yemen:
Xuutiyiinta waxay weerari karaan dekedaha Israa’iil ee Eilat iyo maraakiibta caalamiga ah.Tani waxay curyaamin kartaa ganacsiga iyo sahayda amniga badda Cas.
Weerarka Cyber-ka: Hubka aamusnaanta
Iran waxay caan ku tahay weerarada cyber-ka ee qorsheysan:
Kooxaha APT33, APT34, iyo APT39 waxay weeraro la beegsadeen bangiyada, shidaalka, iyo difaacyada reer galbeedka. Haddii Iran ay bartilmaameedsato nidaamyada korontada iyo isgaarsiinta Israa’iil, waxay keeni kartaa jahawareer bulsho iyo amni.
Reer Galbeedka weli si buuxda isagama difaaci karaan weerarada cyber-ka, taasoo Iran siineysa fursad ay ku daciifiso nidaamyada caalamiga ah.
Dhaqaale ahaan: Iran ayaa awood u leh inay suuqyada caalamka marxalad burbur ah
Inkasta oo cunaqabatayn lagu hayo, hadana Iran waxay: Dhaqaale ahaan saameyn karta qiimaha shidaalka, waxaana dhici kara isbeddel weyn haddii ay taageerro ka hesho Ruushka, Shiinaha, iyo Venezuela, markaa oo cadaadis dhab ah ay wajahi karaan reer galbeedka taageera Israa’iiliyiinta.
Iran, waxaa kaloo ay ku khasbikarta dalal badan oo aan dhinacna la safan in ay is xakameeyaan si aysan u lumin sahayda tamarta.
Haddii Iran ay go’aansato iney beegsato maraakiibta shidaalka ee badda Cas ama Badda Carabta, waxay dhici kartaa:
•Kor u kaca qiimaha saliidda oo dhalin kara kacdoonno gudaha Mareykanka, Faransiiska iyo Jarmalka, waxaa kaloo markaa burbur la kulmaya suuqyada saamiyada iyo sarrifka saliidda.
Meelaha Iran looga awood badan yahay;
Duqeymaha cirka
•Israa’iil waxay leedahay diyaaradaha F-35, F-15 iyo qalab casri ah.
•Iran ma laha diyaarad dagaal oo u dhiganta.
•Difaacyadeeda Khordad-15 iyo Bavar-373 ee Iran , wali ma gaarsiisna heerka Iron Dome ama David’s Sling ee Israa’iil, wallow ay xalay Iran awood u yeelatay inay nidaamyadan jabiso oo qarxiso gudaha Telaabiib.
Sirdoonka iyo xogaha qarsoon
•Mossad iyo CIA ayaa si toos ah uga hawlgala gudaha Iran.
•Dilalka saynisyahannada, jabsiga xarumaha nukliyeerka, iyo weerarada drone-ka ayaa muujinaya in Iran ay u nugushahay sirdoonka Israa’iil.
Hubka Nukliyeer
•Iran wali ma haysato hub nukliyeer shaqeynaya.
•Israa’iil waxay leedahay kayd nukliyeer oo aan rasmi loo shaacin, balse la og yahay.
Tani waxay Iran ka dhigeysaa dal difaacaya naftiisa halkii uu cabsi gelin lahaa.
Xaaladda u dambeysa , sidee natiijo kasta oo Israa’iil filanayso ay Iran u awoodda dhinaca kale inay u rogto?
•Dagaal dhuumaalaysi ah (proxy war).
•Dagaal dhinaca Internetka ah (cyber).
•Dagaal dhaqaale iyo difaac marin-biyood.
•Dagaal aragti iyo dadweyne ah.
Haddii reer galbeedka iyo Israa’iil ku tiirsanaadaan oo keliya awood milatari, waxay halis u yihiin inay lumiyaan taageerada shacabka gobolka iyo kalsoonida suuqyada caalamka.