Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

    May 11, 2025

    Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka Shiraya Maalgelinta Howlgalka AUSSOM

    May 11, 2025

    DEG DEG Maryan Xuseen, ayaa dabaq dheer iska soo tuurtay keddib

    May 11, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

      May 11, 2025

      Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka Shiraya Maalgelinta Howlgalka AUSSOM

      May 11, 2025

      DEG DEG Maryan Xuseen, ayaa dabaq dheer iska soo tuurtay keddib

      May 11, 2025

      DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

      May 10, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

      May 11, 2025

      Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka Shiraya Maalgelinta Howlgalka AUSSOM

      May 11, 2025

      DEG DEG Maryan Xuseen, ayaa dabaq dheer iska soo tuurtay keddib

      May 11, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sidee ayey gabadhan ugu suurta gashay in Tafsiirkii ay ka baratay Sheekh Umal & Sheekh Dirir ay dib barto 642 dumar ah

    Sidee ayey gabadhan ugu suurta gashay in Tafsiirkii ay ka baratay Sheekh Umal & Sheekh Dirir ay dib barto 642 dumar ah

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 12, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Barashada tafsiirka qur’aanka ah iyo culuunta kale ee diinta islaamka guud ahaan geyiga Soomaliyeed si aad ah ayaa looga bartaa, waxayna soo jirtay waqti aad u dheer iyadoo barashada tafsiirka inta badan ay u badnaayeen ragga, hasa yeeshee waxa waayadan danbe soo badanayey dumar badan oo baranaya culuunta diinta islaamka gaar ahaanna fahamka tafsiirka qur’aanka kariimka ah.

    Magaalada Boorama ee gobolka Awdal dumar gaaraya 642 ayaa markii ugu horeysay ka qalinjabiyay Markaska oo lagu magacaabo Beytul Macmuur oo ku yaal magaalada Boorama.

    Waryesi aan la yeelanay Maryam Muuse Xaaji yuusuf oo ahayd haweeneyda bixineysay tafsiirka Qur’aanka ah oo BBCda la hadashay ayaan wax ka weeydiinay waxa ku dhaliyay in ay tafsiirkan dhigto oo ay arday dumar ah barto , waxayna kaga jawaabtay in sababaha ku dhaliyay ay ahayd in arday badan ay bartaan qur’aanka balse aanay aqoon macnahiisa oo aanay fahamsaneyn iyo sida ay dadku dhibaato ugala kulmaan markii aanay aqoon Qur’aanka macnihiisa , taas ayeey sheegtay in ay ku dhalisay in ay dhigto tafsiirkaas.

    Waxa ay sheegtay in ay xoogga saari jirtay in tafsiirkani uu noqdo mid tarbawi ah oo aanu noqon kaliya in aanay ardaydu cilmi ahaan u qaadan, laakin uu noqdo mid ay ku dhaqmaan , sidoo kale waxa ay sheegtay in ay xoogga saarta caqiidada, si ay dadku si aad ah uga dhismaan dhanka toowxiidka .

    Maryam Waxay sheegtay in barshada tafsiirka uu muddo shan sanno ah soo soconayey , sababatuna ay ahayd in tafsiirka la dhigayey toddobaadkiiba hal maalin. Waxaana ka qeeyb qaadatay barshadiisa 642 arday oo wada dumar ah. Qaarkood waxa ay kabaranayeey tafsiirka dibadaha iyagoo si onile ah loogu diri jiray casharka marka la duubo, iyagoo kala socon jiray bogga Telegram.

    Iyada oo ay tahay wax cusub in dumar intaasi la eg ay hal mar ka qalin jabiyaan barshada tafsiirka qur’aanka ayaa Maryam waxa ay sheegtay in falcelinta qalin jabintaasi ay ahayd mid farxad gelisay iyada, iyadoo dadku ay ugu hambalyeeynayeen qalin jabinta tafsiirka.

    “Su’aasha ugu badan ee la i weeydiinayey ayaa ahayd goorma ayuu dib u bilaabanayaa tafsiirku”. ayey tiri Maryam

    Waxa ay sheegtay in ay gaartay hadafkii ay ka lahayd arintan oo ahaa in dadku ay kusoo xirmaan barashada diinta oo ay arkaan arday intaasi la eg oo diintooda baranaya , hadafkaasina waa gaarnay ayeey tiri ,Maryam

     

    Tafsiir

    XIGASHADA SAWIRKA,UMAH MEDIA

    Caqabadaha ay kala kulantay intii ay dhigeysay tafsiirka

    Maryam waxa ay sheegtay in aanay jirin wax caqabad ah oo sidaasi u weyn oo ay kala kulantay muddadii ay tafsiirkaasi dhigeysay.

    “Caqabadaha ugu weyn ee waxa ay ahaayeen diyaarinta casharka tafsiirka oo aan ahayn wax fudud iyo aniga oo ah hooyo” ayey tiri , sidoo kale waqtiga imtixaanka ayaa ahaa mid ka mid ah waqtiyadii iigu adkaa maadaama mararka qaar ilaa arday ka badan 100 arday imtixaankooda la diyaarinayo, oo laga yaabo in maalintiiba aad imtixaanto 20 arday. Ayeey intaasi ku dartay

    Mar la weeydiiyay sida ay isku waafajisay shaqada hooyannimo ee guriga iyo in ay arday intaas la eg ay barto tafsiirka, waxa ay sheegtay in ay waqtigeeda kala qeeybisay oo inta badan subaxii aanay wax daruus ah dhigi jirin marka laga reebo marmar ay dhigi jirtay hal xiso oo luqadda Carabiga ah,markaa subaxa hore ayeey howsha guriga iska dhameyn jirtay si ay galabkii ugu gacan banaanaato in ay bixiso duruusta Markaska , “galabkiina ayaan dhigi jiray tafsiirka iyo duruusta kale , sidoo kalena habeenkii ayaan diyaari jirtay casharka”.

    Tafsiir

    XIGASHADA SAWIRKA,UMAH MEDIA

    Maryam sidee ayey iyadu ku baratay Tafsiirka

    Waxa ay sheegtay in ay muddo badan ku soo dhex jirtay barashada diinta iyo tafsiirka, lagasoo bilaabo ilaa 1990meeyadii. Marka ay timaado barashada tafsiirka Maryam waxa ay sheegtay in ay ku tiirsanayd culimada Soomaalida iyo kuwa ka baxsan intaba , laakin culimada Soomaaliada ayeey sheegtay inay aad ugu tiirsanayd. “30ka jus ee Tafsiirka qur’aanka waxa aan ka bartay Sheekh Maxamed Cabdi Umal, sidoo kale waxa aan tafsiirka ka qaatay Sheekh Maxamed Dirir oo Afsoomaaliga si aad ah ugu xeel dheer. “ ayey tiri Maryam, iyada oo intaasi ku dartay “Labadaas sheekh xaqiiqdii si weyn ayaan uga faa’iday”.

    In kasta oo laga yaabo in ay jiraan dumar kale oo sida Maryam oo kale ah oo bixiya casharro tafsiir ah , haddana qalin jabintan ayaa lagu tilmaami karaa tii ugu weyneyd ee arday intaasi la eg ay ka qalin jabiso.

    Waxa ay sheegtay in ay xiriir wanaagsan la leedahay culimada kale ee ragga ah ee Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin macalimiintii iyada wax soo bartay ayna mararka qaarkood muxaadarooyin ka bixiyaan Markaska Beytul Macmuur.

    Mar ay ka jawaabeeysay in laga yaabo in barashada Tafsiirka ay gaarsiiso dhanka ragga waxa ay sheegtay in culimada kale ee ragga ah ay ku filanyihiin wax baridda ragga. “ Waxa aan jecelahay in aan xoogga saaro xagga dumarka oo aan soo saaro gabdho tafsiirka dib u bixin kara” ayeey tiri Maryam.

    tafsiir

    XIGASHADA SAWIRKA,UMAH MEDIA

    yaa ka caawiyay dhanka dhaqaalaha

    Xagga dhaqaalaha ma jirin cid gacan ka siisay Markaska marka laga reebo in ay ardayda iyo macalimiintu ay isku tashadaan iyo in mararka qaar ay dad kheyrka jecel oo muxsiniin ah ay ka codsadaan in ay soo caawiyaan oo macaliimnta mushaarkooda ka bixiyaan ayeey sheegtay

    Waxa ay sheegtay Maryam in mararka qaar ay dhanka dhaqaalaha culeys kala kulmaan maadaama Markasku uu leeyahay laamo kale oo ka farcamay oo macalimiin ay wax ak dhigaan , wax dhaqaalle ahna aanay u hayn. Waxa ay sheegtay in ay yihiin urur dumar ahoo lagu magacaabo Umu Salama oo ilaa guddi ahaana ka kooban 10 dumar ah oo howshan isla waddo, waxa ay sheegtay in ay ku tala jirto in ay ballaariyaan markaska oo ay magaalooyin kale ka furaan hadii ay awooddu u saamaxdo.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

    May 11, 2025

    Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka Shiraya Maalgelinta Howlgalka AUSSOM

    May 11, 2025

    DEG DEG Maryan Xuseen, ayaa dabaq dheer iska soo tuurtay keddib

    May 11, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

    May 11, 2025

    Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka Shiraya Maalgelinta Howlgalka AUSSOM

    May 11, 2025

    DEG DEG Maryan Xuseen, ayaa dabaq dheer iska soo tuurtay keddib

    May 11, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.