Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025

    DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

    May 20, 2025

    DEG DEG MW Xasan” Wasiir Roobow lacag ayuu dhacay, hebel iyo hebel ayuu u dhiibtay Wasaarada

    May 20, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

      May 20, 2025

      DEG DEG MW Xasan” Wasiir Roobow lacag ayuu dhacay, hebel iyo hebel ayuu u dhiibtay Wasaarada

      May 20, 2025

      Faah”Fahinta Dagaal Culus oo Socda iyo

      May 20, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

      May 20, 2025

      DEG DEG MW Xasan” Wasiir Roobow lacag ayuu dhacay, hebel iyo hebel ayuu u dhiibtay Wasaarada

      May 20, 2025

      Faah”Fahinta Dagaal Culus oo Socda iyo

      May 20, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sida wiil 10 jir ah ugu dhintay gudniin lagu sameeyay iyo halista cirbadda kabuubyada ee la isku duro

    Sida wiil 10 jir ah ugu dhintay gudniin lagu sameeyay iyo halista cirbadda kabuubyada ee la isku duro

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 27, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dhulka ay Soomaalida degto waxaa iska caadi ah gudniinka ragga oo meelo kala duwan lagu sameeyo.

    Waxaa muddooyiinkii hore loo sameyn jiray qaab dhaqameed , balse hadda meelo badan oo deegaanada Soomaalida iyo caalamkaba ah waxaa wiilasha lagu gudaa isbataalada.

    Qaar ka mid ah isbataalada ayaa waxay gudniinka wiilasha ka hor ay ku mudaa irbadda suuxinta si aysan xanuun u dareemin.

    ‘Wiil 10 sano jir ah ayaa ku dhintay ka dib markii lagu sameeyay gudniin isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Dhaka ee caasimadda Bangladesh.

    Wiilkan ayaa magaciisa lagu sheegay Ahnaf Tahmeed, waxaana loo qaaday isbitaalka si loogu gudo habeenkii talaadada. Laakiin qoyska ayaa ku eedeeyay maamulka isbitaalka in ay ku dureen ‘irbad qofka lagu suuxiyo marka la qalayo ‘ iyaga oo aan wax fasax ah ka haysan qoyska.

    FAKHRUL ALAM

    XIGASHADA SAWIRKA,FAKHRUL ALAM

    Bil iyo bar ka hor dalka Bangaladesh, wiil kale oo lagu magacaabi jiray Ayaan Axmed waxa uu ku dhintay isagoo gudniin ku jira, waxaana sidoo kale arrintan cabasho ka muujiyay qoyska wiilkaasi.

    Circumcision has been performed without anesthesia in Bangladesh for decades. But in recent times the practice of surgical circumcision by doctors has increased.

    Dalka Bangladesh muddo tobanaan sano ah ayaa gudniinka lagu sameeyn jiray iyada oo aan la suuxin. Laakiin muddooyiinkii u dambeyay waxaa sii kordhayay dhaqanka gudniinka qalliinka ee dhakhaatiirta ay sameeyaan.

    Suuxinta muhiim ma tahay xilliga gudniinka? mase tahay khatar?

    Shah Alam oo ah Dhakhtarkii hore oo ku taqasusay irbadda suuxinta iyo qaabka ay u shaqeyso ayaa waxaa uu yiri, “Suuxinta ayaa loo baahan yahay marka qofka la gudayo laakiin waa haddii si sax ah oo badqab leh . Laakiin waxa ugu muhiimsan waa in la go’aamiyo daawooyiinka suuxinta ee loo isticmaalo kiiskan oo kale. “

    Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii suuxinta la siiyo waqti qaldan iyada oo aan loo baahnayn baaritaan jireed ay dhici karto in nafta bukaanka ay halis gasho.

    Faruk iyo wiilkiisa

    XIGASHADA SAWIRKA,FAKHRUL ALAM

    Maxay ka yiraahdeen qoyskiisa?

    Abaaro 10-kii habeenimo ayaa loo sheegay in xaalada wiilkooda ay kasii dareyso.

    Intaa ka dib, waxaa la sheegay in ilmaha uu u baahan yahay in si degdeg ah loo geeyo isbataal kale oo uu galo ICU-da.

    Qoysku ayaa waxay la xiriireen cisbitaal gaar loo leeyahay oo u dhow si ay ilmaha u geeyaan ICU. Ambalaasta ayaa timid 10:30 PM laakiin markaas Tahmeed waxaa uu ahaa meyd.

    Fakhrul Alam waxa uu ku andacoodey in wiilkiisa la siiyey ‘irbad suuxdin ah oo dhamaystiran ama jirkiisa oo dhan la suuxiyay’ fasax la’aan.

    Waxa uu yiri, “Maalmo ka hor waxa aan maqlay in ilmo u dhintay ‘isaga oo miyir daboolan’, sababtaas darteed markii aan wiilkayga geeyay isbitaalka, waxa aan ka codsaday dhakhaatiirta in aanay wiilkayga aysan suuxin jirkiisa oo dhan, dhegna uma ay dhigin. wiilkayga wuu dhintay.”

    Dhacdadan ka dib, xubnaha qoyska wiilka ayaa habeennimadii Talaadada kiis geeyay saldhigga booliska ee Hathir Jeel, kaas oo la diiwaangeliyay magacyada mulkiilaha isbitaalka iyo dhakhtarka qalay.

    Fakhrul Alam ayaa yiri “Waxaan rabaa in wiilkayga cadaalad loo helo, dambiilayaasha waa in ciqaab adag la mariyaa si aysan mar kale u soo laaban dhacdooyiinka noocaan oo kale ah”.

    Ahnaf Tahmeed waxa uu dhiganayay heerka fasalka afaraad ee dugsiga Dhaka’s Moti Zeel Ideal School.

    Ahnaf qoyskiisu waxa ay horey ugu noolaayeen dalka Danmark, islamarka wiila halkaasi ayu ku dhashay. Fakhrul Alam, oo markii dambe ahaa ganacsade, ayaa ku laabtay Bangladesh sannadkii 2017 isaga iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa.

    FAKHRUL ALAM

    XIGASHADA SAWIRKA,FAKHRUL ALAM

    Goorma ayay irbadda suuxintu halis noqon kartaa?

    Waxaa jirtay in waagii hore qalliin la sameyn jiray iyada oo aan qofka la suuxin, balse hadda wax badan ayaa is beddelay.

    Daawooyinka casriga ah, dhakhaatiirtu waxay bukaanada ku duraan irbadda suuxdinta ka hor nooc kasta oo qalliin fudud oo lagu sameeyo jirka bini’aadamka.

    Suuxdintu waxay kabuubisa jirka ama meelaha ku xeeran goobta qallinka lagu sameynayo , markaa bukaanka ma dareemayo xanuun.

    Shah Alam, oo horey u ahaan jiray dhaqtar irbadda suuxdinta ku taqasusay ah oo ka tirsan Kuliyadda Caafimaadka iyo Isbitaalka Dhaka, ayaa BBC u sheegay, “Waxaa jira noocyo badan oo suuxdin ah, tusaale ahaan, haddii qaliin fudud lagu sameeyo qayb gaar ah oo jirka ah, isla qeybta ayaa la kabuubyaa ama la suuxiyaa.” Tan waxaa lagu magacaabaa suuxinta gudaha.”

    Laakiin marka qalliin weyn la sameynayo, bukaanka jirkiisa oo dhan waa la suuxiyaa, xaaladdan, bukaanku wuxuu galaa hurdo qoto dheer wuxuuna soo toosaa mar kale muddo cayiman ka dib.

    “Ka hor inta aysan qof suuxin, waa inay sameeyaan baaritaanno badan, oo ay ku jiraan dhiiggiisa, garaaca wadnaha, iyo waxa la midka ah,” ayuu yiri Shah Alam.

    Waxaa uu intaa ku daray in baaritaanada ay dhakhtarka ak caawineyso fahamka nooca suuxinta ee bukaanka u baahan yahay.

    Dr Shah Alam wuxuu ku talinayaa in suuxinta aan la isticmaalin dadka ay hayso qandhada, hargabka, qufaca, neefsashada oo ku adkaata, xanuunada laabta ama cudurrada wadnaha.

    Waxa uu sheegay in suuxinta aysan wanaagsaneyn dadka xanuunadan qaba, isla markaana qaliin lagu sameyn karo ka dib marka la daweeyo cudurka ama la xakameeyo iyada oo lala tashanayo dhakhtar ku takhasusay.

    Gudniinka ragga ayaa waxaa laga sameeyaa meelo badan oo caalamka, dadka qaar waxay u sameeyaan sababo dhanka diinta, halka kuwa kale ay caado dhaqameed ka tahay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025

    DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

    May 20, 2025

    DEG DEG MW Xasan” Wasiir Roobow lacag ayuu dhacay, hebel iyo hebel ayuu u dhiibtay Wasaarada

    May 20, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025

    DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

    May 20, 2025

    DEG DEG MW Xasan” Wasiir Roobow lacag ayuu dhacay, hebel iyo hebel ayuu u dhiibtay Wasaarada

    May 20, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.