Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sida wiil 10 jir ah ugu dhintay gudniin lagu sameeyay iyo halista cirbadda kabuubyada ee la isku duro

    Sida wiil 10 jir ah ugu dhintay gudniin lagu sameeyay iyo halista cirbadda kabuubyada ee la isku duro

    By radiohalgan.comFebruary 27, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dhulka ay Soomaalida degto waxaa iska caadi ah gudniinka ragga oo meelo kala duwan lagu sameeyo.

    Waxaa muddooyiinkii hore loo sameyn jiray qaab dhaqameed , balse hadda meelo badan oo deegaanada Soomaalida iyo caalamkaba ah waxaa wiilasha lagu gudaa isbataalada.

    Qaar ka mid ah isbataalada ayaa waxay gudniinka wiilasha ka hor ay ku mudaa irbadda suuxinta si aysan xanuun u dareemin.

    ‘Wiil 10 sano jir ah ayaa ku dhintay ka dib markii lagu sameeyay gudniin isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Dhaka ee caasimadda Bangladesh.

    Wiilkan ayaa magaciisa lagu sheegay Ahnaf Tahmeed, waxaana loo qaaday isbitaalka si loogu gudo habeenkii talaadada. Laakiin qoyska ayaa ku eedeeyay maamulka isbitaalka in ay ku dureen ‘irbad qofka lagu suuxiyo marka la qalayo ‘ iyaga oo aan wax fasax ah ka haysan qoyska.

    FAKHRUL ALAM

    XIGASHADA SAWIRKA,FAKHRUL ALAM

    Bil iyo bar ka hor dalka Bangaladesh, wiil kale oo lagu magacaabi jiray Ayaan Axmed waxa uu ku dhintay isagoo gudniin ku jira, waxaana sidoo kale arrintan cabasho ka muujiyay qoyska wiilkaasi.

    Circumcision has been performed without anesthesia in Bangladesh for decades. But in recent times the practice of surgical circumcision by doctors has increased.

    Dalka Bangladesh muddo tobanaan sano ah ayaa gudniinka lagu sameeyn jiray iyada oo aan la suuxin. Laakiin muddooyiinkii u dambeyay waxaa sii kordhayay dhaqanka gudniinka qalliinka ee dhakhaatiirta ay sameeyaan.

    Suuxinta muhiim ma tahay xilliga gudniinka? mase tahay khatar?

    Shah Alam oo ah Dhakhtarkii hore oo ku taqasusay irbadda suuxinta iyo qaabka ay u shaqeyso ayaa waxaa uu yiri, “Suuxinta ayaa loo baahan yahay marka qofka la gudayo laakiin waa haddii si sax ah oo badqab leh . Laakiin waxa ugu muhiimsan waa in la go’aamiyo daawooyiinka suuxinta ee loo isticmaalo kiiskan oo kale. “

    Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii suuxinta la siiyo waqti qaldan iyada oo aan loo baahnayn baaritaan jireed ay dhici karto in nafta bukaanka ay halis gasho.

    Faruk iyo wiilkiisa

    XIGASHADA SAWIRKA,FAKHRUL ALAM

    Maxay ka yiraahdeen qoyskiisa?

    Abaaro 10-kii habeenimo ayaa loo sheegay in xaalada wiilkooda ay kasii dareyso.

    Intaa ka dib, waxaa la sheegay in ilmaha uu u baahan yahay in si degdeg ah loo geeyo isbataal kale oo uu galo ICU-da.

    Qoysku ayaa waxay la xiriireen cisbitaal gaar loo leeyahay oo u dhow si ay ilmaha u geeyaan ICU. Ambalaasta ayaa timid 10:30 PM laakiin markaas Tahmeed waxaa uu ahaa meyd.

    Fakhrul Alam waxa uu ku andacoodey in wiilkiisa la siiyey ‘irbad suuxdin ah oo dhamaystiran ama jirkiisa oo dhan la suuxiyay’ fasax la’aan.

    Waxa uu yiri, β€œMaalmo ka hor waxa aan maqlay in ilmo u dhintay β€˜isaga oo miyir daboolan’, sababtaas darteed markii aan wiilkayga geeyay isbitaalka, waxa aan ka codsaday dhakhaatiirta in aanay wiilkayga aysan suuxin jirkiisa oo dhan, dhegna uma ay dhigin. wiilkayga wuu dhintay.”

    Dhacdadan ka dib, xubnaha qoyska wiilka ayaa habeennimadii Talaadada kiis geeyay saldhigga booliska ee Hathir Jeel, kaas oo la diiwaangeliyay magacyada mulkiilaha isbitaalka iyo dhakhtarka qalay.

    Fakhrul Alam ayaa yiri β€œWaxaan rabaa in wiilkayga cadaalad loo helo, dambiilayaasha waa in ciqaab adag la mariyaa si aysan mar kale u soo laaban dhacdooyiinka noocaan oo kale ah”.

    Ahnaf Tahmeed waxa uu dhiganayay heerka fasalka afaraad ee dugsiga Dhaka’s Moti Zeel Ideal School.

    Ahnaf qoyskiisu waxa ay horey ugu noolaayeen dalka Danmark, islamarka wiila halkaasi ayu ku dhashay. Fakhrul Alam, oo markii dambe ahaa ganacsade, ayaa ku laabtay Bangladesh sannadkii 2017 isaga iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa.

    FAKHRUL ALAM

    XIGASHADA SAWIRKA,FAKHRUL ALAM

    Goorma ayay irbadda suuxintu halis noqon kartaa?

    Waxaa jirtay in waagii hore qalliin la sameyn jiray iyada oo aan qofka la suuxin, balse hadda wax badan ayaa is beddelay.

    Daawooyinka casriga ah, dhakhaatiirtu waxay bukaanada ku duraan irbadda suuxdinta ka hor nooc kasta oo qalliin fudud oo lagu sameeyo jirka bini’aadamka.

    Suuxdintu waxay kabuubisa jirka ama meelaha ku xeeran goobta qallinka lagu sameynayo , markaa bukaanka ma dareemayo xanuun.

    Shah Alam, oo horey u ahaan jiray dhaqtar irbadda suuxdinta ku taqasusay ah oo ka tirsan Kuliyadda Caafimaadka iyo Isbitaalka Dhaka, ayaa BBC u sheegay, “Waxaa jira noocyo badan oo suuxdin ah, tusaale ahaan, haddii qaliin fudud lagu sameeyo qayb gaar ah oo jirka ah, isla qeybta ayaa la kabuubyaa ama la suuxiyaa.” Tan waxaa lagu magacaabaa suuxinta gudaha.”

    Laakiin marka qalliin weyn la sameynayo, bukaanka jirkiisa oo dhan waa la suuxiyaa, xaaladdan, bukaanku wuxuu galaa hurdo qoto dheer wuxuuna soo toosaa mar kale muddo cayiman ka dib.

    “Ka hor inta aysan qof suuxin, waa inay sameeyaan baaritaanno badan, oo ay ku jiraan dhiiggiisa, garaaca wadnaha, iyo waxa la midka ah,” ayuu yiri Shah Alam.

    Waxaa uu intaa ku daray in baaritaanada ay dhakhtarka ak caawineyso fahamka nooca suuxinta ee bukaanka u baahan yahay.

    Dr Shah Alam wuxuu ku talinayaa in suuxinta aan la isticmaalin dadka ay hayso qandhada, hargabka, qufaca, neefsashada oo ku adkaata, xanuunada laabta ama cudurrada wadnaha.

    Waxa uu sheegay in suuxinta aysan wanaagsaneyn dadka xanuunadan qaba, isla markaana qaliin lagu sameyn karo ka dib marka la daweeyo cudurka ama la xakameeyo iyada oo lala tashanayo dhakhtar ku takhasusay.

    Gudniinka ragga ayaa waxaa laga sameeyaa meelo badan oo caalamka, dadka qaar waxay u sameeyaan sababo dhanka diinta, halka kuwa kale ay caado dhaqameed ka tahay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.