Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sida NATO ay isugu diyaarineyso khatar ka iman karta Ruushka iyo dagaal Yurub ka dhex qarxi kara

    Sida NATO ay isugu diyaarineyso khatar ka iman karta Ruushka iyo dagaal Yurub ka dhex qarxi kara

    By radiohalgan.comMarch 13, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa jirtay waqti ay NATO sameyn jirtay in gebi ahaanba ay isaga fogaato magacaabista amaba in ay soo hadal qaaddo Ruushka marka ay ka faalloneyso arrimaha la xiriira ciidamada Ruushka.

    Sababta ayaa ahayd in laga fogaado in la abuuro daandaansi. Laakiin duullaankii buuxay ee Ruushku ku qaaday Ukraine ayaa gebi ahaanba taas beddelay.

    Hadda, howlgal waliba waxa uu dhacaa iyada oo maanka lagu hayo Moscow. Mid ka mid ah ujeedooyinka muhiimka ah ee howlgalka ee la sheegay waa in la joojiyo Ruushka.

    Waa dhoolatuskii ugu weynaa ee NATO ay sameyso tan iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa, waxaana ka qeyb qaadanaya 90,000 oo askari, waxaana uu ka dhacayaa dhanka bari ee Yurub bilaha soo socda.

    Difaaca joogtada ah ayaa sidoo kale ah tijaabadii ugu horreysay ee qorshayaasha cusub ee militariga NATO, oo loogu talagalay in lagu geeyo ciidamo iyo qalab xawaare iyo miisaan si ay u taageeraan xulafo kasta oo la weeraro. Waana xaqiijinta ujeeddada NATO: in weerar lagu qaado xubin ka mid ah ay dhalin doonto jawaab guud.

    Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu su’aal galiyo ujeeddada NATO, balse Mareykanka ayaa weli ah laf dhabarta.

    Eivor, oo 21 jir ah, cilmiga caafimaadkana ka baratay Norway, haddana ah askariyad, ayaa sheegtay in awoowgeed iyo reerkoodii ay ku qasbanaadeen inay isla gobolkan ka cararaan markii Naasiyiintu soo galeen dagaalkii labaad ee adduunka.

     

    Eivor
    Qoraalka sawirka,Eivor

    “Waxaan doorbidayaa inaan halkan joogo oo aan dagaalamo,” ayey tiri. Ma filayo in Ruushku ku soo duulo “laakiin dabcan mar walba waa inaad feejignaataa.”

    Waa dhoolatuskii ugu horeeyay ee ugu weyn ee NATO ay ka qeyb qaataan ciidamada Sweden iyo Finland iyagoo xubin buuxda ka ah.

    Waxaa jirta xamaasad laga dheehan karo ciidamadeeda ka mid noqoshada mid ka mid ah xulafada militari ee ugu weyn dunida.

    Intii lagu guda jiray is diyaarinta, aragtiyo ayaa laga bixiyay howlgalkan, qof ayaa yiri “Ruushka wuxuu ka cabsanayaa NATO.” Saaxiib Swedish ah ayaa sheegay in uu dareemayo “ammaan aad u sarreeya” hadda markii waddankiisu ku biiray isbahaysiga.

    Siyaasiyiinta ayaa iyaguna qaba dareen midkaas lamid ah.

    Wasiirrada difaaca ee Sweden, Finland iyo Norway ayaa u dabaaldegay midnimadooda cusub ee Waqooyiga Yurub iyagoo daawanayay qeyb ka mid ah dhoolatuska xilli ay ku sugnaayeen soohdin calaamad u ah ciidamada Finland oo soo galay Norway si ay isaga caabiyaan soo duulayaasha khiyaaliga ah.

    Sweden Finland iyo Norway
    Qoraalka sawirka,Wasiirrada

    Mid kasta oo iyaga kamid ah ayaa dhoolla cadeynayay xilli ay sawirro ku galeen gantaal agtiisa.

    Wasiirka difaaca ee Sweden PΓ₯l Jonson ayaan wax dhib ah ka qabin in uu milix ku masaxo nabarrada uu Ruushku isu gaystay. Wuxuu ku tilmaamay ku biirista NATO ee Sweden iyo Finland inay tahay “hooyada dhammaan cawaaqibka lama filaanka ah” ee Moscow.

    Waxa uu xusay in Ruushku uu si ba’an isugu dayay in uu ka hortago ku biiritaanka labadaas dal ee NATO balse uu ku guul darreystay.

    Si kastaba ha ahaatee, runtu waxay tahay in xubinnimada Finland ay sidoo kale keentay in NATO ay aad ugu dhawaato Ruushka, kaas oo la wadaaga xuduud ku dhow 1,300 kiiloomitir taas oo xulafadu ay hadda sidoo kale difaaci doonaan.

    Intee in le’eg ayay khatartu run tahay?

    Qofna ma caddeyn karo in Ruushku yahay khatar soo fool leh, maadaama ciidamadeedu ay hadda ku howlanyihiin Ukraine. Laakiin waxaa jira fikrad ah in, mustaqbalka fog, Ruushku sidoo kale bartilmaameedsan karo waddan katirsan NATO.

    Mid ka mid ah taliyayaasha sare ee ciidamada Sweden ayaan wax shaki ah ka qabin in hamiga Moscow uu dhaafo Ukraine.

    NATO
    Qoraalka sawirka,NATO

    Lt. Gen. Carl-Johan Edstrom ayaa sheegay yiri, “Waan hubaa in Ruushka uu khatar yahay, taasi waa sax, waxaana loo baahan yahay in aan sii xoogaysanno 5-ta ilaa 10-ka sano ee soo socota.”

    NATO, ayuu yiri, waa in ay fursadaas u adeegsadaan xoojinta ciidamadooda qalabka sida.

    Dhowr madax ah oo kale oo ka tirsan militariga Yurub iyo siyaasiyiin ayaa sidoo kale ka digay suurtagalnimada in Ruushka uu weeraro xulafada NATO tobanka sano ee soo socda .

    Wadamada Waqooyiga Yurub, waxay u muuqdaan inay leeyihiin dareen khatar ah. Taasi waxay ka timaadaa ku noolaanshaha u dhawaansho ee Ruushka.

    Waa kuwa kor u qaadaya maalgashiga difaaca si ka dhakhso badan kuwa kale.

    Waddamadan Waqooyiga Yurub, difaacu sidoo kale wuxuu ku lug leeyahay dadweynaha, waana wax aan ka dhicin qaybaha kale ee Yurub. Dhammaantood waxay leeyihiin nooc ka mid ah adeegga milatariga, taasoo la micno ah dhammaan jiilalka waxay leeyihiin khibrad ciidan qaar badanna waxay sii wadaan inay u adeegaan kaydka.

    NATO
    Qoraalka sawirka,NATO

    Laakiin qof kasta oo NATO ku jira maaha mid si weyn u diyaarsan. Meelo kale oo Yurub ah, oo ay kamid tahay Boqortooyada Ingiriiska, ciidamada ayaa dhibaato kala kulmaya qorista.

    Ciidamada xirfadda leh ee ka qeyb qaadanaya dhoolatusyadaan ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan maleeshiyaadka gudaha dalka Norway, kuwaasi oo u badan askar waqti dhiman ah.

    Josefine, oo ah macalimad 21 jir ah oo ka tirsan dugsiga barbaarinta, ayaa tiri “waxaan haysanaa dad badan oo khibrad ciidan leh, taasina waxay i dareensiisay ammaan, sababtoo ah meel kasta ayaan joognaa.”

    Dhankeeda, Elisabeth, oo ah kalkaaliye caafimaad oo 20 jir ah, ayaa faallo ka bixisay “waa muhiim in la helo dad runtii doonaya inay Norway difaacaan, si aan dhammaanteen u dareenno badbaado.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.