Markii nin muuqaal duube ah lagu war geliyay in uu soo duubo habka gorillaha loogu soo bandhigo bini’aadamka ku sugan kaymaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxaa arrintaasi ka biyo diiday gorillaha noociisa labka ah.
Inkasta oo ay argagax ku noqotay, Vianet Djenguet, haddana waxa uu ogaaday in xayawaankan oo miisaankiisu uu yahay ku dhawaad 254 kg uusan wax dhibaato ah isaga u geysan doonin.
Qof kasta oo doonaya inuu helo kalsoonidiisa, waa inuu ixtiraam u muujiyaa.
Waxaa ii muuqatay hanjabaad u dhiganta, “halkan waa gurigeenna ee dib uga noqo, waxaan ku qasbanaaday in aan is dejiyo oo aan hadalka qaato” ayuu yiri, muuqaal duube Mr Djenguet.
Markii dambe xayawaanku waxa uu kor u soo qaaday lugtiisa isaga oo saaray Djenguet.
“Waxaan dareemay xoogga iyo awooddiisa ,” ayuu yiri “Si degdeg ah ayaan cagahayga uga saaray oo gebi ahaanba waan baxay.”
Djenguet waxaa lagu casumay in uu la kulmo Mpungwe oo ah ninka fududeeya soo booqashada gorillahan.
Habka oo loo yaqaan caadada la qabsiga xayawaannada, waxay qaadan kartaa inta u dhaxaysa labo ilaa toban sano waxayna ku lug leedahay la socoshada guud ahaan kaynta oo ah ilaa 6,000 kiiloomitir oo laba jibaaran.
Xilligii halista
Mpungwe iyo qoyskiisu waxay ku dhex nool yihiin kaymaha gorillah jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo, hadafkooduna waa in laga baaqso dabar go’.
Dalxiisayaashu waxay awoodaan inay booqdaan qoyska, iyagoo bixinaya lacag si ay uga caawiyaan ilaalinta gorillaha iyo deegaankaba.
Mpungwe waxa uu ku soo koray qoys caadeystay la dhaqanka gorillaha, balse 1996-dii waxa uu noqday agoon. Qoyskiisu waxay ku dhinteen dagaalladii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay.
Keligiis ayuu keynta dhex wareegayay, ayuu yiri madaxa hagaha beerta, Papa Lambert Mongane. Muddo kadib, wuxuu la kulmay qoysas kale oo duurjoog ah, ilaa uu ugu dambeyntii sameeyay qoyska uu maanta haysto.
Laakiin Mpungwe, oo hadda 35 jir ah, wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo wax kasta si uu u hubiyo badbaadada kooxdiisa gorilleyaasha ah ee gaaraya 23-ka.
Vianet Djenguet ayaa lagu martiqaaday in uu duubo habka caadooyinka ee gorillaha muddo saddex bilood ah si dukumeenti ay leedahay BBC-da looga sameeyo.
Waxa uu ku qasbanaaday in uu ku dhex lugeeyo kaynta maalin kasta, isaga oo wata kamarad 50kg ah.
Waxay “maskax ahaan sawiraan wajigaaga si ay u xasuustaan sax ahaanshaha qofka aad tahay.”
Si loo tuso gorillaha inuu doonayo inuu kasbado kalsoonidooda, Mr Djenguet wuxuu sharxayaa inuu ku qasbanaaday inuu u dhaqmo sida ilaaliyeyaasha oo kale, isagoo ku dayanaya dhaqdhaqaaqyadooda iyo u fiirsashada habka ay u isticmaaleen gacmahooda.
Gorillaha dheddigga ah waxay u daryeelaan carruurta si la mid ah sida hooyada bani’aadamka ah, ayuu yiri Mr Djenguet.
Waxa uu arkay ilmo yar oo gorilla ah oo xanaaqsan, halka hooyadii ay hubinaysay in ilmaheeda uu caadi yahay, si la mid ah sida ay dadku sameeyaan.
Gorillaha dheddig ayaa afartii ilaa lixdii sanaba mar umusha, ayuu yiri Mr Djenguet.
Dagaallo isdaba joog ah oo socday intii u dhaxaysay 1996-kii iyo 2003-dii ayaa si xun u saameeyay nolosha gorillaha ee dalkaas.
Muddadaas xasillooni darrada siyaasadeed, gorille badan ayaa la dilay oo loo cunay sidii hilibka xoolaha caadiga ah.
Kaliya 170 ayaa hartay
Intaa waxaa dheer in ay weli jirto khatar ku wajahan gorillaha.
Dagaallada ka hor, beerta qaranku waxay lahayd 630 gorille, laakin waxaa lagu qiyaasay in 170 kaliya ay soo hareen, kuwaas oo loo qaybiyay 13 qoys.
Nolosha Gorillaha waxaa sidoo kale saameeyay xaalufinta bini’aadamka, ayuu yiri Papa John Kahekwa, oo ah aasaasaha hay’adda Pole Pole Foundation, oo ah urur bulsho oo ka shaqeeya ilaalinta xayawaanka.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo waxay lumisay 490,000 hektar oo kaymo roobaad ah sanadkii 2020-kii, sida ay sheegtay Global Forest Watch.
Markii uu daba socday qoyska Mpungwe, muuqaal duube, Djenguet waxa uu sheegay in uu dareemayo in joogitaanka bini’aadamka ay mararka qaarkood ka dhigayso xayawaanka mid walaacsan.
Waxa uu sheegay haddii ay jirto lacag ku filan ilaalinta, gorillaha aysan jiri lahayn dad badan oo soo arka.
Sida laga soo xigtay Kahekwa, marka bulshooyinka maxalliga ahi ay dakhli helaan, waxay ka ilaaliyaan dadka kale inay waxyeello u geystaan gorillaha iyo deegaankoodaba.
Laga soo bilaabo bartamihii 1980-meeyadii ilaa horraantii 1990-meeyadii, 7,000 oo dalxiisayaal ah ayaa sanadkii booqan jiray beerta qaranka, ayuu yiri Kahekwa.
Tan iyo dagaalladii sokeeye, qiyaastii 150 ayaa yimaada bishii.
Xaalada amni ee inta badan bariga DRC, oo ah halka ugu badan ee gorilluhu ku nool yihiin, ayaa weli ah mid aan degganayn.
Markii Djenguet uu dhammeeyay saddexdii bilood ee uu duubayay gorillayaasha isagoo si tartiib tartiib ah ula qabsanayay maalin kasta , waxa uu sheegay in uu dareemayay in Mpungwe iyo qoyskiisu ay “ku tilmaameen” isaga, nin cashar badan qaatay.
“Waxay ugu dambeyn ii oggolaadeen inaan u soo galo,” ayuu yiri.
Maalintii ugu dambeysay ee duubista muuqaalka, Mpungwe ayaa istaagay oo xabadka kaga gacanta dhuftay Djenguet, isagoo aad moodo inuu macsalaameeyay.
BBC SOMALI ISHA WARAR