Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sida muuqaal duubahan uu u mareeyay in ay is fahmaan gorillaha ka dib dagaal adag

    Sida muuqaal duubahan uu u mareeyay in ay is fahmaan gorillaha ka dib dagaal adag

    By radiohalgan.comJanuary 13, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Markii nin muuqaal duube ah lagu war geliyay in uu soo duubo habka gorillaha loogu soo bandhigo bini’aadamka ku sugan kaymaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxaa arrintaasi ka biyo diiday gorillaha noociisa labka ah.

    Inkasta oo ay argagax ku noqotay, Vianet Djenguet, haddana waxa uu ogaaday in xayawaankan oo miisaankiisu uu yahay ku dhawaad 254 kg uusan wax dhibaato ah isaga u geysan doonin.

    Qof kasta oo doonaya inuu helo kalsoonidiisa, waa inuu ixtiraam u muujiyaa.

    Waxaa ii muuqatay hanjabaad u dhiganta, β€œhalkan waa gurigeenna ee dib uga noqo, waxaan ku qasbanaaday in aan is dejiyo oo aan hadalka qaato” ayuu yiri, muuqaal duube Mr Djenguet.

    Markii dambe xayawaanku waxa uu kor u soo qaaday lugtiisa isaga oo saaray Djenguet.

    “Waxaan dareemay xoogga iyo awooddiisa ,” ayuu yiri “Si degdeg ah ayaan cagahayga uga saaray oo gebi ahaanba waan baxay.”

    Djenguet waxaa lagu casumay in uu la kulmo Mpungwe oo ah ninka fududeeya soo booqashada gorillahan.

    Habka oo loo yaqaan caadada la qabsiga xayawaannada, waxay qaadan kartaa inta u dhaxaysa labo ilaa toban sano waxayna ku lug leedahay la socoshada guud ahaan kaynta oo ah ilaa 6,000 kiiloomitir oo laba jibaaran.

    Xilligii halista

    Mpungwe iyo qoyskiisu waxay ku dhex nool yihiin kaymaha gorillah jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo, hadafkooduna waa in laga baaqso dabar go’.

    Dalxiisayaashu waxay awoodaan inay booqdaan qoyska, iyagoo bixinaya lacag si ay uga caawiyaan ilaalinta gorillaha iyo deegaankaba.

    Mpungwe waxa uu ku soo koray qoys caadeystay la dhaqanka gorillaha, balse 1996-dii waxa uu noqday agoon. Qoyskiisu waxay ku dhinteen dagaalladii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay.

    Keligiis ayuu keynta dhex wareegayay, ayuu yiri madaxa hagaha beerta, Papa Lambert Mongane. Muddo kadib, wuxuu la kulmay qoysas kale oo duurjoog ah, ilaa uu ugu dambeyntii sameeyay qoyska uu maanta haysto.

    Laakiin Mpungwe, oo hadda 35 jir ah, wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo wax kasta si uu u hubiyo badbaadada kooxdiisa gorilleyaasha ah ee gaaraya 23-ka.

    Vianet Djenguet ayaa lagu martiqaaday in uu duubo habka caadooyinka ee gorillaha muddo saddex bilood ah si dukumeenti ay leedahay BBC-da looga sameeyo.

    Waxa uu ku qasbanaaday in uu ku dhex lugeeyo kaynta maalin kasta, isaga oo wata kamarad 50kg ah.

    Waxay “maskax ahaan sawiraan wajigaaga si ay u xasuustaan sax ahaanshaha qofka aad tahay.”

    Si loo tuso gorillaha inuu doonayo inuu kasbado kalsoonidooda, Mr Djenguet wuxuu sharxayaa inuu ku qasbanaaday inuu u dhaqmo sida ilaaliyeyaasha oo kale, isagoo ku dayanaya dhaqdhaqaaqyadooda iyo u fiirsashada habka ay u isticmaaleen gacmahooda.

    Gorillaha dheddigga ah waxay u daryeelaan carruurta si la mid ah sida hooyada bani’aadamka ah, ayuu yiri Mr Djenguet.

    Waxa uu arkay ilmo yar oo gorilla ah oo xanaaqsan, halka hooyadii ay hubinaysay in ilmaheeda uu caadi yahay, si la mid ah sida ay dadku sameeyaan.

    Gorillaha dheddig ayaa afartii ilaa lixdii sanaba mar umusha, ayuu yiri Mr Djenguet.

    Dagaallo isdaba joog ah oo socday intii u dhaxaysay 1996-kii iyo 2003-dii ayaa si xun u saameeyay nolosha gorillaha ee dalkaas.

    Muddadaas xasillooni darrada siyaasadeed, gorille badan ayaa la dilay oo loo cunay sidii hilibka xoolaha caadiga ah.

    Kaliya 170 ayaa hartay

    Intaa waxaa dheer in ay weli jirto khatar ku wajahan gorillaha.

    Dagaallada ka hor, beerta qaranku waxay lahayd 630 gorille, laakin waxaa lagu qiyaasay in 170 kaliya ay soo hareen, kuwaas oo loo qaybiyay 13 qoys.

    Nolosha Gorillaha waxaa sidoo kale saameeyay xaalufinta bini’aadamka, ayuu yiri Papa John Kahekwa, oo ah aasaasaha hay’adda Pole Pole Foundation, oo ah urur bulsho oo ka shaqeeya ilaalinta xayawaanka.

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo waxay lumisay 490,000 hektar oo kaymo roobaad ah sanadkii 2020-kii, sida ay sheegtay Global Forest Watch.

    Markii uu daba socday qoyska Mpungwe, muuqaal duube, Djenguet waxa uu sheegay in uu dareemayo in joogitaanka bini’aadamka ay mararka qaarkood ka dhigayso xayawaanka mid walaacsan.

    Waxa uu sheegay haddii ay jirto lacag ku filan ilaalinta, gorillaha aysan jiri lahayn dad badan oo soo arka.

    Sida laga soo xigtay Kahekwa, marka bulshooyinka maxalliga ahi ay dakhli helaan, waxay ka ilaaliyaan dadka kale inay waxyeello u geystaan gorillaha iyo deegaankoodaba.

    Laga soo bilaabo bartamihii 1980-meeyadii ilaa horraantii 1990-meeyadii, 7,000 oo dalxiisayaal ah ayaa sanadkii booqan jiray beerta qaranka, ayuu yiri Kahekwa.

    Tan iyo dagaalladii sokeeye, qiyaastii 150 ayaa yimaada bishii.

    Xaalada amni ee inta badan bariga DRC, oo ah halka ugu badan ee gorilluhu ku nool yihiin, ayaa weli ah mid aan degganayn.

    Markii Djenguet uu dhammeeyay saddexdii bilood ee uu duubayay gorillayaasha isagoo si tartiib tartiib ah ula qabsanayay maalin kasta , waxa uu sheegay in uu dareemayay in Mpungwe iyo qoyskiisu ay β€œku tilmaameen” isaga, nin cashar badan qaatay.

    “Waxay ugu dambeyn ii oggolaadeen inaan u soo galo,” ayuu yiri.

    Maalintii ugu dambeysay ee duubista muuqaalka, Mpungwe ayaa istaagay oo xabadka kaga gacanta dhuftay Djenguet, isagoo aad moodo inuu macsalaameeyay.

    BBC SOMALI ISHA WARAR

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waxaa farxad iyo guul weyn ii ah in aan soo gabagabeeyo buuggii aan muddo dheer ku hawlanaa, kaas oo cinwaankiisu yahay Halgan

    January 25, 2026

    Sama fale Cabdicasiis Muudeey oo u dhaq-dhaqaaqa caawinta bulshada dan yarta ah ayaa weli wada caawinta iyo afurinta qoysaska danyarta ah ee beledweyne ku sugan. (SAWIRRO)

    March 19, 2024

    Sida khuuradu u dhibaateyn karto guurkaaga iyo xalka looga bogsan karo

    March 19, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.