Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sida masaajidkan kaniisadda ahaan jiray ee ay Soomaalidu maamusho uu ninkan ugu dagaallamayo in kaniisaddii lagu celiyo

    Sida masaajidkan kaniisadda ahaan jiray ee ay Soomaalidu maamusho uu ninkan ugu dagaallamayo in kaniisaddii lagu celiyo

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 31, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Marka ay noqoto qurbaha si gaar ah dalalka reer galbeedka waa wax inta badan bulshadu ay maqasho qof lagu tilmaamo cunsuri ayaa weerar qaaday oo dad dilay ama waxyeello kale geystay.

    Si gaar ah marka aynu dul istaagno waxaa jira weerarro dhowr ah oo lagu qaaday masaajid ay mas’uul ka yihiin culimo Soomaaliyeed kuwaas oo ku kala yaallay dalal kala duwan sida Yurub iyo Mareykanka.

    Mareykanka Masjid ku yaalla Minneapolis oo la yirhaado Al-xikma ayaa dhowr mar la wareeray iyada oo weerarka uu geystay hal nin oo nacayb lagu tuhmay.

    Ninka ayaa ilaa 2020-kii si isdaba jog ah u weerarayay masjidka hase yeeshee weerarkiisii ugu dambeeyay ayaa ahaa mid uu qof ku dili rabay sida ay laama amnigu sheegeen, iyada oo qofka uu weeraray uu kamid ahaa jamaacada masaajidka.

    Ninka oo la xiray ayaa lasoo taagay maxkamad si wejigii ugu horreeyay ee kiiskiisa loo dhageysto.

    Maxakamad ku taalla Gobolka Minesota ee dalka Mareykanka ayaa la soo taagay ninkan iyadoo la filayo in ugu dambeyn uu ciqaabta xukunkiisa maro.

    Mas’uuliyiinta masaajidka ayaa sheegay in ninkaan oo hadda xiran ay sababta weerarkiisa u maleynayaan in uu salka ku hayo Islaam nacayb iyo in uu doonayo in la burburiyo masaajidka si Meesha laga dhisay oo ahaan jirtay kaniisad dib loogusoo celiyo.

     

    Imaamka masaajidka oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Xasan Kaynaan ayaa BBC-da u sheegay halka aydacwaddiisu mareyso.

    “Msaajidkan nin ayaa in muddo ahba weerar ku hayay, dhibaatooyin ayuuna ka geystay, qorshihiisana waxan u aragnay in markii ugu dambeysay uu doonayay in uu qof dilo, hadda waxaa gacanta ku haya laamaha amniga hordhacana waa in hadda lasoo taagay maxkamad”, ayuu yiri Sheekh Cabdiraaq Kaynaan.

    Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan hadda aan lagusii dhex deyn doonin maadama lagu sheegay in bulshada uu khatar ku yahay.

    Mareykanka

    XIGASHADA SAWIRKA,IMAAM CABDIRISAAQ KAYNAAN

    Qoraalka sawirka,Masjid Al-xikma

    “Dembi oogaha ayaa codsaday in 250,000$ oo damaanad ah lagusii daayo iyo in uusan aagga masaajidka usoo dhawaan Karin lugtana looga xiro saacad sheegeysa dhaq-dhaqaaqiisa in lala socdo, laakiin xaakimkii ayaa dallacay damiinkiisa, waxana uu ka dhigay 300,000 oo aan damaanad lahayn iyo 250,000 damaanad leh, haddii uu iska bixiyana wuu soo bixi doonaa”, ayuu yiri Sheekh Kaynaan.

    Waxaa cad in ninkaan uu bulshada ku yahay khatar sida ay rumeysanyihiin dacwad oogaha iyo xaakimkaba sida uu sheegay Imaanmka masaajidka.

    Jamaacada masaajidka ayaa la sheegay in ay cabsi lasoo deristay, iyaga oo intooda badan ay weli soo xaadiraan xilliyada salaahada ee masaajidka.

    “Waxaa xaqiiqo ah in jamaacadi ay naftooda u baqeen, wuu jiraa is bedel laakiin dadku waa muslimiinta imaan leh, weli waa ay yimaadaan intooda badan waxana rajeyneynaa in ay sii wadaan” ayuu yiri imaamka.

    Meesha masaajidku uu ka dhisanyahay ayaa horraan ahayd kaniisad hase yeeshee goor dambe ayaa la burburiyay oo laga dhigay masaajid waana sababta uu imaamku masaajidku ugu badinayo in ninka weerarka geystay uu kamid ahaa dadkii ku xirnaa kaniisadda welina uu doonayo in loosoo celiyo.

    Mareykanka

    XIGASHADA SAWIRKA,IMAAM CABDIRISAAQ KAYNAAN

    “Sababta rasmiga ah ee ninkan uu weerarka usoo qaado ma hubno laakiin meesh uu masaajidku ka dhisanyahay waxa ay horay u ahayd kaniisad, waxaa laga yaabaa in uu kamid yahay dadkii ku xirnaa kaniisadda isla markaana doonaya in kaniisaddii lasoo celiyo ayuu yiri Sheekh Cabdirisaaq Xasan Keynaan oo ah imaamka masaajidka Al-xikma.

    Ma ahan markii ugu horreysay ee werarro canynkan ah ay ka dhacaan goobaha lagu cibaadeysto hase yeeshee kan ayaa uga duwan weerarradii hore in uu yahay mid ku kooban hal shaqsi isla markaana dhacay marar kala duwan.

    Maxkamadda ayaa haatan laga sugayaa xukunka ugu dambeeya ee ninkan iyadoo weli maxkamadeyntiisu ay socoto.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.