Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025

      Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

      September 9, 2025

      Puntland oo kahor timid go’aan kasoo baxay dowladda Federaalka

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sida mar kale xeebaha Soomaaliya looga soo qabtay rag looga shakisan yahay burcad-badeednimo

    Sida mar kale xeebaha Soomaaliya looga soo qabtay rag looga shakisan yahay burcad-badeednimo

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 12, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ciidamada badda Yurub ayaa lix qof oo burcad-badeednimo looga shakisan yahay xiray shalay kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal siday oo kasoo shiraacday Gacanka Cadmeed, sida ay saraakiishu sheegeen, tan oo laga yaabo inay qeyb ka tahay weerarrada burcad-badeednimo ee sii kordheysa ee ka imaanaya Soomaaliya.

    Weerarkan oo lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo uu ka babbanayay calanka Jasiiradaha Marshall ayaa kusoo aadaya iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerarayeen maraakiibta maraya Badda Cas iyo Marinka Bab el-Mandeb. Weerarrada ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiyada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

    Burcad-badeedda ayaa rasaas ku furay markabka iyagoo markaas saarnaa doon yar oo hub uu saarnaa, sida ay sheegtay xarunta Howlgallada Ganacsiga Marin-biyoodka UK, oo korjoogteysa marinnada markabka ee bariga. Burcad-badeedda ayaa sitay qoriga nooca Kalashnikov iyo bambooyin, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka sida gaarka loo leeyahay ee Ambrey.

     

    Burcad-badeedda ayaa markii hore rasaas ku furay Chrystal Arctic, kaasoo ciidamadiisa hubeysan ee saarnaa ay rasaas ugu jawaabeen, sida ay sheegtay UKMTO.

    Burcad-badeedda ayaa kadib joojiyay isku daygooda inay markabka la wareegaan, kaasoo safarkiisa sii watay iyadoo shaqaalihiisu ay bad qabaan, sida ay sheegtay UKMTO. Qiiq madow ayaa kasoo baxay doonta yar ee sidday burcad-badeedda, taasoo u muuqatay gubasho dhanka matoorka shidaalka ah, sida ay sheegtay Ambrey.

    Saacado kadib, ciidamada Midowga Yurub ee gobolka oo loo yaqaanno Operation Atalanta ayaa sheegay in wax ka mid ah oo gobolka ka howlgaleysay ay qabteen lix burcad-badeednimo looga shakisan yahay. Waaxda ayaa la wareegtay burcad-badeedda oo qaarkood dhaawac uu ku yaallay.

    Durba ma caddeyn haddii burcad-badeedda dhaawacan uu dhaawac kasoo gaaray is weydaarsiga rasaasta ee markabka Chrystal Arctic. Ciidamada badda EU ayaa diiday inay ka jawaabaan arrintaas sababo dhanka ammaanka ah.

    Ambrey ayaa ogaatay in markabkan Midowga Yurub laga leeyahay Talyaaniga.

    burcad badeed

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Afduubkii ugu horreeyay ee burcad badeedda ay fuliyaan tan iyo 2017 kadib ayaa dhacay bishii December ee la soo dhaafay, iyadoo Michael Howlett, oo ah agaasimaha Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha, uu xusay in ay arrintan tahay mid “walaac abuuri karta”.

    Intaasi wixii ka dambeeyay waxaa jiray warbixinno isdaba joog ah oo ku saabsan falal afduub ah oo ka dhacay biyaha Soomaaliya.

    Dabayaaqadii sanadkii tagay ayey dib u billowdeen weerarrada kooxaha burcad baddeeda Soomaalida ka dib markii ay rag hubaysan gacanta ku dhigeen doon ganacsi oo u rarnayd ganacsto Soomaalia.

    Wixii intaas ka danbeyey waxaa sii xoogaystay weerarada kooxda ay ku qaadayaan maraakiib ganacsi oo gooshaysa biyaha caalamigaa

    Ciidamada badda ee Hindiya ayaa laba jeer oo is xigta howlgal ciidan ku qaaday markab iyo doon ganacsi oo ay gacanta ku hayeen koox burcad baddeed Soomaali ah

    Bishii March, ciidamada badda ee Hindiya ayaa soo furtay markabka MV Ruen, oo muddo saddex bilood ka badan gacanta ugu jiray koox burcad baddeed Soomali ah.

    Howlgalkaasi oo ka dhacay meel 1400 NM u jirta xeebta badweynta Hindiya ayaa ciidamada Badda ee Hindiya ay gacanta ku dhigeen ilaa soddon iyo shan nin oo ku dul sugnaa markabka iyagoo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo markabka saarnaa.

    Hindiya ayaa horey gacan uga gaysatay ilaalinta aagga biyaha Soomaaliya tan iyo 2008-dii.

    Qaar badan oo ka mid ah ciidamada caalamiga ah ee qeybta ka ah howgallka ilaalinta biyaha Soomaaliya ayaa hadda u guuray dhanka Badda Cas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, halkaasoo kooxda Xuutiyiinta ee Yamen ay weerarro ku qaadaan maraakiibta gancsiga ee maray.

    Khubarrada ayaa hadda ka cabsi qaba in arrintaas ay ka faa’iideysteen burcad badeedda Soomaaliyeed, sida ay sheegtay AFP.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.