Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » ‘Sida looga hortago xag-jirnimada diimeed ee Abiy’: Cabdisaciid wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya

    ‘Sida looga hortago xag-jirnimada diimeed ee Abiy’: Cabdisaciid wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 12, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey in ay ku fashilantay difaaca midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka, isaga oo ka hadlayay xiisada Soomaaliya-Itoobiya. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa iyana ka falcelisay wareysiga uu BBCSomali siiyay mudane Cabdisaciid, kadib qoraal uu faafiyay wasiirka arrimaha dibeda ee hadda haya xilka, Axmed Macalin Fiqi.

    Cabdisaciid oo sidoo kale soo noqday La-taliyahii Amniga Qaranka ee Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey laantan Af Soomaaliga ee BBC, wuxuu ku sheegay in ‘damaca xagjirnimada ku saleysan ee Abiy Axmed”, uu yahay mid taariikhi ah. Waxa uu ku tilmaamay Abiy hoggaamiye xubin ka ah koox diimeeed xagjir ah oo la mid ah Shabaab.

    Halkan ka daawo wareysiga Cabdisaciid oo dhameystiran

    “Raysal wasaaraha Itoobiya waa nin mayal adag oo xajir ah, ma yaqaano xishood xishood waa inaad iska dhicin kartaa, haddii aadan iska dhicin karina rag iska dhicin karo ayaa jiree u bannee,” ayuu yiri Cabdisaciid.

    “Dowladda waxaa gaaray dhaawac weyn haddii aad run rabto micnaha aragtiyada dhinaca al-shabaab waa ay soo noolaadeen oo mar walba oo uu raysal wasaraha Itoobiya hadlo qof u jawaabo maleh ama jawaabta hadday timaaddo waa jawaab daciif ah,” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in Raysal wasaaraha Itoobiya in uu halyey iyo tusaale ka dhigto Raas-caluula, hoggaamiye hore oo Itoobiyaan ah, kaas oo iskudayay in uu qabsado xeebaha gobolka Banaadir.

    Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa X oo horay loo oran jiray Twitter ku soo qoray hadal uu kaga jawaabayo wareysiga aanu ka qaadnay Cabisaciid.

    “Waxaan la socdaa hadal uu dhawaan wasiir hore Cabdisaciid ku sheegay waraysi uu siiyey BBC Somali.”

    “Anigoo ixtiraamaya xoriyatul qawlka, hadallada soo jeedinaya tanaasulka qaranimada Soomaaliya ama caadi ka dhigista fikradda ah in Al-Shabaab la aamini karo waa dhibaato qoto dheer oo aan la aqbali karin.”

    Cabdi Saciid

    XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOOMALIA

    Cabdi Siciid ayaa BBC-da u sheegay in uusan dhiirro gelinaynin Al-shabaab.

    “Aniga marnaba ma dhiiro gelinaya Al-shabaab ee waxaan dhiirro gelinayaa in xukuumadda hadda joogta aysan iska celin karin mayal adagnimada ka socota Addisababa, nika hadda raysal wasaaraha ka ah waxa uu ka tirsan yahay koox diineed oo xagjir ah marka waa xagjir.”

    Cali Saciid oo ay ka jawaabaya su’aal ay BBC-du weydiisay oo ay ahayd in hadalkiisa uu ula jeedo in khilaafka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya Al-shabaab loo adeegsado ayaa ku jawaabaya ‘Maya.’

    “Fikir qof iska hadlo ma jiro, qofkani (Raysal wasaare Abiy) waxa uu soo xigtay qof khatar ku ahaa taariikhda Soomaaliya oo ah Janaraal Raascaluula oo dhahay waa inaan tagnaa badda Soomaaliya markaas waxay ahayd in madaxweynaha Soomaaliya isagana uu soo xigto Axmed Gureey markii tagay Aksum laakiin wax yar ka dib sida ciyaal ciyaal oo kale waxay tageen Addis Ababa oo heshiis difaac ayay la soo saxiixdeen.”

    “Haddii aadan difaaci karin qaranimada dalka waxay taasi xoojineysaa dhiirogelineysaa, niyadda u dhiseysaa u noqoneysaa Al-shabaab kooxda Al-shabaab sababtoo doodda Al-shabaab waxaa waaye waddankan waxaa haysta waddama dariska ah iyo niman calooshood u shaqeysteyaal ah marka haddii adiga aad tahay dowladdii waa inaad muujisaa inaad dalkan adiga leedahay, mataleysid kana celineysid cidkasta oo haweysata.”

    “Adiga markaad madax tahay waxaad mas’uul ka tahay dalkan iyo dadkan, sida keliya ee aad u ilaalin kartana waa laba mid ah, waa inaad wixii luguu dhiibay sidoodii u haysaa waxa aad u keni kartidna aad ugu dartaa.”

    Cabdi Siciid ayaa BBC-da u sheegay in uusan dhiirro gelinaynin Al-shabaab.
    Qoraalka sawirka,Cabdi Siciid ayaa BBC-da u sheegay in uusan dhiirro gelinaynin Al-shabaab.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiiska ay Itoobiya la saxiisatay Somaliland ay Al-shabaab ka heleen dhiirogelin, niyad dhis iyo mowqifkooda oo kor loo qaaday isagoona sheegay in sababta ay tahay in la tusay dowlad tacbaan ah.

    “Arrinta xagjirnimada ee aan ka hadlaya ayaa waxay tahay Itoobiya waxaa la dhihi jiray Abasinaya waxay dhaqan u lahaayeen laba arrimood gaar ahaan qarnigii 19-aad inay ka gadaan adduunka, mid waa inay dhoofiyaan dadka la adoonsan jiray oo ay waddo ay ku dhoofiyaan iyo inay faafinayaan diinta masiixiga marka labaas dartood waxa jira dowladda ku taageero oo tageero iyo hub ku siin jiray taas ayaana u sahashay inay qabsadaan dhul badan oo ay Soomaali leedahay.”

    ISHA WARARKA  BBC SOMALIA

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.