Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sida labadan wiil ee walaalaha ah ay 12 il-biriqsi ugu dhaceen 25 malyan oo doolar

    Sida labadan wiil ee walaalaha ah ay 12 il-biriqsi ugu dhaceen 25 malyan oo doolar

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 18, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Labo wiil oo walaalo ah oo wax ka baranayay mid ka mid ah jaamacadaha ugu caansan Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inay 12 ilbiriqsi gudahood ku xadeen lacag dhan 25 milyan oo dollar.

    Anton Pirari Bueno oo 24 jir ah iyo James Pirari Bueno oo 28 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira lacag dhaqis iyo wax isdaba marin, waxaana lagu eedeeyay in xatooyada ay tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda ee Mareykanka.

    Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada ka hor sheegay in labada wiil ee walaalaha ah, oo wax ku bartay Machadka Teknolojiyada Massachusetts (MIT) ee dalka Mareykanka, ay dambiga galeen bishii April 2023.

    Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Lisa Monaco ayaa maxkamada u sheegtay in labadaan wiil ee walaalaha eel akala yirahdo Anton Pirari Bueno iyo James Pirari Bueno ay xadeen lacag dhan 25 milyan oo doolar oo ah lacagta cryptocurrency-ga ah iyadoo la adeegsanayo nidaam farsamo oo casri ah oo ku qaatay bilo inay sameyaan laakiin ilbiriqsiyo kaliya u suurogeliyay inay xadaan lacagta intaas la’eg.

    “Wakiilo ka socda Adeegga Dakhliga Gudaha ee Maraykanka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (IRS) ayaa gacan ka geystay qabashada nidaamkan ay wiilasha ku dhaceen lacagta ee ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee loo adeegsado nidaamka lacag dhaqidda,” ayay tiri Lisa Monaco.

     

    Labada nin ee walaalaha ah ayaa la sheegay in ay si gaar ah u beegsadeen ganacsatadii lacagta Ethereum

    XIGASHADA SAWIRKA,MIT

    Qoraalka sawirka,Labada nin ee walaalaha ah ayaa la sheegay in ay si gaar ah u beegsadeen ganacsatadii lacagta Ethereum

    Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoonaya in labada nin ee walaalaha ah ay ku barteen xirfado gaar ah mid ka mid ah xarumaha waxbarashada ugu sareeya uguna caansan aduunka kadibna ay u adeegsadeen inay jabsadaan lacagaha cryptocurrency-ha ah.

    Labadan wiil ee walaalaha waxay MIT ku barteen xisaabta iyo sayniska kombiyuutarka, sida ku cad diiwaannada maxkamadda.

    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Damian Williams ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay in qorshaha ay adeegsadeen eedaysanuhu uu su’aal gelinayo tignoolajiyada blockchain lafteeda. Xusuusnow in iyadoo la kaashanayo blockchain, diiwaannada lacag bixinta cryptocurrency la hayo.

    Labada nin ee walaalaha ah ayaa la sheegay in ay si gaar ah u beegsadeen ganacsatadii lacagta Ethereum ee ka mid ah lacagaha cryptocurrency oo aan weli la dhameystirin ka dibna ay beddeleen si ay lacagta u xadaan.

    Baarayaashu waxay habkan ugu magacdareen ‘Ka faa’iidaysiga’ taasoo ay sheegeen inay qaadanayso dhawr ilbiriqsi oo keliya in la dhammaystiro.

    Markii ay la soo xiriirtay shirkadda Ethereum, walaalaha ayaa dafiray inay xadeen lacagtaas cryptocurrency-ga ah waxayna isku dayeen inay qariyaan lacagta, saraakiisha ayaa sidaas yiri.

    Marka loo eego xogta xeer-ilaaliyeyaashu soo bandhigeen, waa markii ugu horreysay oo eedeymo dembi lagu soo oogo wiilashan ka dib xatooyada lagu tilmaamay tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee soo marta dacwad oogeyaasha.

    Hadii dacwadan lagu cadeeyo labada nin ee walaalaha ah waxaa lagu xukumi karaa 20 sano oo xarig ah.

    Waa maxay lacagta Cryptocurrency?

    Cryptocurrency (Kirirbtookaaransi) waa lacago dhijitaal ah, waana nooc ka mid ah hantida dhijitaalka ah oo ee aan la taaban karin ama la arki karin.

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Cryptocurrency (Kirirbtookaaransi) waa lacago dhijitaal ah, waana nooc ka mid ah hantida dhijitaalka ah oo ee aan la taaban karin ama la arki karin.

    Dunida cusub ee aynnu ku noolnahay lacagteedu waxay isu sii beddeleysaa qaab dhijitaal ah. Cryptocurrency (Kirirbtookaaransi) waa lacago dhijitaal ah, waana nooc ka mid ah hantida dhijitaalka ah oo ee aan la taaban karin ama la arki karin.

    Lacagta dhijitaalka ah waxaa loogu shaqaystaa qaab aad u casriyaysan waxaana loo adeegsadaa hab loo yaqaan “cryptography” (kiribtoografi) iyo tiknoolojiyada Blockchain (balookjayn), si loo xaqiijiyo wax kala iibsiga iyo sidoo kale in la xakameeyo samaynta cutubyo cusub oo lacagahaa ah. Waxaa loo qaabeeyey in ay u shaqeyso si ka madaxbannaan hay’ad maaliyadeed, sida bangiyada dhexe, dawladaha, ama maamul dhexe oo maareeya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.