Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025

      Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sida dalkan hadda uun soo saaray shidaalka uu ku noqday maalin taajir nolosha dadkiisu na isubedeshay

    Sida dalkan hadda uun soo saaray shidaalka uu ku noqday maalin taajir nolosha dadkiisu na isubedeshay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 20, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Shiv iyo walaalaha Hemant, waxay ahayeen 19 sano jir iyo 16 sanno jir markay Guyana ka tageen aadeenna Canada 1982dii.

    Markaas waxay ka tageen midka mida wadamada uga faqiirsan adduunka, iyagoo talaabo raacaya kumanaan dhallinyaro ah oo nolol wanaagsan raadinaya.

    Waqooyiga Ameerika, waxay taageereen qoysaskooda door muhiim ahna ka ciyaareen noloshooda waxayna sameeyeen xirfad ayku ganacsadaan dhismaha guryaha iyo qaybta maalgelinta. Sanadkii 2021, oo ku beegan markii ay 39 sanno ka hor ka tageen Guyana isla jidkii ayay dib usoo qaaden iyagoo guryo noqod ah.

    “Waxay ahayd wakthigii aan dib u noqon lahayn”, Shiv Misir, ooh adda 60 sanno jir ah, ayuu BBC-da u sheegay.

    Walaalahan waxaa soo jiitay, balaayiinta doolar ee betroolka laga helayo kuwaas shidaaliyay dhaqaalaha Guyana sanadahii lasoo dhaafay. Waxay caasimadda Goergetown ka sameeyeen shirkad ka shaqaysa guryaha qaaliga ah kireyntooda iyo iibintooda

    Shiv iyo Hemant waxay labadoodaba metalayaan dabaqadda cusub ee dhexe soo baxay (ama kusoo noqday) dalka sannadahii lasoo dhaafay illaa markii la bilaabay soo saarista saliidda wadanka gudahiisa ah.

    Illaa 2019-kii, soosaaristaasi waxay beddeshay wadankan horey u gumeysanjiray Ingiriisku waxuu a ka dhigay mid ka mida wadamada ugu dheereeya kooriinka dhaqaalaha ee adduunka

    Shiv Misir, 60 jir dalka Guyana dib ugusoo noqday

    XIGASHADA SAWIRKA,LEANDRO PRAZERES / BBC NEWS BRASIL

    Isbeddelka dhaqaale ee degdega ah ee ku yimid Guyana

    Guyana waa wadan dhaca waqooyiga Koonfurta Ameerika, waxayna u dhexeysa Suriname iyo Venezuela.

    Waxaa ku nool in ka badan 80,000 qof Waxay ka xorowday Baqortooyda Ingiriiska 1966.

    2015, shirkadda shidaal qodiska ee Axxon Mobil, ayaa sheegtay in ay heshay ceelal shidaal ceegaago oo ku yaala xeebaha wadanka.

    Sanadahii xigaynga dalad ayku midaysanyahiin Axxon Mobil, American Hess, iyo shirkadda China laga leeyahay ee CNOOC ayaa qoday ceelasha kuyaas oo dheraran in ka badan 200km oo xeebaha Guyana ah.

    Maanta, keydka shidaal ee wadanku waxuu gaadhayaa qiyaastii 11 Bilyan oo foostooyin shidaal ah, laakiin qiyaasiyahii u danbeeyay waxay tilmaamayaan in cabirkani gaadhi karo 17 Bilyan.

    Tani waxay ka badnaan doonaa keydka la hubo ee saliidda Brazil, taas oo lagu qiyaasay 14 bilyan oo foosto.

    Illaa iyo 2019-kii dhaqaalaha Guyana waxuu ku tiirsanaa waxsoosaarka beeraha, dahabka, qodista dheeman, iyo jarista geedaha, sanadkaas marka laga bilaabo dakhliga shidaalku waxuu bilaabay in uu xoojiyo wax soo saarka gudaha ee wadanka.

    Sanadkii 2020, Wasiirka Dhaqaalaha ee Brazil, Paulo Guedes, ayaa barbardhigay wadanka mid kamida caasimadaha Dowladda Imaaraadka Carabta taas oo u tusaale u noqotay hantida saliidda laga sameeyay.

    “Waa Dubai-da cusub ee gobolka” ayuu yidhi Guedes. Waxyaabahaas oo dhana Guyana waxay ka dhigtay mid indho badan soojiidata. Waa sida in dalku ku guuleystay Lottery.

    Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa qiyaastay in mudadii u dhexeysay 2019 iyo 2023 wax soosaarka gudaha ee Guyana uu ka teggay 5.17 Bilyan oo Dollar noqdayna 14.7 Bilyan oo dollar koorin boqolkii 184% ah.

    Keliya sanadkii 2022 koriinka dhaqaalaha gudahahu waxuu sare u kacay 62%

     
    Sanadahii lasoo dhaafay sare-u-kaca dhaqaalaha Guyana waxuu noqday midka ugu xawaaraha badan caalamka

    XIGASHADA SAWIRKA,LEANDRO PRAZERES / BBC NEWS BRAZIL

    Qoraalka sawirka,Shirkad Shiinaha laga leeyahay oo hirgelinaysa dhisme noqon doona hoteel oo Maraykanka laga leeyahay oo ku yaala Georgetown

    Sida shidaalku uga dhigay Dubai-da cusub ee gobolka

    Waxaa kale oo jira tusaaleyaal kale oo muujinaya sida degdegga ah ee ay saliidda qani ugu noqonayso Guyana.

    Wadanku waxuu soo jiitay shirkado badan oo ka kala yimid daafaha caalamka kuwaas oo raadinaya qandaraasyo is ay u hirgeliyaan dhismayaasha wadanku baahnaa tobanleyaal sanno.

    Tirooyinka rasmiga ah ee dowladdu u qorshaysay dhismayaasha waa $187 malyan, sida mashaariicda wadoooyinka iyo dekada sannadkii koobaad ee saliida lagasoo saaray wadanka.

    Sanadkii 2023-da tiradaase waxay gaadhay $650 milyan waana koriin 247% ah.

    “Halkaan waxaan ku noolaa, muddo labo sanno ah. Marwalba oo aan dalka dibadda uga safro, waxaan ku baraarugaa isbeddel dhacay [dhanka horumarka],” ayay tidhi Diletta Doretti oo Bangiga Adduunka u joogta Guyana.

    Iyadoo sii wadata, “Dhismayaal badan ayaa la dhisay, wadooyin cusub iyo huteelo. Waxaana jira tiro badan oo ganacsiyo ah oo wadanka imanaya.”

    Qulqulka kheyraadkan qiyaas la’aanta ahi waxuu keenay in wadanku noqdo fagaare dhisme oo adduunka ah.

    Ganacsade Richard Sing waxuu ii baabuurta loosoo dhoofiyay wadanka caasimadda Goergetown.

    Waxuu jecelyahay baabuurta iyo tiknooloojiga illaa carruurnimadiisii, waxuuna hadda iibiyaa baabuurta lasoo isticmaalay kuwaas lagasoo dhoofiyay dalalka lamidka ah Japan, baabuurtaas oo Guyana haddeer aad loogu dhex wato.

    Siduu sheegaayo, marka laga tago lacagta badan ee laga faaiiday saliidda, dadka dabaqadda sare ee wadanka wax wali doorbidaan iibsiga baabuurta lasoo isticmaalay, sababtoo ah baabuurta aan isticmaalin ee aan halmar lug rogin canshuurtoodu waa kuwo qaali ah.

    Wadankuna waxuusan wali haysan meelo baabuurta lagu hagaajiyo iibsiga baabuurta cusub oo aan loo haynin meelo lagu hagaajiyo waxay joojiyeen haysadka baabuurtaas cusub.

    “Marar badan waxaan arkay sheekooyin ku saabsan Dubai, sagaashameeyadii haddaad halkaas aado, waxay ahayd uun saxare iyo caro. Hadda xiitaa aqoonsan maysid.” Ayuu yidhi isagoo isbarbadhigaya xaalka maanta Guyana iyo Dubai.

    “Waxaan rejaynaayaa in ay dadku ku hamiyaan 20 sanno kadib in ay dib u eegaan Guyana oo ay dhahaan, “Ma aamini karo in ay taasi ahayd Guyana” waxaan rejaynayaa in taasina ka dhacdo halkaan.

    Sawir muujinaya ganacsadaha oo dhex taagan xarun baabuurta lagu iibiyo

    XIGASHADA SAWIRKA,LEANDRO PRAZERES / BBC NEWS BRAZIL

    Qoraalka sawirka,Ganacsade Richard Singh waxuu baabuurta celiska ah ku iibiyaa gudaha Goergetown
    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.