Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025

      Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

      September 9, 2025

      Puntland oo kahor timid go’aan kasoo baxay dowladda Federaalka

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sida cunsurka qabiilku u noqday aalad lacag looga dhaliyo baraha bulshada Soomaalida

    Sida cunsurka qabiilku u noqday aalad lacag looga dhaliyo baraha bulshada Soomaalida

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 21, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dawladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay ilaa iyo 21 dhallinyaro ah oo ah kuwa saameynta ku leh baraha bulshada ee ay dad badani ku xiran yihiin bogagooda.

    Dhallinyaradaan oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa sawiradooda lagu baahiyay barta facebook ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyaga oo lagu eedeeyay in loo soo xiray “dhaqan xumo ay faafinayeen”.

    “[Dhallinyada ayaa] bulshada dhaxdeeda ka waday “anshax xumo iyo kala qoqob”, ayaa lagu yiri warka ay soo saareen Boosliska Gobolka Banaadir.

    Mid ka mid ah dhallinyarada saameynta ku leh barta TikTok oo saaxiib dhaw la ah kuwa la xiray, ayaa BBC da u sheegay in sababta loo xiray saaxiibadiis ay tahay in aflagaado qabiil ku salaysan ay isku dhaafsadeen baraha bulshada, taasina ay soo jeedisay dareenka maamulka gobolka Banaadir.

    Intooda badan ayuu sheegay in aan wali la sii dayn oo ay sugayaan in kiiskooda la horgeeyo maxkamadda.

    Booliska wuxuu sheegay in sidoo kale ay doonayaan in ay soo qabtaan kuwa kale oo ay ku eedeynayaan “kala faquuq bulsho”.

    “Booliska Soomaaliyeed wuxuu idiin xaqiijinayaa in uu ku daba taagan yahay dadka kale ee isticmaala baraha bulshada, ee abaabula bulshada ee kiciya dhaqan xumada,” ayuu warbaahinta u sheegay afhayeen ciidanka booliska ee gobolka Banaadir.

     

    TikTok

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Sidee qabiilku u noqday cunsur ay adeegsadaan dhallinyarada isticmaasha baraha bulshada?

    Cabduulaahi Yare, waa nin dhallinyaro ah oo ku sugan dalka Talyaaniga, kana mid ah kuwa caanka ku ah ciyaaraha TikTok, gaar ahaanna ciyaaraha lagu tartamo dhibcaha la kordha hadba hadiyadaha danabeysan ee loo diro tartamayaasha.

    Waxa uu BBC da u sheegay in sababta ugu wayn ee uu u isticmaalo qabiilka ay tahay, si ay lacag uga sameeyaan barta ay TikTok.

    “Hadii aad TikTok ga qaab Soomaalino ah wax usoo dhagsato wax xamaasad ah ma yeelanayo. Dhallinyaradu waxay qabiilada ugu soo dhagsadaan wax kale ma ahan, in game kooda ay lacag ka sameeyaan. Sababtoo ah hadii maanta dhan aad Tiktok ka dhahayso “Soomaaliyeey, Soomaali baan ahay” aad ku celceliso, Waxba ma soo heleysid,”

    Waxa kale oo uu sheegay in dadka lacagaha u dira kuwa ku xifaaltama ciyaaraha TikTok ga ay hadiyado danabeysan u diraan oo kaliya, TikTookarada xifaaltanka iyo carada muujiya ee aflagaadeeya reeraha kale.

    “Waxay ku leeyihiin waa inaad xifaaltantaa, waa inaad qabiilka kale caysaa, adiga oo iska aamusan oo anshax leh cid wax ku siineysa malahan”.

    Cabdulaahi waxa uu sheegay in aysan jirin cid la soo xiriirtay si shaqsi ah oo u sheegtay sidaas, balse uu farriintaas ka dareemay natiijada marka uu xifaaltanada uu ka qayb qaato.

    Balse dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay qabaan in bulshada dhexdeed lagu faafiyo qabyaalad iyo aflagaado reereed aysan marnaba cudur daar u noqon Karin in aad lacag sameyneyso darteed.

    Cabdulqaadir Nuur Xuseen oo ku magac dheer Maax, waa qoraa Soomaaliyeed sidoo kalana isticmaala baraha bulshada. Wuxuu sheegay saameyn xoog leh ay dhallinyaradaani ku yeesheen nolosha dadka, faafinta hadalada qaarna aysan marnaba cudurdaar lahan.

    “waxaad rabtid inaad sameyso lacag oo tiraahdo lacag ayaa raadineynaa cudurdaar ma noqaneyso. Waxaan wax ka daran ayay samayn doonaan dhallinyaradaan. Waay fiican tahay in arrintaas la joojiyo”. ayuu BBC da u sheegay Maax.

    Cabdullaahi yare

    XIGASHADA SAWIRKA,CABDULLAAHI YARE

    Marka dhallinyaradu ay ku xiflaatamayaan ciyaaraha TikTok ga, ayaa marar badan waxay adeegsadaan hadalo loo arko in aysan wanaagsanayn asluub ahaan, oo isugu jira aflagaado iyo hanjabaad dhexdooda ah. Taas ayaa qayb ka ah waxyaalaha ay dawladda Soomaaliya ku tilmaamatay anshax xumada.

    Ka hadalka qabyaaladda ayaa ka mid ah mawduucyada xasaasiyada leh marka la joogo bulshada Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan marka laga dhex hadlayo warbaahin ama baraha internet ka ee lagu wada xiriiro, maadaama colaado badan oo dhiig shacab Soomaaliyeed uu ku daatay ay marar badan sabab u noqotay qabyaaladu.

    Dhanka kale, Cabdullaahi Yare, waxa uu qabaa in isaga iyo saaxiibadii TikTok la isticmaalaba aysan shaqsi ahaan aaminsanayn kala kooxeynta bulshada, ee ay si xushmad leh u sheekeystaan iyagu marka ay ku kulmaan goobaha laga cabo shaaxa.

    “Waan wada sheekeysanaa, meelaha shaaxa ayaan iskugu nimaadnaa, qurbahaan iskugu tagnaa, shaaxa iyo kofeega iyo lacgtaan isisiinaa xitaa“, ayuu yiri Cabdullaahi.

    Waxay u muuqataa in cabdullaahi iyo dhallinyarada la mid ka ahi ay doonayaan in ay ka faa’iideystaan fursad kasta oo ay lacag uga sameyn karaan adeegsiga ereyadaan xanafta leh, laakiin aysan ka fekerin saameynta taban ee ay gaarsiin karto malaayiinta ruux ee ku xiran.

    Xilliyo hore ayaa dawladda Soomaaliya waxay isku dayday in barta TikTok iyo kuwo kaleba ay ka mamnuucdo Soomaaliya, iyada oo xilligaas sheegtay in muuqaallo anshax xumo ah oo haween laga duubay lagu xayaysiiyo, balse xanibaadaas ayaan suuragalin.

    Boolisku Soomaaliya waxay sheegeen in maxkamad ay horgayn doonaan kuwa ay soo qabteen ee lagu eedeeyay faafinta “anshax xumada iyo isku dirka“.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.