BBC-da ayaa daaha ka qaadday caddeymo cusub oo muujinaya in hoggaamiyihii kaniisadda Nigeria ee geeriyooday, TB Joshua, uu qariyay meydad sidoo kalena uu cabsi geliyay qoysas si uu u qariyo doorkii uu ku lahaa dhismo dumay oo ay ku dhinteen ugu yaraan 116 qof kaniisaddiisa sanadkii 2014-kii.
Burburka ayaa ah mid ka mid ah musiibooyinkii ugu xumaa ee abid soo mara goob cibaado oo ku taalla qaaradda Afrika.
Baaritaan ay sameysay BBC-da markii ugu horreysay ayada oo xignaysa dad u dhuun daloola kaniisadda TB Joshua’s Synagogue Church ee ku taal magaalada Lagos, ayaa lagu soo dhabnigay caddeymo muujinaya waxa sababay dhacdadan ku dhawaad 10 sano ka hor, iyo sida Baadariga lagu eedeeyay in uu abaabulay wax badan oo arrinta ku saabsan oo uu qariyay.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay BBC-du daaha ka qaadday caddaymo muujinaya tacaddiyo iyo jirdil baahsan oo uu u geystay aasaasihii mid ka mid ah kaniisadaha Masiixiyiinta ee ugu waaweyn caalamka.
Labo maalmood ka dib burburkii kaniisadda bishii Sebtembar 2014, TB Joshua wuxuu si cad u sheegay in ay sabab u ahayd diyaarad dulmartay dhismaha oo hoy u ahaa martida kaniisadda.
Laakiin baaritaan uu sameeyay danbi baaraha magalada Lagos ayaa ku raacay shaqaalaha gurmadka oo markii hore sheegay in burburka uu sabab u ahaa qaabdhismeedka guriga martida, oo la dhisay iyada oo aan la helin oggolaansho habboon oo qorshaysan.
Goob joogayaal ayaa BBC u sheegay in TB Joshua looga digay dhibaatooyin halis ah ka hor musiibadii ka dhalatay burburka guriga, uuna been ka sheegay hadalka ah in diyaarad ay dulmartay.
“Wuxuu ogaa in dhismuhu yahay mid aan degganayn,” ayuu yiri Emmanuel,oo in ka badan toban sano xerow u ahaa TB Joshua.
Si la mid ah inta badan xertii hore oo ay BBC-du wareysatay, wuxuu doortay inuu isticmaalo magaciisa koowaad oo keliya.
Wuxuu tilmaamay in Baadarigu uu helay warbixin saacado ka hor burburka, taas oo sheegaysa in gurigu uu ruxmayo oo uu dumi rabo.
Goobjoogayaal badan ayaa sheegaya in qaar badan oo ka mid ah martida aan loo digin, taa beddelkeeda in ka badan 200 oo iyaga ka mid ah cunto loogu diyaariyay qol hoos, ayada oo markii uu ku dumay dabaq lix biyaano ah oo shub ah.
Qaar badan ayaa isla markiiba dhintay halka in ka badan 100 ay ku go’doonsameen gudaha iyagoo nool.
“Waxaan maqlayay dadka oo ku qaylinaya, ‘I caawiya, i caawi, i caawiya,” ayuu yiri Emmanuel, oo ku sugnaa goobta burburka daqiiqado yar kadib.
“Codkoodu way sii yaraanayey, waxaan taas tusinaysa in dadku ay sii dhimanayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Kuwo kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawacayo xun ayaga oo jirkoodii uu kala dillaacay.
“Waxay ahayd wax iska cad in dhismahan aan waligiis loo dhisin habkii saxda” ayay tiri Rae, oo reer UK, 12 sano ku qaatay kaniisadda isagoo xer ah.
Waxay sheegtay inay goobjoog ka ahayd markii TB Joshua uu shaqaalihiisa ku amray inay dhisaan dabaqyo dheeraad, oo aan lahyeen aas “aasaaskii dabaqa looga baahan”.
Dadka kaniisadda u dhuun daloola oo BBC-da la hadlay ayaa sidoo kale sheegay in dad badan la badbaadin lahaa haddii TB Joshua uu si degdeg ah uga jawaabi lahaa burburka, taa beddelkeeda, waxay sheegeen, inuu muddo 24 saacadood ah ka xannibay adeegyada degdegga ah inay galaan goobtaas, sida ay xaqiijiyeenn warbixino xillgaas la sameayay.
Muddadii lagu guda jiray baaritaanka muhiimka ah dadkii caawinaadda sameeyay.
Goob joogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha kaniisadaha ay isku dayeen in ay dadka badbaadiyaan iyga oo aan hasan wax qalab ah lahaynna xirfad ama tababarka caafimaad.
Tusaale ahaan, mid ka mid ah shaqaalaha kaniisadda ayaa lagu eedeeyay in uu isticmaalay silsilad oo uu lugta uga gooyay nin ku hoos xannibmay burburka dhisamaha.
“Wuu qeylinayey” ayuu yiri Emmanuel, oo markii wareysiga laga qaadayay murugaysnaa, ma hubo in ninkii badbaaday iyo in kale.
“Waxaan arkay waxyaabo badan oo runtii aad iiga nixiyay wajiyada dadka aad ayay burbursanaayeen,” ayuu yiri Michael, arday ku jiray da’da tobaneeyada waqtigaas.
Dhibaatada naxdinta leh ee ka dhalatay dhacdadan ayaan waligeed la daabicin, iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka kaniisadda ku jiray lagu dhaariyay in ay sirta ilaaliyaan, waxaana goobta uu burburka ka dhacay laga ilaaliyay indhaha dadweynaha oo gidaar weyn lagu gooyay.
Saddex ilo, oo uu ku jiro Michael, ayaa sheegaya in TB Joshua uu ku amray shaqaalihiisa inay ka raraan meydadka oo ka fogeeyay goobta dhismaha uu ku dumay xilliga habeenkii, si ay uga qariyaan warbaahinta iyo maamulka.
Labo ayaa sheegay in laga codsaday inay duubaan daadad gureeynta oo ay cajaladaha u geeyaan TB Joshua oo ku sugan xafiiskiisa.
“Waan duubnay jawaano badan oo meyad ah”ayuu yiri Michael.
Chloe, oo hore u ahaan jirtay xertii TB Joshua oo ka timid UK, ayaa sidoo kale goob joog u ahayd wixii ka dambeeyay burburka ayaa sheegtay in ay dareentay ur xun kadibna ay bas gashay.
Darawalka ayaa u sheegay in gaariga uu ka buuxo meydad, oo habenkii lagu qaaday si aysan saxaafaddu u arkin.
Ilo-wareedyo kala duwan ayaa rumeysan in dhimashadu ay ka badan tahay 116-ka qof ee ay kaniisaddu sheegtay, waxayna soo xiganayeen saaxiibbo iyo shaqaalihii Kaniisadda ee ku sugnaa gudaha xilligii burburka, kuwaas oo ay sheegay inaan lagu diiwaan-gelin liiska rasmiga ah ee dadka dhintay.
Maamulka Nigeria ayaa markii hore mowqif adag ka qaatay musiibada.
Dambi baaraha Lagos ayaa ku taliyay in TB Joshua lagu soo oogo fal-dambiyeed la xariir dayacaad balse inkastoo marar badan loo yeeray, Baadariga waligiis ma tagin maxkamada.
Tiro ka mid ah xertiisii hore ayaa sheegay in ay qaybiyay lacag aad u badan dadka saamaynta ku leh dacwadaha muddad baadiriga loo haystay.
Lacagtan ayaa waxaa ka mid ahaa kumannaan doollarka Mareykanka ah oo la siiyay qoysaska Rand oo u dhalatay Koonfur Afrika iyo Naire oo Nayjeeriyaan ah kuwaas oo ka mid ahaa dadkii burburka waxyeelladu kasoo gaartay.
Sihle, oo ah ardayad wax ka baran jirtay TB Joshua, ayaa BBC-da u sheegtay in ay shaqo laga siiyay Koonfur Afrika si ay “u bixiso lacag boorsooyin ah oo la siinayo dadka qaraabadooda waayay halkaasi.
“Waxaan u sheegaynay in aysan la hadlin warbaahinta, oo ay aamusan” ayay tiri.
Saddex qoys oo ku nool Koonfur Afrika ayaa BBC-da u xaqiijiyay in wakiillada kaniisadda ay isku dayeen in ay lacag siiyaan oo ay ka hor istaagaan in aysan saxaafadda la hadlin.
Luandle Mkolesi, oo ka yimid Johannesburg, oo walaashii Phumzile ku wayday masiibada, ayaa ku tilmaamay lacagta “lacag dhiig leh” waan uu diiday sida uu sheegay.
Sonny Madzhiye oo ka timid Benoni oo u dhow Johannesburg ayaa sheegtay inay diiday xirmooyin lacag ah oo la siyay, balse waxaa ay tilmantay in markii hore ay qaadatay lacaga dhan , £2,000) kadib geeridii gabadheeda Sibongile.
Waxay sheegtay in ay ogaatay in loo soo bandhigay lacagta caddaanka ah si aysan tallaabo kale u qaadin.
TB Joshua ayay tilmaantay in uu ku dhibay taleefoonka kadib markii ay diiday lacagta”Wuxuu ii soo diray farriimahan wuxuu leeyahay haddii aad diiradda saarto waxa kaa lumay, waxaa laga yaabaa inaad lumiso wax walba.”
“Wuxuu iigu hanjabayaa in qoyskayga oo dhan ay hoos u dhici doonaan, sidii ay gabadheyda oo kale”
Waxay tustay BBC-da fariimo iyo codad wicitaan oo la duubay oo ka yimid TB Joshua.
Madzhiye waxa dacwada ka furtay maxkamad madani ah oo ku taal Nigeria, iyada oo raadinaysa magdhowga dhimashada gabadheeda,Kiiska ayaana wali socda.
Sihle waxaa sheegtay in saxafiyiinta sidoo kale la siiyay dhaqaale ka dib musiibada, si ay warbixino u sameynin.
“Saxafiyintu kaniisadda ayay u imaanayeen hal sabab oo kali ah waxaana ay jireen ayaga oo sita baqshado doollar ah,” ayay tiri.
Chloe, oo ka shaqaynaysay waaxda saxaafadda ee TB Joshua, ayaa xaqiijisay in saxafiyiin badan la siiyay lacag kadib burburka dhismaha.
Tan waxaa xaqiijiyay laba wariye oo la hadlay BBC-da iyo OpenDemocracy oo qeyb ka ah baaritaankan.
Muqaal sir ah oo uu duubay weriyaha Nigeria oo lagu magacaabo Nicholas Ibekwe bishii Sebtembar 2014, TB Joshua waxaa si cad loo maqlayaa isagoo leh “Hadda maxaad wax ka qori doontaa?” Ka dib markii ay soo bandhigeen miis ay ka buuxaan saxafiyiin oo wata baqshado lacag ah, Ibekwe wuu diiday lacagta caddaanka ah.
Emmanuel iyo Michael, oo mid kastaa in ka badan 20 sano ka shaqnayay gudaha kaniisadda, ayaa sheegay in uu ku amray TB Joshua in ay baqshado lacag ah ku ridaan baabuurta siyaasiyiinta Nigeria iyo saraakiisha maxkamadda inta lagu guda jiro baaritaanka danbi baaraha Lagos.
“Wax walba wuu qariyey,” Emmanuel ayaa yiri. “Wuxuu iibsaday nidaamka oo dhan.”
TB Joshua wuxuu dhintay Juun 2021, isagoo jira 57, laakiin kaniisadda hadda waxaa maamula xaaskii uu ka geeriyooday ee Evelyn.
BBC-da waxay la xiriirtay Scoan si wax looga waydiiyo eedeymaha baaritaankanka, laakin Uma aysan jawaabin, balse waxay beenisay sheegashooyin hore oo ka dhan ah TB Joshua.
“In eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn lagu soo oogo Baadari TB Joshua ma ahan dhacdo cus, midkoodna weligii lama xaqiijin,” ayay qortay.
Ilaa maanta, xubno badan ayaa aaminsan in diyaarad dahsoon ay sababtay burburka dhismaha.
Fiidyowyada ay soo saartay kaniisaddu, ayaa lagu sii daayay kanaalka satelite-ka Emmanuel TV ee adduunka oo dhan waxaana si weyn loogu faafiyay YouTube-ka.
Chloe, oo 14 sano xer u ahaa TB Joshua, ayaa aaminsan “qoysaska [dhibanayaasha] ay la kulmeen cadaalad darro weyn”.
Ku dhawaad toban sano ka dib, ma jiro qof wali maxkamad lagu soo oogay burburka guriga.
“Ma garaneyn in aan gabadhayda u diray kaniisadda si loo dilo,” ayay tiri Madzhiye, iyadoo ooyaysa inta wareysiga siinaysay BBC-da,
“Gabadhayda iyada oo nool ayaa lagu aasay iyada oo aan waxba haysan, xanuunka aad buu u badan yahay, waxaan weli sugayaa caddaaladda.”