Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa dagaalameyaasha Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoos yimaada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Deegaannada ay ciidamada la wareegeen ayaa kala ah Buurweyn iyo Show oo hore ay ugu sugnaayeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada hoggaamineysa iyo guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Nuur Maxamed Absuge ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa gudaha u galey deegaannada Buurweyn iyo Show.
Sidoo kale, ciidamada ayaa halkaasi ka wada howlgallo ay ku xaqiijinayaan amniga deegaannada ay la wareegeen, iyaga oo sameynaya miino baaris.
Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa howlgallo ka dhan Al-shabaab ka sameeyay deegaannada gobolka Hiiraan, iyaga oo saraakiisha ciidamada sheegeen in ay sii wadi doonaan si looga saaro kooxda goobaha ay ka sugan yihiin gobolkaasi.