Close Menu
    What's Hot

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.

      February 21, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.

      February 21, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sida ay ciidamada Hindiya usoo badbaadiyeen kalluumeysato ajaanib ah oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah

    Sida ay ciidamada Hindiya usoo badbaadiyeen kalluumeysato ajaanib ah oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah

    By radiohalgan.comMarch 30, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ciidamada Badda Hindiya ayaa shalay ka falceliyay dhacdo ka dhacday meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

    Sida lagu xusay qoraal lasoo dhigay barta X ee ciidamada, fiidnimadii xalay ayaa afhayeenka ciidamada wuxuu ku sheegay inay ka war heleen dhacdadan oo doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iiraan laguna magacaabo Al-Kambar’ ay u gacan gashay burcad-badeed Soomaali ah taariikhdu markii ay ahayd 28-kii bishan.

    https://x.com/indiannavy/status/1773732529151119576?s=20

    Arrintan ayaa ka dhacday meel 90 meyl koofur-galbeed kaga beegan jasiiradda Yemen ee Suqadra.

    “Labo markab oo Hindiya leedahay iyo ciidaka ku sugan badda carabta ee halkaas u jooga howlaha ammaanka badda, ayaa gacan siiyay markabka la afduubtay, oo la sheegay inay soo koreen sagaal burcad-badeed hubeysan,” ayuu yiri afhayeenku, isagoo intaa raaciyay, “Markabka la afduubtay ee FV ayaa loo gurmaday Jimcihii (March 29, 2024). Howlgal ayay haatan wadaan ciidamada badda Hindiya sidii ay usoo badbaadin lahaayeen markabka la afduubtay iyo shaqaalihiisa.”

    Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada badda Hindiya ay ka go’an tahay hubinta amniga badda ee gobolka iyo badqabka bad-mareennada, iyadoo aan loo eegeyn halka ay kasoo jeedaan.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay, wasaaradda gaashaandhigga dalkaas ayaa sheegtay in ciidamada badda Hindiya ay ka falceliyeen saameynta dagaalka Israa’iil iyo Xamaas uu ku yeeshay marinka badda gobolka iyadoo kordhinaya howlaha lagu sugayo amniga badda tan iyo bartamihii December ee sanadkii hore.

    Bishan March 23-keedii, ayay 100 maalmood u buuxsantay howlaha amni ee ciidamada badda Hindiya ka wadaan xeebaha u dhow Soomaaliya.

    Ciidamada ayaa muddadaas ka jawaabay ilaa 18 dhacdo oo xeebaha laga soo sheegay.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadu ay howlgal amni oo xeebaha ah ka fulinayaan saddex meelood — Gacanka Cadmeed iyo aagagga u dhow, Badda Carbeed, iyo xeebta koofureed ee Soomaaliya.

    Tan iyo bishii December, ilaa 5,000 oo ciidan ah ayaa la geeyay aagaggaas, iyo sidoo kale maraakiib iyo diyaarado dusha kala socda.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in intii ay socdeen howlgalladan ay soo badbaadiyeen shaqaale badan oo maraakiib iyo doonyo ah.

    Hindiya

    XIGASHADA SAWIRKA,INDIAN NAVY

    Ciidamada badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dhowaan soo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilood ah gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida ay baahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya.

    Howlgal qaatay in ka badan afartan saacood oo gacan ka hadal ah ayaa waxaa fuliyey Markabka dagaalka ee INSSubhadra oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn, sida ay bartooda X ee hore loo oron jiray Twiter ku sheegeen ciidamada badda Hindiya.

    Tirada burcad baddeeda ay ciidamada Hindiya ku qabteen howlgalkaas ayay ku sheegeen in ay dhan tahay 35 nin.

    Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

    Sidoo kale ciidamada ayaa dabayaaqadii bishii January soo badbaadiyay labo markab oo ay afduubteen burcad-badeedda Soomaalida.

    Biyaha iyo xeebaha Soomaaliya ayaa horay u ahaa meel ay ku badan yihiin burcad-badeedda, balse waxaa ay dhammaan joogsadeen, kaddib markii ciidamada caalamiga ah ay kordhiyeen roondada ay halkaasi ka sameeynayaan.

    Hindiya ayaa horey gacan uga gaysatay ilaalinta aagga biyaha Soomaaliya tan iyo 2008-dii.

    Qaar badan oo ka mid ah ciidamada caalamiga ah ee qeybta ka ah howgallka ilaalinta biyaha Soomaaliya ayaa hadda u guuray dhanka Badda Cas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, halkaasoo kooxda Xuutiyiinta ee Yamen ay weerarro ku qaadaan maraakiibta gancsiga ee maray.

    Khubarrada ayaa hadda ka cabsi qaba in arrintaas ay ka faa’iideysteen burcad badeedda Soomaaliyeed, sida ay sheegtay AFP.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.