Kororka socdaalka ee dabayaaqadii 1990-meeyadii iyo horraantii 2000-meeyadii ayaa koobka Yurub u beddelay dhacdo dhaqan ahaan ka duwan sidii hore.
Tartanka hadda socda 2024 ee gaaray afar dhammaaadka, tiro ka mida kooxaha ku jira tartanka , waxaa u ciyaara ciyaaryahano asal ahaan ka soo jeeda Afrika, kuwaas oo xulalkooda ku soo bandhigay guulo iyo bandhigyo cajiib ah.
Kevin Danso, ayaa tusaale u ah kuwa badan oo ka mid ah. Waa difaac dhexe oo 25sano jir ah oo u ciyaarayey dalkiii uu ku dhashay ee Austria, oo ku haray wareega 16 ee koobkan.
Wuxuu Danso, ku koray Ingiriiska isagoo lix sano jir ah, waalidkii waxay ka soo jeedaan dalka Ghana.
Inkastoo uu taagan yahay isgoyska seddex wadan oo kala duwan, Danso, oo u ciyaara kooxda Lens ee Ligue 1, wuxuu had iyo jeer ku xirnaa halka uu asal ahaan ka soo jeedo.
Bishii Juun 2022, wuxuu booqday Ghana markii ugu horreysay, safar isaga ku reebay dareen qoto dheer.
“Aad ayaan u nasiib badnaa inaan Austria ugu yeero gurigaya halka aan Ghana ugu yeeray gurigii awooweyaashay” Danso ayaa u sheegay BBC Sport Africa.
“Dhaqanka, cuntada, dadka iyo wax walba oo Ghana ah ayaa iga dhigaya qofka aan ahay, mar walba waxaan raacaa xulka qaranka kubadda cagta, taageeradayduna waxay had iyo jeer u taagan tahay Ghana”.
Qaadashada dhaqanka Ghana waxay sidoo kale ka dhigan tahay qaadashada sifooyinkeeda bulsheed, gaar ahaan xafiiltanka joogtada ah ee cuntada ee deriska Galbeedka Afrika ee Nigeria.
Ciyaaryahanka kale ee Austria David Alaba ayey waalidkii ka soo jeedaan Nigeria kaas oo xaaskiisu ka duwan tahay.
“Isaga Alaba, wuu ogyahay Ghana inay leedahay jollof-ka ama bariiska suugada leh ee basbaaska badan ee ugu fiican laakiin had iyo jeer wuu ila doodi doonaa.”
Labada weerar ee firfircoon ee Spain
Intii lagu guda jiray kor u kaca heerka ugu sarreeya ee ciyaaraha caalamiga ah dabayaaqadii 2000-meeyadii, ciyaarta Spain waxaa lagu qeexay si gaabis ah, kubbad hayntooda.
Laakiin arrimuhu way is beddeleen, oo hadda waxaa labada garab uga ciyaaraya Nico Williams iyo Lamine Yamal La Roja oo ka soo jeeda asal ahaan Ghana iyo Moroccan-Equatoguinean.
Si la mid ah isku xirnaanta caalamiga ah waxay u kala qaybisay walaalaha Boateng, Jerome iyo Kevin-Prince, Jarmalka iyo Ghana. Sidoo kale Nico iyo walaalkii ka weyn Inaki hadda iyaguna waxay kala qaadeen laba wado oo kala duwan
Labaduba waxay ku dhasheen Spain, waa carruur ay dhaleen muhaajiriin Ghana u dhashay oo ka soo gudbay Saxaraha si ay u raadiyaan nolol wanaagsan.
Inaka, wuxuu doortay inuu u ciyaarayo xulka Black Stars ee Ghana oo asal ahaan ka soo jeedo halka walaalkiis Nico, uu ka mid yahay xidigaha hogaaminaya Spain tartanka Euro2024 oo ay afar dhammaaadka joogaan.
Ciyaartii Spain afar iyo hal kaga badiyeen xulka Georgia, wuxuu dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey tartanka Euro 2024-ka, balse Nico, halistiisa waxay muuqatay kulankii ay hal iyo eber kaga badiyeen xulka difaacanayey koobkan ee Italy.
“Waxaa laga yaabaa inaan raacnay wadooyin kala duwan oo caalami ah, laakiin mar walba waxaan isha ku hayaa Inaki tilmaamihiisa” Nico ayaa u sheegay BBC Sport Africa.
“Inaan ka ciyaarno isla tartanka Koobka Adduunka 2022-kii waxay ahayd riyo rumowday, waalidiinteenna waa kuwa ugu han weyn sababtoo ah waxaan matalay laba dal oo qeexaya taariikhda qoyska.”
Dhanka kale 16 sano jirka Yamal, oo Spain u ciyaaraya tartanka ayaa dhigay bandhig cajiiba.
Maroco ayaa rajaysay inay u ciyaaro Yamal, si la mida xidigaha Achraf Hakimi iyo Brahim Diaz oo ku dhashay Spain balse u ciyaaraha xulka Maroco. Laakiin guuldarradoodu waxay noqotay faa’iidada Spain.
Jamal Musiala
Xidiga Jamaal Musiala ayaa wacdaro ka dhigay tartanka dalkiisa Jarmalku marti galinayo walow ay ka hareen tartanka hadda waxay ahaayeen kuwii lahaa saadaasha xoogan sida Spain oo kale.
21-jirkan ayaa udub dhexaad u ahaa dagaal caalami ah oo u dhexeeyay Germany iyo England isaga oo da’yar, laakiin fursad lahayd Nigeria kaas oo xaq u lahaa inuu u ciyaaro maadama aabihiis laba dhalasho haysto.
Musiala, waraysiyadii u dambeeyay, waxa uu daaha ka fayday soo bandhigiddiisa dhaqanka Nigeria.
“Aabahay wuxuu noo sameeyay fufu, oo ah cuno dhaqameed Nigeria ah, markii aan ku soo koray England; maalin kasta ayuu saxan samayn jiray,” ayuu yiri.
“Waan u ciyaari karayay Nigeria sababtoo ah maskaxdayda ayay ku dhaganayd, si fiican ayaan uga fikiray,” ayuu yidhi garabka Bayern Munich….
“Wadahadal wanaagsan ayaan la yeeshay Nigeria iyo Jarmalka. Markaa runtii aniga ayay igu soo dhacday iyo meesha aan ku dareemo raaxada ugu badan, waxaan go’aansaday inaan aado Jarmalka.”
Xidiga Dan Ndoye
Muddo labo iyo tobban bilood ka hor, Dan Ndoye oo ku dhashay Lausanne ee dalka Switzerland ayaa ka hadlayay suurtogalnimada mar uu ku biiri lahaa Senegal.
“Aniga ahaan, Senegal waa kooxda ugu fiican Afrika,” ayuu u sheegay wiwsport. “Waxay ku soo bandhigeen Afcon waxayna u soo baxeen Koobka Adduunka.
“Dabcan, waan xiiseynayaa, laakiin aniga iguma xirna inaan go’aan ka gaaro haddii aan u ciyaaro Senegal ama Switzerland.”
Goolhaye Yan Mvogo, daafaca Manuel Akanji, khadka dhexe Denis Zakaria iyo weeraryahanada Breel Embolo, Kwadwo Duah iyo Zeki Amdouni ayaa dhamaantood asal ahaan ka soo jeeda Africa.