Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

    September 3, 2025

    Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

    September 2, 2025

    Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

    September 2, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

      September 3, 2025

      Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

      September 2, 2025

      Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

      September 2, 2025

      Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

      September 2, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

      September 3, 2025

      Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

      September 2, 2025

      Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

      September 2, 2025

      Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

      September 2, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sida aad ku heli kartid baasaboorka cusub ee Faransiiska iyo sharuudaha kaa xiga

    Sida aad ku heli kartid baasaboorka cusub ee Faransiiska iyo sharuudaha kaa xiga

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 26, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dowladda Faransiiska ayaa bilowday qorshe cusub oo ay baasaboor iyo degenaasho ku siineyso dadka ajnebiga ah dibeda dalkaas jooga.

    Qorshahan cusub oo ay dooneyso inay kusoo jeedato dadka leh xirfadaha shaqo iyo dadka dhaqaalaha leh ee maalgashiga sameyn kara ayaa albaabka u furaya in dadka soo-galootiga ah ay ku yimaadaan dalkaas hab fudud oo sharci ah, oo ay ku heli karaan baasaboor shaqo iyo degenaasho muddo afar sano dhan.

    Laakiin dadka doonaya inay ka faa’iideystaan qorshaha Baasaboorka shaqo ee Faransiiska waa inay marka hore ba buuxiyaan sharuudo dhowr ah oo ka horreeya.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inay doonayaan inay qorshahan ku xoojiyo dhaqaalaha wadanka Faransiiska waxuu bilaabay qorshe dadyowga xirfadda sare leh loogu ogolaanaayo in ay helaan fursad ay kaga shaqaysan karaan uguna noolaan karaan wadanka Faransiiska.

    Qorshahan iyo baasaboorka shaqo waxuu fursad siinayaa ganacsatada, dadka fanka ka shaqeeya iyo saynisyahannada, iyo xitaa dadka kale ee leh xirfada shaqo. Mudo afar sanno ah ayuuna qofka ajanabiga ah ee xirfadlaha ahi ku noolaan karaa dalkaan.

    Tan iyo markii qorshahaan laga bilaabay dalka Faransiiska sanadkii 2017, waxaa la kordhiyay dadka ajaanibta ah ee ka shaqaysan kara gudaha dalka kuwaas oo lagu daro maalgashadayaasha iyo shaqaalaha mushaarka badan qaata.

    Dadyowga aan u dhalan Yurub ayaa codsan kara barnaamijkaan waxuuna qofka ku guuleysta helayaa fursad uu wadanka ku joogo kaga shaqaysto reerkiisana ku keensado. Sidoo kalena qofka ku guuleysta ayay xaaskiisa iyo carruurtiisa da’da 18-ka gaadhay ku helayaan ogolaansho shaqo iyo joogitaanka wadanka ahba.

    ‘Waxay kuu ogolaanaysaa inaad ka shaqeyso ama ganacsi ka samaysato Faransiiska’

    Baasaboorka Shaqada wuxuu u adeegaa sidii ogolaansho shaqo oo kuu sahlaysa inaad shaqo raadsato, u shaqeysato si madax-banaani, ama ganacsi u samayn lahayd si la mid ah muwaadin kasta oo Faransiis ah ama u dhashay Midowga Yurub oo ku sugan Faransiiska.

    Inta badan, uma baahnid heshiis shaqo ama shaqo ku sugaysa.

    Ka qaybqaadashada mashruuc dhaqaale oo cusub oo ay aqoonsan tahay hay’ad dawladeed oo qofku cadeeyay in uu ku rabo in uu hormariyo faransiiska ayaa sidoo kale qof u saamaxi karta heli taanta degenaanshaha afarta sanno ah.

    Nooc walba oo deggenaan ah oo aa hesho waad sii cusboonaysiisan kartaa afarta sanno markay dhammaato adiga reerkaagaba tani waxay ka dhigantahay in ay tahay wadada ugu fudud ee degganaansho rasmi ah aad kaga heli karto Faransiiska.

    Haddaba yaa u qalma baasaboorka xirfadda Faransiiska?

    Baasaboorka xirfadda ee Faransiiska waxaa heli kara dadka aan u dhalan Midowga Yurub kuwaas oo ay u badan tahay in ay wax badan kusoo kordhin karaan awoodda dhaqan dhaqaale ee wadanka. Waa dad si toos ah iyo si dadbanba saameyn mug leh ugu yeelan kara koritaanka dhaqaalaha wadanka, horumarka dhaqanka, sayniska iyo ciyaraaha.

    Dadkaas oo adeegsanaya xirfadooda, waayo-aragnimadooda iyo kartidooda Eebbe bixida ah.

    Waxaa sidoo kale ku jira dadka leh aqoonta sare sida cilmi-baareyaasha haysta shahaadada Master-ka, fanaaniinta, jilayaasha, suugaanyahanada, iyo dadka akaadeemiyada waxbarashada qaybaha ka ah.

    Aasaasayaasha ganacsiyada iyo daneeyayaasha maalgashanaya ugu yaraan 30,000 oo Yuuro ayaa iyagana codsan kara.

    Madaxweynaha France Macron ayaa ku doonaya qorshan in uu ku xoojiyo dhaqaalaha dalkiisa

    XIGASHADA SAWIRKA,EPA

    Qoraalka sawirka,Madaxweynaha France Macron ayaa ku doonaya qorshan in uu ku xoojiyo dhaqaalaha dalkiisa

    Malagaaga baahanyahay in aad Faransiis ku hadasho si’aad u hesho deggenaanshaha?

    Faransiiska ayaa dhawaan keenay xeerar adag oo ku aadan dadka deggenaanshaha raba ah, kuwaas oo soo jeedinaya in qofku luuqadda si fiican u yaqaanno.

    Dadka deggan Faransiiska iyo kuwa dalbanaya sannadaha degganaanshaha ayaa loo dalacsiiyay in ay caddeeyaan in ay ugu yaraan jajabsan karaan luuqadda.

    Laakiin waxaa jira war wanaagsan oo ah haddii aad hadda uun baranayso luuqadda waxaa laga saaray dadka baasaboorka hibadda codsanaya in aan lagu xujeyn bilowga.

    Si’aad u bilowdo haddaba dalbashada waa in aad haysato Baasaboor,sadex sawir oo dalbadaha, heshiis shaqo, caddeyn daboolidda baahidaada caafimaad intaad joogayso Faransiiska oo qiimaheeddu dhan yahay 30,000 Yuuro.

    Caddeyn ah in aad fiisahaaga soo gelitaanka bixisay. Codsigu waxuu qaataa illaa 12 toddobaad qiimahiisa lacageed oo dhana waxuu ku kacayaa 225 Yuuro.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

    September 3, 2025

    Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

    September 2, 2025

    Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

    September 2, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

    September 3, 2025

    Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

    September 2, 2025

    Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

    September 2, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.