Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay in beri oo Sabti ah ka dhacayo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday cilado farsamo aan la shaacin owgeed.
Qoraal goordhaw kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan warfaafinta ayaa lagu sheegay in shirkii Wadatashiga uu ku baaqay Madaxweynaha u baaqday cilado farsamo .
Xukuumadda qoraalka kasoo baxay ayaa kaliya lagu sheegay in shirka dib loo dhigay muddo kooban oon la cayimin, waxa uuna baaqashada shirkan imaanayaa xilli madaxda maamulada dalka qaarkood Muqdisho joogaan, halka kuwa kalana dalka ka maqan yihiin.
Madaxweynaha maamulka Puntland oo kamid ah madaxda lagu casuumay shirka ayaa horey uga biyo diiday in uu ka qeyb galo, Puntland ayaa sidoo kale horey qeyb uga noqon shirarkii hore ay u yeesheen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada.