SHIRKA HAGISTA XUKUUMADDA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAANTA FURMAY
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta furay Shirka Hagista Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle oo ay ka qeyb galeen Golaha Wasiirrada iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaarradaha.
Ugu horreyn waxaa xilka Wasiirnimo loo dhaariyay Wasiirrada kala ah Gaadiidka iyo Ganacsiga oo uu horay xilalkaasi ugu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Shirka ayaa lagu soo bandhiggay waxa u qabsoomay Wasaarad kasta iyo hiigsiga soo socda.
Madaxtooyadda Hirshabeelle oo ka duuleyso aragtida Madaxweynaha ayaa sharraxday sida shaqadda loo dardargelinayo, halka diirada la saarayo iyo qaabka loo hagaayo mashaariicda horumarineed ee taagan.
Sidoo kale safarka Madaxweynaha waxa ka qabsoomay iyo mashaariicda dhammeystirka u baahan ayaa looga hadlay shirka.
“Yoolkeenna waa in laga miro-dhaliyo wax walba oo horumar ah waa sababta maanta aan isugu imaanay Shirka Hagista Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle.”
Shirka Hagista Xukuumadda ee Dowladda Hirshabeelle ayaa socon doonno muddo 3-Maalin.