Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo shalay ku beegnayd waqtigii ay madaxdu ku ballameen ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, waxaa shirkaan daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnaha kale ee shirkaan ka qaybgala waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor, Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka maqan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhowaan isaga baxay shirka inkasta oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu sheegay in uu wadatashi u aaday deegaannada Dowlad-Goboleedkiisa.
Bixitaanka Axmed Madoobe waxaa ka horreeyay maalmo laga doodayay qaabka loo wajahayo Doorashada Dalka maadaama uu ku dooday in iyada oo aan loo dhammeyn haddii meel la iska dhigo Doorashada Dadweynaha ay noqoneyso mid kala dhantaalan, sidaas awgeed loo baahan yahay in la helo Dowlad-Goboleedka Puntland.
Kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa horay uga maqnaa Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni isaga oo maqnaashiyihiisa ku sababeeyay xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka oo meel fog tagay inkasta oo wadahadal uu dhawaan soo bandhigay in uu diyaar u yahay.
Weli si dhab ah loo helin qodobada maanta looga hadlayo Shirka Golaha Wadatashiga qaranka, haddii ay ka xaajoonayaan qodobadii qabyada u ahaa kulankii horraantii bishaan qabsoomay iyo haddii kuwo kale ay ka shirayaan.
La soco wixii kasoo kordha