Shirka Golaha Wadashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho, iyada oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, SSC Khaatumo iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka oo ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa guddoominaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyada oo sidoo kale uu goobjoog yahay Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka kowaad.
Qodobbada ugu muhiimsan ee la filayo in laga doodo waxaa ka mid ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo qabanqaabada doorashooyinka golaha deegaanka oo loo qorsheeyay dhammaadka bisha June ee soo socota.
Shirka ayaan waxaa ka maqnaan doona madaxda Puntland iyo Jubbaland, inkasta oo markan si rasmi ah loogu casuumay Maamulka SSC-Khaatumo.
Waxaa la filayaa in gabagabada shirka laga soo saaro war murtiyeed rasmi ah oo lagu muujin doono waxyaabaha lagu heshiiyay iyo jiheynta Doorashada.