Magaalada ayaa waxaa ka soconaya qabanqaabadii ugu dambeysay shirka – iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka goobta uu ka furmayo shirkan oo beesha Cali Madaxweyne oo kamida beelaha Xawaadle qabsaneyso.
Kulamo hordhac u ah shirka ayaana ka soconaya gudaha magaalada kuwaa oo u dhaxeeya madaxda iyo dhaqanka beesha.
Shirkan ayaa si weyn loogu lafa-guri doonaa masiirka beesha Cali Madaxweyne iyo arrimo kale oo muhiim u ah.
Waxaana lafilayaa inuu guul iyo natiijo wanaagsan kusoo dhammaado.