Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Wasiirka Caafimaadka XFS “Farmashigii iibinaya Dawooyinka maandooriye ahaanta loo adeegsado waan la xisaabtamaynaa

      September 12, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Shiikh Cabdi Xayi ‘ Xaramka waa in loo tagaa cibaado ee igu sawir ma fiicna’

    Shiikh Cabdi Xayi ‘ Xaramka waa in loo tagaa cibaado ee igu sawir ma fiicna’

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 6, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa si weyn loogu arkayey waayadii ugu danbeeyey dad u cimro iyo acmaal tagaya bogcadaha barakaysan ee Makkah iyo Madina, kuwaas oo hadda soo bandhiga muuqaalo iyo sawiro inta ay ku sugan yihin dhulkaas barakaysan.

    Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo kamid ah cullimada Soomaaliyeed oo BBCda la hadlay ayaa ka digay in arrintaasi ay wax u dhimi karayso acmaasha qofku uu tagay masaajidada barakaysan.

    “Qofka waxaa laga rabaa in hadafka uu mesha uga inuu xaqiijoyo, waxyaabaha dheerigaana iska dhaafo, arrintan waa mid cibaado ah oo ruuxa iyo rabbigiis ka dhaxaysa ,marka waxaa loo baahan in cibaadu mid uu alle ula gaar noqo ay noqoto” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

    “Ha lagu arko,ha lagu maqlo ama há lagaa sheego, waxay ka mid tahay waxyaabaha acmaasha buriya ama aadka iyo aadka u baabi’iya ayey arrintaasi ka mid tahay, marka waxa loo baahan yahay in Ikhlaas ama gaar yeelid cibaado mesho loo tago saasna loo guto” ayuu BBCda u sheegay Sheekh Cabdi Xayi.

    Waa fursad aysan muslimiinta oo dhami wada helin inay booqdaan dhulka barakaysan, laakiin Sheekh Cabdi Xayi, waxaa uu tilmamay in qofka muslimka ah ay tahay inuu diiradda saaro sidii ugu faa’iidaysan lahaa maalmaha kooban ee halkaa joogo inuu ku nooleeyo cibaado iyo acmaal waqtigiisa oo dhan:

    Dano gaara iyo u banbaxa cibaadada

    Sheekh Cabdi Xayi, wuxuu sheegay in waxyaaba waayadan soo baxay ee baraha bulshada laga arkayey ee dadka cibaadaadka ka mashquulinyaaan waxaa ka mid ah, “Qofku cibaadadiina wuu rabaa, wax kale oo dadka la wadaagana inuu ku dhex wato ayuu rabaa, marka qofkii meesha u aadanay inuu dano kale ku samaysto meesha waxaa ka baxaysa cibaadadii. Haddi alle dartis u aadayna inuu sidag ugu quruxda badan ayaa fiican” ayuu intaas ku daray.

    Isagoo ka hadlayey Sheekh Cabdi Xayi, sawirada iyo muuqaallada lagu mashquulo inta qofku ku sugan yahay Masaajidada barakaysan ayuu sheegay inay tahay halka shaydaanku ka so gala dadka loona baahan yahay in la iska ilaaliyo.

    Wuxuu sheegay in baraha bulshadu hadda dadka jaahweerinayaan, “ Kacbadan Tagay, ama halkaas maryey iyo halkaas ayaan tagay, waa wax runtii dadka ehlu khayrkaa aysan aad u jeclayn, marka waxaa laga yaabaa in cibaaddada qofka wax gaarsiiso.”

    “Waxaa laga yaaba in la iska ilaalo wixii meesha loo tagay oo waxyaabo kale lagu mashquulo sida View, iyo like ii saar ama shareta ii taabo inay kacbadii la gasho ayaa dhici karta, haddii marka mesha in View lagu soo badsado loo tagay wuxuu mesha u tagay ayey noqonaysaa ” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

    Maxay tahay in qofku sameeyo markuu tago dhulka barakaysan?

    Khadiibka masaajiddada barakaysan ee Xaramka iyo Masjidu Nabewi, Sheekh Cabdiraxmaan Al.-sudaysi ayaa qudhiisa ka digay muuqaalada iyo sawirda inta qofka muslimka uu ku jiro cibaado gudashada.

    Sheekh Sudaysi oo la hadleyey barmaajik warbaahinta Al-Akhbaariya ee afka carabiga ayaa sheegay in maalmaha lagu guda jiro bisha barakaysan ay muhiim tahay in lagu mashquulo akhrinta quraanka iyo acmaasha kahyrka leh inta la joogo guriga Eebe.

    Sheekh Cabdi Xayi ayaa sidaas oo kale sheegay in muhiimada loo booqdo dhulka barkaysan ay tahay in acmaal cimro ama xaj loo tago oo cibaado ah sidaas owgeedna ay muhiim tahay in iyada xooga la saaro.

    Wuxuu sheegay in dadka an Soomalida ahayn ee Muslimiinta ah markay Xaramka tagaan la arko buu yiri iyagoo aad u ooya ama cibaado uun u banbaxay balse wuxuu intaa ku daray in isagu xitaa la yaabo sida dadka waqti ugu helaan waxaan cibaado ahayn

    “Soomalideenii qalbi adayg baa ku dhacay, marka la kala garayo inay kacbadii joogaan iyo inay guryahoodii joogaa, meshaas maaha meel tamashle,maaha meel loo tagayo igu sawir, maaha meel loo tagayo ha laga arko, waa meel loo tagayo cibaado, waxyaahihii bananada iyo magaanada lagu hayey yaan la gayn meshaas barakaysan ” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

    Cimrada iyo gargaarka dadka danyarta ah

    Xajka

    XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

    Sida uu BBCda u sheegay Sheekh Cabdi Xayi, in cimrada iyo Xajkaba dadka gutaa ay tahay kuwa awood u leh inay gutaan balse hadiii sida uu hadalka u dhigay in qofku hal mar soo cimraysto ku noq noqoshadeeda ay ka muhiimsan tahay gargaarka dadka danyarta ah.

    “Qofku waa intuu karo, ama cimor há ahaado ama Xajj, intaas wixii ka danbeeya kharaashaad ku baxay ku noq noqashada gaar ahaan Soomaaliya waxaa laga yaaba qofka cimrada ku noq noqaya in dariskiisu uusan haysan waxay ku afuraan, taas ayaa ajar badan.”ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.