Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo qoraal culus kasoo saaray qorshaha berri ee BF

    Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo qoraal culus kasoo saaray qorshaha berri ee BF

    By radiohalgan.comMarch 29, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal xasaasi ah oo ku saabsan qorshaha berri lagu meel-marinayo wax ka beddelka dastuurka ee uu gadaal ka joogo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Qoraalka wada-jirka ah ee labada madaxweyne ayaa lagu sheegay in waxa berri ka dhici doona baarlamaanka ay muujineyso sida madaxweyne Xasan Sheekh uusan u danaynaynin wada-jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, oo uu ka shaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah.

    Waxay nasiib darro ku tilmaameen in madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u eegista dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay.

    Dastuurkan la rabo in lagu meel-mariyo hanaan sharci darro ah oo aanan haysanin aqbalaad bulsho iyo heshiis umadeed, marnaba uma aqoon doonno dastuur leh sharciyad iyo dhaqangal, maadaama uusan ka turjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobbadii tiir-dhexaadka u ahaa dib u heshiisiintii siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, sida awood qaybsiga,” ayaa lagu yiri qoraalka labada madaxweyne.

    Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

    Natiijada la sii ogyahay ee ay qorsheeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka soo baxdo fadhiga Labada Aqal ee loo ballansan yahay maalinta Sabtida ah 30ka Maarso 2024, waa mid sii cadayneysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan danaynaynin wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, oo uu kashaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah..

    Qorshaha haatan socda ee Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu kula wareego awoodaha Baarlamaanka iyo Guddoonka Labada Aqal ee la xisaabtan la’aanta xukuumadda, doorka hoggaamineed ee Ra’iisul-Wasaarah iyo hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan masuuliyadaha heer xukuumadeed iyo heer dowlad-goboleed ee soo xulista Guddiga Doorashooyinka waa mid caddeyn u ah nooca dastuurka iyo doorashooyinka uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

    Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay.

    Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan, kuna soo celiyaan Golaha shaqada ay wakiilka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ah ilaalinta sharciga iyo midnimada dalka.

    Dastuurkan la rabo in lagu meel mariyo hanaan sharci darro ah, oo aanan haysanin aqbalaad bulsho, iyo heshiis umadeed, marnaba uma aqoon doonno dastuur leh sharciyad iyo dhaqangal, maadama uusan ka turjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobbadii tiir-dhexaadka u ahaa dib u heshiisiintii siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, sida awood qaybsiga.

    Go’aan kasta oo baalmarsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, heshiiska siyaasadeed ee Madasha Qaranka oo markii horeba ay ka maqnayd Puntland iyo habraac si fowda ah loogu codeeyey oo aan heshiiska lagu aheyn ee Guddoonka Baarlamaanku ay ku doonayaan in ay ku meel mariyaan hindisaha halka dhinac ah ee dastuurka, waxa uu noqonayaa mid aan sharciyad haysanin.

    Haddii Madaxtooyadu ay ku sii dhago adeygto qorshahan halista ku ah qarannimada Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka soo qeyb-galayaan masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliyeed, kaas oo lagu ilaalinayo dowladnimada iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeena.

     

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.