Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sheekada “Ugaaska Soomaaliga ah ee isaga oo nool diyadiisa la bixiyo”

    Sheekada “Ugaaska Soomaaliga ah ee isaga oo nool diyadiisa la bixiyo”

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 13, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo noqonaya Ugaaskii 21-aad ee beesha Xawaadle ayaa maanta lagu caano-shubay deegaanka Daharro Ugaas oo ka tirsan magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.

    Ugaas Yuusuf ayaa badalaya aabbihii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Muqdisho ku geeriyeeday bishii Febraayo 2021.

    Haddaba maxa ay tahay sheekada ay la gaarka tahay deegaanka Daharo Ugaas?

    Ugaas

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Deegaanka Daharro Ugaas, ayaa u dhexeeya magaalooyinka Beledweyne iyo Buule-berde.

    Deegaankan ayaa taariikh ahaan ku caan baxay in lagu aaso ugaasyadii beeshaasu ay lahayd marka ay dhintaan sababtaa darted ayayna taariikh gaara ugu leedahay.

    XAYEYSIIN

    Dhanka kale, deegaankan ayaa ku yaal xuddunta deegaammada beeshaas.

    Beeshan ayaana soo yeelatay 21 dhaqan, taas oo sida ay noo sheegeen duqeytida deegaankaasi, laba keliya mooyee in inta kale isla hal deegaan lagu caleemo saaray.

    Waana arrin dhaqan ah, labada jeerna ugaaskii koowaaad mooyee marka labaad duruufo ayaa keenay in aan halkaa lagu caleemo saarin.

    “Waa dhaqan la ilaaliyo oo beeshuna way ilaalisaa, ugaasyadu way ilaaliyaan in halkaas lagu duugo oo lagu caleemo saaro, weliba qodobka duugitaanka waa qodob soo jireen oo aan laga leexin karin haddii aan duruuf gaar ahi aysan keenin’ ayuu BBC-da u sheegay Cilmi Faarax Nuur Webi, oo xilal hore uga soo qabtay dawladihii hore ee Soomaaliya, kana mid ah duqeytida beeshaas.

    Dhaqamada gaarka ah ee beeshan iyo ugaaskoodu la gaar yahay

    Ugaas

    XIGASHADA SAWIRKA,HIIRAANWEYN

    Beesha Xawaadle, ayaa ka mid ah beelaha Soomaalida kuwooda ugu adag dhanka dhaqanka.

    Waxaana ay marsiiyaan shuruudo gaar ah oo la xidhiidha xulashada ugaaska.

    Shuruudahan ayaa ka mid tahay in qofka ugaaska noqonaya uu ugaas dhalay ama uu la dhashay, sida oo kale waa in uu yahay qof ay soo jeediyaan jufada reer Ugaas ee beeshaas ka tirsan. Sida oo kalena waa in uu yahay nin diintiisa Islaamka iyo dhaqankiisaba la hubiyey.

    Qodobka ugu muhiimsan ayaana ah kolka la xulo, in ugaaskaas diyadiisa ama magtiisa la bixiyo, taas oo lagu qeexay in ay muujinayso in qofkaasi soo dhaafay ehelkiisa iyo jufadiisii ee uu yahay qof beeshaas oo dhan ka dhexeeya.

    “Ujeedka ayaa ah in wixii maalinkaa ka danbeeya ninkaasu aanu noqon qof ka tirsan jufada reer Ugaas ee uu noqdo nin Xawaadle leeyahay,” ayuu BBC-da uu sheegay.

    Ugaas

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Qoraalka sawirka,Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sanadkii 2021 ku geeriyooday Muqdisho

    Ugaaska hore ee beeshan Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa geeriyooday horraantii sannadkii 2021.

    Waxaana muddadaas maamulka reerkaas sii hayey ugaas ay leeyihiin reer kale.

    Markii la eego dhaqanka Soomaalidana marka uu ugaas geeriyoodo caadiyan kusime reerka u diyaarsanaa ayaa isla markiiba si kumeel gaar ah xilka u sii qabta, hasayeeshe beesha Xawaadle oo uu Ugaas Xasan ka baxay waa ay ka duwan tahay oo waxaa ugaasnimada ku sii simaya ugaaska beesha Cayr oo sii ahaa ugaaska Xawaadle ilaa iyo inta laga caleemo saarayey ugaaska cusub.

    Qaar ka mid ah madaxda sare ee ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa ka qayb galay caano-shubka Ugaaska, waxana magaalada Halgan maalmihii ugu dameeyay ku qulqulayay boqollaal qof oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

    Taliyaha NISA Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbalooshe iyo xubno ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa shalay u tagay gobolka Hiiraan ka qaybgalka caano-shubka Ugaaska.

    Saldanadda beeshan ayaa kamid ah kuwa ugu faca weyn dhulka Soomaalida, waxana si weyn reerka dhexdiisa looga ixtiraamaa Ugaaska markaas xukunka haya.

    BBC SOMAli

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dabley hubeysan oo laba ruux ku dilay magaalada matabaan duleedka

    May 6, 2025

    Wararkii u dambeeyay dagaal ka dhacay Aboorey iyo dhaqdhaaqyo ka socda deegaankaas

    April 23, 2025

    Dhageyso:-Dhagaweyne oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa beeniyay warar shaqsiyaad u adeega Argagixisada baraha bulshada ku baahiyeen

    February 26, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.