Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sheekada jilaagan ka qoslin jiray bulsho ay Soomaalidu ka mid yihiin, aanse farxad ku helin gurigiisa

    Sheekada jilaagan ka qoslin jiray bulsho ay Soomaalidu ka mid yihiin, aanse farxad ku helin gurigiisa

    By radiohalgan.comMarch 6, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kani waa majaajileystaha jilaaga ah ee reer Nigeria John Okafor, oo loo yaqaano Mr Ibu, oo aan inta badan u baahnayn in uu afka furo si uu dadka uga qosliyo.

    “Hal mar ayaa la ii doortay ina an dhaqtar ka jilo filin, markii aan imid goobta anigoo sida dhakhtar u lebisan, dhammaan shaqaalihii ayaa qosol la dhacay, xitaa aniga oo aan waxbaa dhihin,” ayuu yiri isaga oo dib u xasuusanaya.

    Jilaagan oo 62 jir ku dhintay ayey geeridiisu murugo ku reebtay qoyskiisa, asxaabtii iyo taageerayaasha shirkadda filimada ee Nigeria ee Nollywood oo si fiican looga daawado guud ahaan Afrika.

    Waxa uu masraxyada jilista kasoo muuqday sannadkii 2004-tii, filimkii Mr Ibu, kaas oo ka sheekaynaya safarka nolosha ee aabe caan ah iyo wiilkiisa, iyaga oo galay dhibaatooyin taxane ah oo khiyaano, iyo qosol leh. ” Wejigiisa iyo jidhkiisa waxay ahaayeen waxa ugu weyn ee dadka ka gaday,” ayuu agaasimaha filimada Babangida Bangis u sheegay BBC, isagoo ka soo horjeeda inta badan jilayaasha majaajilada ee isticmaala erayo ay dadka kaga qosliyaan.

    “Mr Ibu wuxuu ahaa mid ka duwan, waayo xitaa ma aha inuu hadlo si loogu qoslo, maadaama wajigiisa sida Mr Bean [Rowan Atkinson] uu samayn doono shaqadii [hadalka],” ayuu yidhi.

    Runtii, mid ka mid ah muuqaallada caanka ah ee Mr Ibu iyo midka isbaray isaga daawadayaasha Afrikaanka ah, kuwo ay ku jireen kelmadu aad u kooban.

    Filimka Mr Ibu, isaga iyo wiilkiisa ayaa ku soo laabanayay gurigooda beer ay ka shaqeynayeen, waxaana ay wateen hal baaskiil.

    Markii hore, aabbuhu wuxuu u oggolaaday wiilkiisa inuu fuulo baaskiilka.

    Laakiin dadkii meesha marayay ayaa joojiyay si ay u waydiiyaan sababta wiilku u ixtiraami waayay aabbihii oo da’ ah oo uu isagu u wato baaskiilka.

    Markaa way is baddaleen.

    Kadib qof kale oo meesha maraya ayaa sheegaya in aabuhu uu yahay qof xun maadaama uu isagu baaskiilka saaran yahay halka uu wiilku lugaynayo.

    Markaa labadooduba waxay go’aansadeen in ay socdaan oo midkoodna uusan baaskiil wadin.

    Dabadeed dadku waxay ugu yeedheen kuwo aan caqli-gal ahayn maadaama ay lugaynayaan iyaga oo baaskiil haysta.

    Filimku aad buu u guulaystay oo waxaa laga sameeyay afar taxane, Okafor waxaa si fudud loogu yaqaannay Mr Ibu.

    Mideynta Nayjeeriyada kala qaybsanayd

    Waxaa sidoo kale si weyn loogu xasuusan doonaa waqooyiga Nigeria, maadaama uu ka mid ahaa jilayaashii Nollywood-ka ee u soo gudbay dhanka filimada ee xaruntoodu tahay waqooyiga magaalada Kano, ee loo yaqaan Kannywood, taasoo guud ahaan ay hoos u eegaan kuwa koonfurta ka soo jeeda.

    Filimkiisii ugu caansanaa ee uu ka sameeyay Kannywood waxa uu ahaa filinka ku baxayey afka Xawsaha ee Hajiya Babba oo ku saabsanaaa laba wiil oo ka lumay koonfurta Nigeria kuwaas oo aabbahood waqooyi ka raadiyay nolol cusubna la bilaabay.

    “Wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwii gacan ka geystay in la soo afjaro farqiga u dhexeeya [labada dhinac] iyo midnimada Kannywood iyo Nollywood isagoo aaday waqooyiga si uu wax uga qabto,” Bangis ayaa xusay.

    Jilaagan waxa uu dhashay 17-ka Oktoobar sannadkii 1961, waxa uu ka soo jeedaa koonfurta bari ee gobolka Enugu, kaas oo soo saaray liis dheer oo xiddigaha Nollywood ah.

    Okafor ma lahayn carruurnimo sahlan, isaga oo u guuray magaalo kale horaantii noloshiisa si uu ula noolaado walaalkiis, wuxuuna qabtay shaqooyin hoose si uu u noolaado oo uu u taageero qoyskiisa.

    Ka dib markii uu isku dayay xirfado gacmeed laga soo bilaabo habaynta timaha ilaa sawir qaadista, waxa uu aaday bandhig filimeed halkaas oo uu ku arkay jilaaga caanka ah ee Pete Edochie oo arkay kartidiisa oo albaabada u furay Nollywood.

    ‘Kani waa guurkaygii iigu xumaa’

    Tan iyo markii lagu dhawaaqay dhimashadiisa, tacsiyada ayaa ku soo qulqulayay.

    Majaajiliistaha caanka ah ee reer Nigeria Bovi ayaa ku tilmaamay Mr Ibu mid ka mid ah wanaagsan.

    “Geerida John Okafor oo sidoo kale loo yaqaan Mr. Ibu waa cutub murugo leh oo taariikhda madadaalada Nigeria ah. Aynu ku kalsoonaano xaqiiqda ah in shaqadiisa ay ku noolaan doonaan oo ay dhiirigelin doonaan jiilalka aan dhalan. Alle hΓ‘ u naxariistii wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu wanaagsan “Bovi ayaa ku qoray X.

    Wasiirka Dhaqanka ee Nigeria Hannatu Musawa ayaa ku tilmaantay in uu yahay magac qoys oo qoysas badan ka qosliyey intii uu ku jiray xirfadiisa.

    Caafimaad darrada jilaagan ayaa markii ugu horreysay soo shaac baxday sanadkii hore. Mid ka mid ah lugihiisa ayaa la gooyay bishii Nofeembar ka dib markii taageerayaashu ay ugu deeqeen qorshe dad badan ay ku bixinayaan qarashaadka caafimaadka.

    Waxaa la rumeysan yahay in jilaagan uu qabay xanuunka macaanka, balse qoyskiisu ma shaacin sabata dhimashadiisa.

    Inkasta oo uu farxad badan u keenay dad badan, waligiis farxad kama helin dhinaca gudaha.

    Waxa uu guursaday shan jeer, kuwaas oo intooda badan ku dhammaaday furriin qadhaadh.

    Waxa uu dhawaan guurkiisii shanaad ku tilmaamay in uu xitaa ka farxad yar yahay guurkiisii hore.

    “Kani waa guurkaygii ugu dambeeyay, haddii kan uu burburo, mar dambe ma guursan doono. Kani waa guurkii shanaad iyo guurkii iigu xumaa,” ayuu u sheegay mareegta wararka ee Nigeria ee Daily Post horaantii sanadkan.

    Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in uu ifka kaga tagay 13 caruur ah balse qaar ka mid ah caruurtan ayuu sidoo kale walaac ku abuurmay.

    Kadib markii taageerayaashiisu ay lacag ugu deeqeen qalliinkiisa, wiilkiisa Daniel Okafor iyo gabadha uu soo korsaday ee Jasmine Chioma ayaa la xiray iyagoo looga shakiyay in ay jabsadeen taleefankiisa oo ay ka qaateen lacag dhan $60,700. Waa ay diideen eedeymaha.

    In kasta oo aanu in muddo ah jilin filim cusub, haddana waxa uu sii waday firfircooni ilaa ay caafimaad darro ka joojiso.

    Bishii Oktoobar 2020, wuxuu sii daayay labo kali ah, oo cinwaan looga dhigay gabadhan iyo ma taqaanaa, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ahaayeen mashruucii ugu dambeeyay.

    Si kastaba ha ahaatee hindisihiisa fanka ma ahayn mid guulaysta, waxaana mar walba lagu xasuusan doonaa in uu ahaa ninkii qosolka keenay guryaha Afrika oo dhan.

    Taageere Aminu Hamisu ayaa sheegay inuu abaal marin doono jilaagan isagoo dib u daawan doona qaar ka mid ah filimadiisii hore ee Youtube-ka ku jira.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waxaa farxad iyo guul weyn ii ah in aan soo gabagabeeyo buuggii aan muddo dheer ku hawlanaa, kaas oo cinwaankiisu yahay Halgan

    January 25, 2026

    Sama fale Cabdicasiis Muudeey oo u dhaq-dhaqaaqa caawinta bulshada dan yarta ah ayaa weli wada caawinta iyo afurinta qoysaska danyarta ah ee beledweyne ku sugan. (SAWIRRO)

    March 19, 2024

    Sida khuuradu u dhibaateyn karto guurkaaga iyo xalka looga bogsan karo

    March 19, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.