Guushii ugu dambeysay ee ENGLAND ay ka gaarto Brazil waxay aheyd guushii Wembley ee jiilkii dahabiga ahaa.
Wayne Rooney iyo Frank Lampard ayaa dhaliyay goolasha iyadoo kooxda Roy Hodgson ay 2-1 ku badisay ciyaar saaxiibtinimo oo ay ugu dabaaldegayeen 150 sano oo xiriirka kubada cagta ah 2013.
Ashley Cole ayaa kulankiisii 100-aad u ciyaaray xulka waxana uu la ciyaaray Steven Gerrard, kaasoo saftay kulankiisii 101-aad, waana markii ugu horreysay oo labo xiddig oo xulka ah tiradaas wada gaadhaan.
Guushu waxay ahayd mid aad ugu macaan Cole maadama uu ahaa xiddigii ka badbaaday guuldaradii wareegii 8 dhamaadka koobkii adduunka 2002 ay kala kulmeen xulka Brazil.
Ciyaaryahan Ronaldinho ayaa dhaliyay laad xor ah halka Ronaldinho laga qabtay rikoodhe.