Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025

      Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sharmaake Amin: ‘Sida riyadeydii saxaafadda afka Soomaaliga ay markale dib ugu rumowday dalka aan qaxootiga ku noqday’

    Sharmaake Amin: ‘Sida riyadeydii saxaafadda afka Soomaaliga ay markale dib ugu rumowday dalka aan qaxootiga ku noqday’

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comSeptember 23, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sharmaake Abuukar Amiin oo ah nin dhalinyaro ah oo muddo ku soo jiray mihnadda saxaafadda waxa uuna noloshiisa inta badan ku soo qaatay Soomaaliya, balse sanadkii 2016 kii ayuu dalka Finland ku soo galay qaxootinimo.

    Xilligaas cabsida ugu weyn ee uu wajahayay ayaa ahayd in uu dib ubilaabi waayo xirfadiisii wariyanimada taas oo uu muddo badan ku soo jiray sidoo kalena waxbarashadiisu u badneyd.

    Balse waxa uu muddo ka dib dareemayaa in riyadiisii ay dib u rumoobi doonto kadib markii uu maqlay warka sheegaya in talafishinka dalka uu qaxootiga ku noqday uu bilaabayo laan ku baxda luuqadiisa hooyo.

    Waxa uu rajo ka qabaa in shaqo ka helo talafishinka qaranka.

    “In aan la shaqeeyo talafashinka qaranka dalka Finland, waan rajeynayaa waxa ayna iila mid tahay sida saaxiibadey ay fursad uga heleen BBC-da qeybta af-Soomaaliga oo kale,” ayuu yiri Sharmaake Abuukar.

    Cabdiwali Xaashi oo ah wariye ka tirsan talafishinka Yle ee dalka Findland ayaa BBC-da u sheegay in talafashinka uu u ogolaaday in la baahiyo warar iyo barnaamijyo ku baxaya afka Soomaaliga.

    Talafashinka barnaamijkiisa Soomaaliga oo berri hawada soo gali doona ayaa sii dayn doona warar kooban oo Soomaalida iyo caalamka ah iyo barnaamij la xiriira sida lagu helayo dhalashada dalka Finland, iyo arrimo qaxootiga quseeya.

    Cabdiwali Xaashi iyo Xoriyo Cabdulqaadir

    Xigashada Sawirka,Wali Hashi

    Qoraalka sawirka,Cabdiwali Xaashi iyo Xoriyo Cabdulqaadir ayaa ah wariyayaasha lagu furayo laanta afka Soomaaliga ee uu yeelanayo talafashinka qaranka dalka Finland.

    Talafashinka ayaa saacado kooban oo ah in barnaamijyada lagu baahiyo siiyay qeyb afka soomaaliga ah iyo daqiiqado dhanka wararka ah sida uu Wali Xaashi BBC-da u sheegay.

    Laanta ku bixi doonta afka Soomaaliga waxaa ka howlgalaya Cabdiwali Xaashi iyo Xoriyo Cabdulqaadir oo labadooduba ay soo tabin doonaan wararka iyo barnaamijyada ku baxaya afka Soomaaliga.

    Talafashinka qaranka dalka Finland, ayaa leh luuqado badan oo ay kamid yihiin Ingiriis, Ruush, Ukraine, laanta afka Soomaaliga ayaana noqotay luuqadii afaraad ee uu talafashinku yeesho, iyadoona la filayo in luuqado kale oo Carabigu kamid yahay ay kusoo kordhaan.

    Cabdiwali Xasan Xaashi waxa uu dalka Finland, daganyahay muddo gaareysa 34-sano waxa uuna talafashinka qaranka dalka Finland ku biiray sanadkii 2009-kii, kahor waxa uu ka shaqeynayay warbaahinno kale oo dalkaas ka shaqeeya.

    Sidee u arkaan Soomaalida ku nool Finland?

    Eng Yuusuf Maxamed Mubaarak oo kamid ah dadka muddada badan ku nool dalka Finland, ayaa BBC-da u sheegay in ay wax wayn uga dhigan tahay in luuqadooda hooyo lagu sii daayo wararka talafishinka qaranka dalkooda Finland, oo ah waddan ay ku dhaqan yihiin dad badan oo asal ahaan ka ymid dalal ay ka mid tahay Soomaaliya,

    “Runtii aad baan u soo dhaweynayaa in luuqadeena lagu soo kordhiyay talafashinka qaranka, waxa aan is leeyahay in wax badan ay badali doonto,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed.

    Yuusuf Maxamed Mubaarak

    Xigashada Sawirka,Yuusuf Maxamed

    Qoraalka sawirka,Yuusuf Maxamed Mubaarak waxa uu ku noolyahay dalka Finland

    Dhanka kale waxa uu sheegay in tani ay caawineyso in dadka ay helaan xogo saxan oo luuqadooda ku baxeysa iyo in wararka caalamka oo ay kamid yihiin dagaalada jira ay la socon karaan.

    Yuusuf ayaa sheegay in talafashinka oo ah midka dalka ugu weyn oo dadka dhan ay la socdaan laga helo warar ku baxaya luuqadooda ay u tahay dhiirigalin iyo in jaaliyadaha kale ay la tartamaan aadna ugu faraxsanyihiin.

    Cabdiwali Xasan Xaashi iyo qaar kamid ah dadka hormuudka u ah Soomaalida Finland ayaa u sitaagay sidii ay ku heli lahaayeen laan ka tirsan talafashinka qaranka taas oo baahisa warar iyo barnaamijyo ku baxa afka Soomaaliga, sida uu u sheegay BBC da.

    Furitaanka laantaan ayaana fursad u noqon karta Sharmaake Abuukar iyo dhalinyaro kale kuwaas oo ku nool dalka Finland, cabsina ka qabay in ay waayaan goob ay ku sii wataan mihnadooda.

    Sharmaake hadda ma ahan qaxooti, waxa uu qaatay dhalashada dalkaas waxa uuna ku noolyahay magaalada Helsinki ee caasimadda dalka Finland, waxaa jirtay cabsi ka heysatay dhanka shaqada maadaama uu waqtigiisii u badnaa ku dhexjiray saxaafadda, balse markii uu maqlay xogta ah in talafashinka qaranka dalka Finland, uu sameynayo laan ku baxda afka Soomaaliga taas oo baahineysa warar iyo barnaamijyo quseeya Soomaalida dalkaas waxa uu dareemay in rajadiisa ay dib u soo noolaatay.

    “Xaqiiqatan wararka af-Soomaaliga ah ee uu bilaabayo talafashinka qaranka dalka Finland, waxa ay iitahay wax aad iyo aad aan ugu faraxsanahay, dadka wadankaan jooga ee Soomaalida ahna waxa ay u tahay wax fiican,” ayuu yiri Sharmaake.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.