Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025

      Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

      September 9, 2025

      Puntland oo kahor timid go’aan kasoo baxay dowladda Federaalka

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Shaqaalihii ugu badnaa ee DF oo iska dhiibay Yurub iyo Mareykanka iyo sababta

    Shaqaalihii ugu badnaa ee DF oo iska dhiibay Yurub iyo Mareykanka iyo sababta

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 15, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    12 bilood ee lasoo dhaafay shaqaalihii ugu badnaa ee dowladda Soomaaliya ayaa goostay kadib markii la siiyay Fiisooyin shaqo iyo kuwa dalxiis.

    Waxay iska dhiibeen Yurub iyo Mareykanka. Waxaana la xaqiijiyay in shaqaalahan ay badi ka baxsadeen wasaaradaha xukuumadda federaalka, bangiga dhexe, xafiiska guddoonka baarlamaanka, hoggaanka ciidamada, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’addaha sida gaarka ah u taagan ee dowladda Soomaaliya.

    Inkasta oo marwalba ay jiri-jireen dad ka baxsada dowladda Soomaaliya markii shaqo ama aqoon kroorsi loogu diro Yurub iyo Mareykanka, haddana dadka aan arrintaan wax ka weydiinay ee dowladda Soomaaliya ka tirsan waxay sheegeen in 24 bilood ee lasoo dhaafay ay tiro beel noqdeen dadka baxsanaya.

    Baxsadka qaar waxaa fududeyntooda qeyb ka ah xubno madax ka ah wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid xubnaha aan arrintaan wax ka weydiinay.

    Dadka baxsaday waxay iskugu jireen shaqaale rasmi ah, kuwa kumeel-gaar ah balse maray tirakoobkii ugu dambeeyay iyo kuwo mashaariic ku qorna oo heli jiray lacago badan.

    Sababaha ayaase ah xiisaha sheekada

    Dadka baxsaday waxaa ku jiray dad dhowr jeer tababaro iyo shaqooyin loogu qaaday Yurub iyo Mareykanka oo aan horey u baxsan jirin, laakiin markaan waa baxsadeen.

    Dadka isdhiibay qaar waxay sheegeen inay u baqeen in shaqadooda laga beddelo oo dad kale ay dad madax ah u xoogaan. Kuwii mashaariicda ku qornaa ee isdhiibay qaar waxayba haystaan daliilo la xiriira dad mashaariicda ay ku qornaayeen laga tiray oo wasiirada qaar ay ku qorteen dad ehelkooda ah.

    Nuxurka doodda dadka baxsaday badankood waa halis ay ka dareemeen shaqooyinkooda, maadaama dadka xilalka loo dhiibay uu mid walba wato saaxiibo iyo ehel, si uu u maareeyana ay qasab ku tahay inuu kuwii hore meesha ka saaro.

    In dad dowladda u shaqeynayay toban sano kabadan oo qaranka hanti badan geliyay, jooga xilligii laga faa’iideysan lahaa waayo-aragnimadooda, markii hore soo laaban jiray haddii la diro, inay maanta rejo beel u baxsadaan ma ahan farriin u wanaagsan nidaamka tallada haya ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Dowladnimadu waa inay rejo abuurto oo ay jiilka maanta jooga dareensiin karto inay barwaaqadu soo dhowdahay, oo ay tusi karto astaamo ku qancin kara inay dalkooda iimaansadaan.

    Laakiin hadda waxaa muuqata inay wax walba dhanka taban u socdaan oo madaxdii dowladda qaar ay dowladda shisheeye deegaan weydiisanayaan, oo hanti boobkii uu xadhkaha goostay, oo siyaasad ahaan la isku sii nacayo oo qabyaaladii xoogeysatay, hab-dhaqanka kooxda xukunka haysatana uu yahay mid sii niyad-jabinaya dhalinyarada Soomaaliyeed.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.