Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Shan waxyaabood oo ay dumarku had iyo jeer ka eegaan ninka ay nolosha la wadaagayaan

    Shan waxyaabood oo ay dumarku had iyo jeer ka eegaan ninka ay nolosha la wadaagayaan

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 11, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dhowr sahan oo la sameeyay ayaa lagu soo uruuriyay waxyaabaha ay inta badan doonayaan dumarka marka ay timaaddo xulashada qofka ay nolosha la wadaagayaan. Waxaan halkan idikugu soo gudbineynaa qaar ka mid waxyaabaha ay eegeen dumarka doonaya inay xushaan ninka ay rabaan inay nolosha kula midoobaan.

     

    1: Naxariista

    Taageer lammaanahaaga oo dhiirigelin u samee xilliyada adag.

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Taageer lammaanahaaga oo dhiirigelin u samee xilliyada adag.

    “Naxariis” ayaa kaalinta koowaad kaga jirta liiska waxyaabaha ay dumarku ka rabaan ninka ay nolosha la wadaagayaan sida lagu sheegay daraasad la daabacay 2019.

    Sahankaas ayaa ayaa ahaa mid ay ka qeyb qaateen 68,000 oo haween oo ku kala sugan 180 waddan. Boqolkiiba 88 dumarkaas ayaa waxay sheegeen in naxariista ay tahay muhiimadda koowaad ee laga eego qofka aad nolosha la wadaageyso.

    Daraasad kale oo la sameeyay 2013 ayaa lagu ogaaday in naxariista qofka kale loo galo ay tahay sifo aad loo jecel yahay ee cilaaqaadka muddada dheer.

    Intaa waxaa dheer, muhiimaddeeda waxaa ku celceliyay khubarada sida borofisarad la yirahdo Dr. Suzanne Degges-White. Waxay qoraal cilmi-nafsiga ah ku tiri:

    “Haweenku waxay ragga ka doonayaan inay u muujiyaan naxariis, dulqaad, faham, jiljileec, iyadoo aan loo eegin nooca xiriirka, ragga iyo dumarka waa inay tixgeliyaan dareenka midba midka kale.”

    Sidee naxariista loo muujiyaa?

    Si joogto ah u muuji mahadnaq iyo qaddarinta lammaanahaaga.

    Samee ficillo tixgelin oo faraxad gelinaya.

    U dhageyso si firfircoon oo naxariis leh marka lammaanahaagu hadlayo.

    Taageer lammaanahaaga oo dhiirigelin u samee xilliyada adag.

    Baro dulqaadka si aadan xaaladda uga sii darin marka ay shucuurta lamaanahaaga kacsantahay.

    2: Taageerada

    Yaa raba lammaane aan joogin marka arrimuhu adkaadaan?

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Iyadoo 86.5% haweenku ay sheegeen inay aad muhiim ugu tahay naxariista lammaanaha ayay sidoo waxay isla sahankaas ku muujiyeen in ‘taageeridda’ ay ahayd sifada labaad ee ay aadka u eegaan marka ay timaaddo xulashada lammaanaha.

    Dr. Degges-White ayaa sidoo kale xusay in taageerada ay ka mid tahay “doorka aasaasiga ah.”

    Waxayna u muuqataa in tani aanay waxba iska beddelin sannadihii la soo dhaafay. Sahan la sameeyay 2008-dii ayaa lagu ogaaday in “dabeecad la isku halleyn karo” ay tahay taageerada taas oo ay haweenka jecel yihiin.

    Yaa raba lammaane aan joogin marka arrimuhu adkaadaan? Dhammaanteen waxaan jecelnahay inaan helno tiir aan cuskanno.

    3: Kalsoonida

    Wax qarsoodi ah maaha in kalsoonidu ay tahay sifo qurux badan oo soo jiidasho leh marka loo eego ragga iyo dumarkaba. Sahanka ayay boqolkiiba lixdan haweenkii la wareystay ay ku sheegeen in kasoonida ay aad muhiim u tahay marka ay xulanayaan ninka ay nolosha la yag-leelayaan.

    4: Hamiga

    Waxay sheegeen inay aad u muhiim u tahay inuu qofka hami leeyahay

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Waxay sheegeen inay aad u muhiim u tahay inuu qofka hami leeyahay

    In qofka ay nolosha la wadaagayaan ayay qaar badan oo ka mid ah haweenkii la wareystay ay sheegeen in muhiim tahay in lammaanahooda uu leeyahay hami sare. Ragga ayaa inta badan lagu yaqaanaa ama aad u daneeya in gabadha ay doonayaan inay guursadaan ay leedahay hami sare ka leedehay nolosha.

    5: Qaab-muuqaalka

    Haweenkii lagu wareystay sahanka ayaa sheegay in qaab-muuqaalka uu muhiim u yahay haweenka. Haween badan ayaa sheegay in soo jiidashada jirka iyo labiska qofka ay nolosha la wadaagayaan ay aad u daneeyaan inkastoo kuwa kale ay sheegeen inuusan aad muhiim ugu hayan qaab muuqaalka.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.