Warar cusub ayaa waxay ka soo baxayaan Diyaaradii Helikobtarka ee la dhacday Madaxweynihii dalka Iiraan iyo wafdigii la socday, kuwaa oo dhammaantood ku geeriyooday shilkaasi diyaaradeed..
Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Asaasiga ee dalka Türkiye, Abdülkadir Uraloğlu oo Wareysi Khaas ah siiyey Telefishinka TRT Haber ayaa ka hadlay Shilkii Helikobtarka uu saarnaa Madaxweynihii Iiraan, Ibrahim Raisi iyo Koox Saraakiil ah.
Waxa uu tilmaamay inay cillad ka jirtay Nidaamka Calaamad-bixinta Jiheynta ee lagula socdo Dhaqdhaqaaqa iyo Baadi-goobka Diyaaradaha, oo xilligii uu Shilkaasi dhacayey u muuqday mid dansanaa.
“Iiraan waa dal ku jira Deegaanadeena aan mas’uulka ka nahay ee Badda ee Baadigoobka dhinaca Hawada Sare iyo Gurmadka, waana taasi waxa aan u ilaalayno Calaamadaha dhamaan Gaadiidka Hawada iyo kuwa Baddaha” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Asaasiga ee dalka Türkiye.
Waxa uu intaasi ku daray inay marka hore eegeen haddii uu shaqaynayo Nidaamka Calaamad-bixinta Jihaynta ee lagula socdo Dhaqdhaqaaqa Diyaaradaha (Signal System) ee Helikobtarka iyo in kale.
Dhinaca kale, Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Asaasiga ee dalka Türkiye, Abdülkadir Uraloğlu waxa uu Wareysiga Khaaska ku shaaciyey inay sida uga dhaqsaha badan ula xiriireen dhinaca Dowladda Iiraan.
” Waa Waqti hore haddii laga hadlo waxa sababay Shilkii Helikobtarka ay ku geeriyoodeen Madaxweynihii dalkaasi iyo wafdigii la socday” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Asaasiga ee dalka Türkiye.
Waxa uu intaasi sii raaciyey in Nidaamka Calaamad-bixinta lagula socdo Dhaqdhaqaaqa Diyaaradaha ee Helikobtarka uu ahaa mid la damiyey, ama uusan gebi ahaan Signalka ka jirin Aaga ay Diyaarada Helikobtarka dul maraysay ama ay ku dhacday.
Abdülkadir Uraloğlu waxa uu xusay inay weli u muuqato inuu Shil qabsaday Helikobtarka iyo inay garwaaqsan yihiin in Cimiladu xilligaasi ahayd mid Ceeryaamaysan ( A foggy weather).
Si kastaba, Diyaarada Helikobtarka ee shalay burburtay waxaa ku wada geeriyooday Madaxweynihii dalkaasi, Ibrahim Raisi, Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Hossein Amir-Abdollahian, Guddoomiyihoo Gobalka East Azerbaijan Iiraan iyo xubno kale.
W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar