Wafdi ka socda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaaqyo ciidan oo ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Gedo.
Wadigan ayaa waxaa horkacayay wasiirka amniga JubbalandΒ Sarreeya Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo uu wehliyo wasiru dowlaha wasaaradda amniga Maxamed Cabdi Kaliil, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha ciidanka Daraawiishta Gedo iyo masβuuliyiinta maamula degmada Ceelwaaq.
Ujeedka safarka masβuuliyiintan ayaa ah mid loogu guur galaya ammaanka iyo sidoo kale qalabeynta ciidamo cusub oo loo diyaariyay inay ka hortegaan weerarada Al-Shabaab.
Wasiir Dhuumaal oo khudbad u jeediyay ciidamadaas oo la qalabeeyay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay kamid yihiin Daraawiishta Jubbaland.
βSaacaddan laga bilaabo waxaa tihiin ciidan kamid ah Jubbaland oo Daraawiish ah xuquudiina mushaar ama raashin waxaad ku leedihiin dowlad goboleedkaβ ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay βAnnaga waxaa rabno kaliya waxaa waayay inaan aragno wiil Soomaaliyeed oo dalkiisa difaacanayo, wiil Soomaaliyeed oo deegaankiisa difaacanayoβ.
Dhinaca kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday cabsida laga qabo in Al-Shabaab ay dib u qabsato Ceelwaaq marka ay baxaan ciidanka Kenya ee qaybta ka ah ATMIS, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in qorshahaas ay ku dhaqaaqaan, balse iyagu ay ka hortegayaan.
βWar Khawaarijtaas meesha taag taagan oo leh hadda marka ay ciidamada Kenya baxaan Ceelwaaq ayaan qabsaneynaa ku hayo war miyaan u ogolnay inay qabsadaan?#8221; ayuu yiri.
Deegaanada Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay sida weyn ugu xoogan tahay kooxda, waxayna badanaa ka fulisaa weeraro ay ku qaado fariisimaha ciidamada huwanta ah.
Dhowaan ayaa la filayaa in gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

