Senator Fatima Payman katirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Dalka Australia ayaa weerar toos ah ku qaadday Israaiil iyada oo sheegtay in ay xasuuq ka dhan ah bani aadamnimada ay ka gaysteen ciidankeeda dhulka Falastiin.
Haweeneydaan asal ahaan kasoo jeeda Dalka Afgaanistaan ayaa sheegtay in dunida ay ku daawanayso waxa ay Israaiil samaynayso taasi baddelkeeda loo baahan yahay in meel looga soo wada jeysto si wadajir ah loogana hortago aafada ku socota dunida.
Fatima ayaa intaas ku dartay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah maadaama waxa dhaca ay yihiin dhacdooyin si toos ah loo daawan karo lana heli karo xogaha iyo macluumaadka la xiriira sida ay hadalka u dhigtay.
“Arrintaan taagan waa in aanay indhaha ka qabsan oo aan diidnaa, Israaiil Xasuuq ayay ka gaysatay Falastiin, damiirkeyga aad ayuu u diidan yahay arrintaan waana in aan ugu yeeraa waxa dhacaya in uu xasuuq yahay” ayay tiri Senator Fatima Payman.
Ciidanka Israaiil ayaa weerar Cir iyo Dhul ah ku qarqiyay Magaalooyinka Dhulka Falastiin, si aan dareen lahayd ayay u beegsadeen goobaha ka fog colaadaha sida Isbitaallo, Xeryo Barakac, Iskuullo intooda badan hoostaga Qaramada Midoobay iyo goobo kale.
Dalka Koofur Afrika ayaa horay dacwad ka dhan ah ‘Bani aadamnimada’ u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah loona soo gaabiyo ICC iyada oo ay eeganayaan Dalalka Carabta oo intooda badan afkooda juuqda gabay.