Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo khudbad ka jeediyay madal la isugu keenay siyaasiyiin & madax-dhaqameedka beelo kasoo kala jeeda Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ka digay in dib loo abuuro xiisad cusub.
Qaybdiid ayaa labada Dowlad-Goboleed ee Puntland iyo Galmudug usoo jeediyay in ay Mas’uuliyad gaar ah iska saaraan marka ay wada-xaajood galayaan dhaqanka labada dhinac si qodobada loo arko in aanay xal ahayn meesha looga saaro.
Ka mas’uul ahaan waxa uu intaas ku daray in uu garab taagan yahay in si nabad ah oo walaaltinimo ku dheehan tahay ay u wada noolaadaan beelahaan walaalaha ah ee xad-wadaagga ah isla markaana danaha badan isaga darsan yihiin.
Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaa muddooyinkii dambe fidsanayd gogol nabadeed oo lagu soo afjarayay tabashooyinka ay kala qabaan beelo walaalo ah oo horay halkaas ugu dagaalamay si nabadda loo xoojiyo.