Khabiir ku sugan magaalada Madrid ayaa shaaciyey qiimaha uu ku kacayo guriga uu xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ka degay magaalada Madrid, halkaas oo isaga iyo qoyskiisuba ay u guuri doonaan kaddib marka la dhamaystiro heshiiska uu la gelayo Real Madrid.
Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa soo-dhoweynta Kylian Mbappe oo la filayo inuu xagaaga kasoo dego Santiago Bernabeu, laakiin laacibkan ayaa isaguna dhinaciisa ku mashquulsan sidii uu u heli lahaa gurigii uu degi lahaa.
Mbappe oo sidoo kale doonaya inuu ciyaaro tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 iyo ciyaaraha olombikada ee lagu qaban doono magaalada Paris ayaa waxa uu waddanka Spain ka raadinayaa guri qasri ah oo uu dego, maadaama waqtiga uu imanayo Madrid ay tahay xilli mashquul ah oo ciyaaraha caalamiga ah ay kaabiga u saaran yihiin.
Lydia Martinez oo ah khabiir dhinaca hantida maguurtada ah ee waliba qasriyada ah ee Madrid aqoon u leh, ayaa waraysi ay bixisay waxa ay ku sheegtay in haddii Mbappe uu damco guri cusub oo qasri ah in uu ku kici doono inta u dhaxaysa €12m illaa €16 milyan oo Euro.
Xaafadda ay inta badan deggen yihiin ciyaartoyda Real Madrid ee La Moraleja ayaa la filayaa in Mbappe uu dego, waxaana guryaha cusub ee halkaas ka dhisan oo qaarkood ay jaar yihiin Vinicius Junior uu Mbappe ku qasnaan doonaa inuu bixiyo illaa €16 milyan oo Gini.
Xaafadda kale ee La Finca ayaa iyadana la sheegay inay tahay meel u dhow garoonka tababarka Real Madrid ee Valdebebas oo ay sidoo kale deggen yihiin ciyaartooyda Real Madrid qaarkood, waxaana ay qaali u tahay sida xaafadda La Moraleja oo kale.
Labadan xaafadood ayaa la sheegay inay yihiin meelaha ay deggen yihiin dadka qaniga ah iyo kuwa magaca leh.