Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Mareykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, munaasabad kooban oo ka dhacday xeyndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Xalane, halkaasi oo diblomaasiyiinta Mareykanka loo oggoleyn inay bannaanka uga baxaan.
Danjiraha cusub ee Mareykanka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday madaxweynaha dowladda Mareykanka Mudane Joe Biden.
Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in dowladda gederaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka.
Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd ku dhowaad 30 sano, wuxuuna qeyb ka yahay dagaalka Al-Shabaab, inkasta oo muddooyinkii u dambeeyay ay hakiyeen howl-galadii dhanka duqeymaha ah ee ka dhanka ahaa argagixisada.