Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta kulan saagootin ah la qaatay safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya.
Danjire Ibrahim M. Yagli ayaa si rasmi ah u soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee uu u joogay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey Danjiraha muddadii uu ka howl-galayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Safiirka sii baxaya ee Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli oo dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sidii wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ugu garab istaageen gudashada waajibaadkiisa
Mudane Xamza ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay tahay saaxiib dhab ah oo is-garab taagay Soomaaliya xilliyo adag oo ay soo martay iyo hadda oo lagu soo xad-gudbay Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhawaan gaaray heshiis difaac, kaasi oo dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.