Xaalad adag oo ka dhalatay fatahaad horleh oo uu sameeyay wabiga Shabelle ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka socdo barakac ay sameynayaan dadka deegaanka.
Wabiga ayaa xalay ku fatahay xaafadaha bari ee magaalada Beledweyne, kadib roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay halkaasi.
Dadka deegaanka oo ay saameysay fatahaadan ayaa bilaabay barakac, waxaana intooda badan ay deegaansadeen dhulka taagga ah ee ka fog goobaha biyaha ay galeen.
Barakacayaasha ayaan weli helin wax gurmad ah, mana jiro tallaabo ay illaa iyo hadda qaadeen madaxda gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan xaaladdaasi.
Qaylo dhaanta shacabka ayaa durbo bilaabatay, waxayna baaq culus u direen dowladda federaalka, HirShabelle iyo hay’adaha ka shaqeeya samafalka.
Fatahaadan oo horay looga digay ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn guud ku yeelato magaalada Beledweyne oo uu dhex maro wabiga Shabelle ee ka yimaada Itoobiya.
Dowladda dhexe ayaa dhowaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab wato dabeylo iyo daad.
Si kastaba, marar badan ayay soo laa laabtay fatahaadda Beledweyne, mana muuqato qorshe cad oo wax looga qabanayo, marka laga tego gurmadka loo sameeyo shacabka.