Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay laba nin oo burcad ah, kuwaas oo dhowaan dhaawac iyo dhac ka gaystay degmada Garasbaaley.
Booliska oo qoraal soo saaray ayaa baahiyay magacyada iyo sawirrada labada nin oo kala ah Dable Xoogga dalka Cabdullahi Mustaf Maxamed iyo Ismaaciil Cali Ibraahim oo isna ah darawal mooto Bajaaj, sida lagu sheegay warsaaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.
Raggan ayaa loo haystaa inay dhaawac iyo dhac ay isugu dareen ganacsato ku suganayd Garasbaaley oo kamid ah degmooyinka cusub ee gobolka Banaadir.
“Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Garasbaaleey ayaa maanta soo xiray Laba eedeysane oo lagu kala magacaabo 1-D/le CXD C/laahi Mustaf Maxamed 2-Ismaaciil Cali Ibraahim iyo mooto Bajaaj ay wateen kuwaas oo ku eedeysan in ay taariikhda 21-5-2024 ay dhac iyo dhaawac u geesteen labo muwaadin oo ganacsi ku leh Dagmadda Garsbaaleey” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliska gobolka.
Sidoo kale taliska ayaa ballan qaaday in labada eedeysane laga qaadi doono tallaabo sharci ah, isla markaana loo sii gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh.
“Waxaana la horgeydoonaa Maxkammadda awooda u leh insha-Allah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhinaca kale booliska ayaa farriin u diray shacabka Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan ammaanka iyo sidii loo soo qaban lahaa cid kasta oo dambi gaysata.
Muwaadin haddii aad la kulanto falal ammaanka liddi ku ah la xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991” ayaa lasii raaciyay.
Maalmihii u dambeeyay ciidanka booliska Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo lagu qabtay burcad badan iyo dad ku eedeysan anshax xumo.