Qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday xarun shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay agagaarka Isgoyska Baar Ubax degmada H/wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday miino la sheegay in lagu xiray dhismaha xarunta oo xiligaas xirneyd, lagana maqnaa marka laga reebo waardiye gudaha ku jiray.
Burbur xooggan ayaa qaraxaas ka soo gaaray qeyb ka mid ah xarunta, sida albaabada iyo daaqadaha, waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka DF oo baaritaano wada, lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas.
Waxaa xusid mudan in bilihii la soo dhaafay qaraxyo is xigxigey lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha shirkaddu ku leedahay magaalada Muqdisho gaar ahaan Xero-Jarmal (Xaruntii Tababarka Farsamada Gacanta) ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha iyo meelo kale.
Sidoo kale, waxaa qaraxyo gaadiidkooda loogu xiray ku dhintay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud oo ah mida ugu weyn isgaarsiinta guud ahaan Somalia.
Lama oga sababta loo beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan sidoo kale Laamaha amaanka DF iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaan ka hadlin illaa hadda qaraxyada iyo dilalka ku socda shaqaalaha shirkada Hormuud.