Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Maxamuud Cabdulle, ayna qeyb ka ahaayeen wasiirka arrimaha hudaha HirShabeelle Cabdiraxmaan Guure ayaa maanta waxay booqasho ku tageen biyo-xireenka Sabuun ee duleedka magalaada Jowhar.
Masuuliyiintan ayaa sidoo kale waxaa kormeerka ku wehliyay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makraan, wasiir ku-xigeenka wasaaradda gargaarka iyo masuuliyiin kale, waxayna indhahooda soo saareen xaaladda biyo-xireenka.
Biyo-xireenka Sabuun oo bur-bur xoogle ka muuqdo ayaa sanadihii la soo dhaafay helin wax dib u dayactir ballaaran ah, iyaga oo masuuliyiintaan kormeerka qeybta ka ahaa ay indhaha soo saareen sameyntii ka soo gaartay fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.
Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka ee SODMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan dib u dayactirka kanaalkaan muhiimka ah.
Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in ay tallaabadaasi qaadi doonaan iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka, si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu sameeyo.
Waxa uuna guddoomiyaha intaas kusii daray in si ka hortag loo sameeyo loo baahan yahay in la habeeyo biya-xireenada iyo goobaha biya mareenada ah.