Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga gaarka ah ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.
Ergayga gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya horumarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta iyo ku biirista East African Community.
Sidoo kale wuxuu dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay qaadista cunaqabateynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna uga mahad-celiyay dowladda Jarmalka taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka.
Jarmalka ayaa kamid ah dalalka sida wayn u taageera dowladda fedaraalka, wuxuuna ka caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin amniga, gargaarka, horumarinta, caafimaadka iyo waxbarashada.