Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay magaalada Odesa ee koonfurta dalka Ukraine, xilli uu madaxweynaha dalkaasi Volodymyr Zelensky uu kula kulmayay raβiisul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis.
Ciidamada badda ee Ukraine ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen. lama soo sheegin cid ka tirsan labada wafdi oo wax ku noqday.
Mitsotakis ayaa sheegay in labadooduba ay maqleen dhawaqa seeriga iyo qaraxyada.
Ruushku waxa uu sheegay in uu bartilmaameedsaday goob lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dhinaca badda ah oo ku taalla meel ganacsi oo ku taal magaaladaas intii uu socday weerarkaas.
Madaxweyne Zelensky ayaa ku eedeeyay Ruushka βin aysan dan ka lahayn cidda ay beegsanayaanβ, isagoo sheegay in Moscow ay βama waalatay ama aysan xakameynin waxa ay sameynayaan ciidankooda argagixisada ahβ.
Intii lagu guda jiray shir jaraaβid oo ay si wada jir ah u qabteen raβiisul wasaaraha Giriiga ayaa yiri βwaxaan maqalnay dhawaqa seeriga iyo qaraxyo ka dhacay meel noo dhow, ma aanan helin waqti aan ku gaarno gabbaadβ.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Β
Β
Β
Β
Β
Β
Β
Β
Β 

