Weerarkan ayaa ku guuleystay inay nidaamka difaaca Israa’iil ee waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato ka gudbiyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaasoo ku qarxay saldhig ciidan.
Xisbullah waxay sheegtay weerarkan inuusan jawaab u ahayn dilka la taliyahoodii u sarreeyay ee militariga ama Haniyeh, iyagoo sheegay inay uga jawaabayeen weerarradii u dambeeyay ee ka dhacay koonfurta Lubnaan.
Inta uu socday maanta weerarkan oo loo arkayay mid ka mid ah weerarradii ugu horumarsanaa ee Xisbullah ayaa wuxuu qarax weyn ka dhacay waddo mashquul ah oo ku taalla magaalada Nahariyya ee galbeedka gobolka ay Israa’iil heysato ee Galilee, taasoo loo qaatay in qaraxa uu ka dhashay weerarka
Hase ahaatee Israa’iil ayaa ku andacootay in mid ka mid ah gantaalada nidaamka difaaca Iron Dome oo ka hortagayay diyaaradaha inay gaaraan bartilmaameedkooda inuu si khaldan ugu dhacay goobta uu qaraxa ka dhacay.
Xoogaga Xisbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay in weerar ay u adeegsadeen raxan dayaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ku qaadeen bartilmaameedyo milateriga Israa’iil ay ku leeyihiin waqooyiga Israa’iil.
Xisbullah ayaa soo saartay hadal qoraal ah oo ay ku sheegtay inay qaadday weerarradaas ay ku bartilmaameedsatay xarumaha guutada Golani iyo qaybta Egoz ee 621 oo ku yaalla xaryaha Shraga ee waqooyiga Acre, oo ku taalla waqooyiga Israa’iil.
Sida lagu sheegay qoraalka “Dayaaradahaas waxay toos ugu dheceen bartilmaameedyadooda”.
Ambalasyada Israa’iil ayaa sheegay inay la tacaaleen labo qof oo dhaawacyo so gaareen, galbeedka gobolka Galilee, kuwaasoo xaaladoodu aad u liidato.