Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo u wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Xubno kala kala tirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Shabeellada Dhexe, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa safar shaqo ku tagey degmada Mahadaay.
Maamulka Degmada Mahadaay, Dhaqan, Haween, Dhallinyaro iyo Carruur ayaa wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay Degmadaasi.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa la hadlay bulshada waxana uu yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan soo gaaro Mahadaay oo xor ka ah Khawaarijta. Horumar dhinac walba ayaan u gudbeynaa xilligan wixii ka dambeeyo.”
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax-dhiggay mashaariicda kala ah:-
1. Xarunta Degmada
2. Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare
3. Nalalka Cadceeda ku shaqeeyo.
Ugu dambeyn Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku ammaanay bulshada Degmada Mahadaay qaabka ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa.