Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Aqalka Martida ee Kismaayo ku qaabilay sii hayaha Ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha doorashooyinka, iyo amniga.
James Swan ayaa dhageystay warbixinta Madaxweynaha Jubbaland ku saabsan xaaladda maamulka iyo shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka socday magaalada Muqdisho.
Kulanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo James Swan waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday howlgalka ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) ee Soomaaliya, kaas oo muhiim u ah nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka. ATMIS waxay leedahay door muhiim ah oo ku saabsan taageeridda ciidamada Soomaaliya iyo ka shaqeynta amniga guud.
Wali lama oga sida booqashadan ay u saameyn doonto mowqifka Madaxweynaha Jubbaland ee la xiriira Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Axmed Madoobe ayaa toddobaadkii hore ka tagey magaalada Muqdisho xilli uu socday shirka Golaha Watashiga oo looga hadlayay xaaladda guud ee dalka iyo arrimo la xiriira doorashooyinka.
Shirkaasi weli lama soo gaba gabeyn, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.