Afku, waa meesha ay ku kulman xubno badan oo uu leeyahay jirka aadanahu. Waxaa ku dhex nool in ka badan 700 oo nuuc oo bakteeriyo ah oo la yaqaano, iyo sidoo kale dheecaano, fayrusyo iyo sidoo kale noolaha loo yaqaano protozoa.
Noolayaashaan oo dhan ayaa waxay yiiin kuwo lagu arko oo kaliya shaybaar, waxayna kaalin muhiim ah ka ciyaaraan caafimaadkaaga.
Xanuunada ugu badan ee ka dhasha isbadalada ku dhaca bakteeriyadaan ayaa waxay yihiin suuska iyo cudurada cirridka.
Cadeymo isi soo taraya ayaa waxay sheegayaan in noolayaashaan ay sidoo kale ku lug leeyihiin xaalado kale oo caafimaad oo halis ah, kuwaas oo ku dhaca jirka.
Xanuunada sambabada
Maadaama neef qaadashadu ay ka bilaabato afka, kadibna loo sii diro sambabada, waxay u badan tahay in aysan layaab lahayn in qaar ka mid ah noolayaasha afka ay gudaha u galaan samababada.
Arrintaan ayaa inta badan waxay sababtaa xanuuno ay ka mid tahay dabaysha gasha feeraha, taas oo ah xanuun dhimasho keena hadii uu ku dhaco dadka da’da ah ee nadaafad xumada afku haysato, taas oo sababta in bakteeriyadu ay sii kororto.
Sida ay sheegeyso cilmi-baaris la sameeyay hawlwadeenada caafimaadka afka ay ka shaqayn karaan in ay hoos u dhigi kara bakteeriyadaas.
Cudurada wadnaha
Mid ka mid ah xanuunada ay sababaan noolayaashaan ayaa ah kan sababa suuska ilka gala.
Xanuunka ayaa ah holac adag oo sababa in ay burburaan lafaha ilka iyo sidoo kale xidida yaryar eek u dhexjira, kaas oo ugu dambeyn keena in ilugu dhaco.
Xanuunka ayaa ah mid sababto bakteeriyo ku dul taranta inta u dhaxaysa cirridka iyo ilkaha, sababa la xiriira nadaafad darro dhinaca afka ah.
Laakiin waxa sanado badan cilmi-baarayaasha wareeriyay ayaa ah xiriirka xoogan ee ka dhaxeeya cudurada cirridka iyo kuwa wadnaha.
Xiriirkaas ayaa laga yaabaa in uu sabab I yahay dhawr halisood. Tusaale ahaan dadka sigaarka ama waxyaalaha kale caba waxa ay leeyihiin xanuunada cirridka iyo kuwa wadnaha intaba.
Kuwa kale ayaa sidoo kale waxay sheegeen in bakteeriyada ku dhacda cirrird ka ay sidoo kale u gudbi karto wadnaha iyada oo sababaysa caabuq.
Wax cadeyn lagu qanci karo oo ka dhaxeysa labadaas ayaan ilaa iyo haatan lahayn.
Xanuunada xasuusta
Mid ka mid ah xanuunada ugu layaabka badan ee lala xiriiriyo nadaafadda afka ayaa ah kan ku dhaca xasuusta.
Dhaqaatiirta afka ayaa waxay xiriir wadaajiyaan nadaafadda afka xanuunada sababa xasuus lunka ama jahwareerka.
Laakiin maadaama marar badan xasuus lunka iyo xanuunada ku dhaca ilkaha ay yimaadaan marka qofku da’gaaro, ayay adag tahay in la go’aamiyo in xiriir rasmi ah uu ka dhaxeeyo labadaan xanuun.
Balse waxaa jirta in sanadkii 2019 kii, in koox cilmi-baarayaal ah ayaa keeneen xogo la xiriira in maskaxda dadka qaba xasuus lunka ay sidoo kale ku jirto bakteeriyada P gingivalis, taas oo ah midka mid ah bakteeriyooyinka ugu wayn ee sababa xanuunada ku dhaca cirridka.
Laakiin fikirkaan la xiriira in maskaxda, oo ah meelaha ugu nadiifsan jirka aadanaha ay saameyso bakteeriyo afka ka timaada ayaa ah mid aan la isku waafaqsanayn, waxayna u baahan tahay cilmi-baaris aad u badan. Sidoo kale in xiriirka kala dhexeeyo xanuunada wadnaha, oo bakteeriyaan ay sababto ama ku leg leedahay wadna xanuun ama xasuus lun ayaa u baahan baaritaan dheeri ah oo lagu sameeyo.
Inkasta oo saameynta ka dhalata nadaafadda afka ay u muuqato mid isi soo taraysa, ayaa haddana warka wanaagsani wuxuu yahay in aan awood u leenahay in aan maamulno oo ka shaqayno bakteeriyada ku nool afkeena, oo aynu ka hor tagi karno cudurada.
Afkaaga nadaafadiisa oo aad si heersare ah aad uga shaqayso ayaa ah mid muhiim ah. Waxyaalaha aad sameyn karto ayaa waxaa ka mid ah in aad maalin cadaydu afkaaga laba jeer iyo in aad dun yar oo nadiif ah ama (floss) dhexmariso ilkahaaga iyo inta u dhaxeysa ciridka iyo ilkaha si joogto ah. Arrintaas ayaa waxay yareyn kartaa suuska iyo xanuunada cirridka.